Somaliland Net your gate way to Somaliland News and Information
Saturday June 30th 2012

Nuxurka Kulan Faysal Cali Waraabe Iyo Madaxweynha Somalia ku dhexmaray Dubai

Hargeysa  (Somalilandnet)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta  Magaalada Dubia ee dalka isku taaga imaaraadka carabta kula kulmay Madaxweynaha dawladda TFG-da Somalia Shariif Sh. Axmed, oo uu kala hadlay inuu ka noqdo laba xubnood oo uu ku soo kordhiyay Gudidii uu u soo xulay wada hadalada Somaliland/Somalia, kuwaasi oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo maanta  u waramayay laanta Af-Soomaliga ee BBC-da ayaa sheegay ujeedada kulanka ay aheyd sidii loo dardargalin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii London oo aheyd wada hadal dhexmara Somaliland iyo Somliya, waxaana yidhi, “ Waa tii shirkii London lagu go’aamiyey inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya markaa arrimahaa sidii loo dardargalin lahaa oo uu u suurto gali lahayd,  ayaanu Madaxweyne Shariif ka wada sheekaysanay kulankayagu waxa uu ahaa kulan shakhsiya.”

Faysal Cali Waraaabe waxaa uu sheegay in uu hogatusaaleyey Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Somalia inaanay dawladiisu majaro-habaabin jawigii uu ku qabsoomi lahaa wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu shariif u soo jeediyay in laga saaro wada hadaladda labada xubnood ee Puntland ee uu ku soo kordhiyay Gudidii wada hadalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu kulankaasi  ku dhamaaday is af-garad  oo ay isla qaateen Madaxweynaha dawladda TFG-da inuu tixgelinayo tabashada Somaliland isla markaana aan lagu dirqiyayn wax aanay  ogolayn.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan qaadacday wada hadalkii dhex mari lahaa Somalia, ka dib markii ay ku eedaysay Sh. Shariif inuu carqaladeeyay jawigii uu ku qabsoomi lahaa wada hadalkaasi oo uu ku soo daray laba xubnood oo ka soo jeeda Puntland.

SomalilandNet
Hargeysa

Leave a Reply