Somaliland Net your gate way to Somaliland News and Information
Tuesday June 26th 2012

Magacyada xubnaha uu Siilaanyo ku aaminay masayrka umada

President of Somaliland Mohamed Ahmed Siilanyo

Hargysa,(Qaran news)- Waxa uu caawa madaxweyne Siilaanyo si indho laan ah uu u magacaabay 5 xubnood oo ka tirsan golahiisa wasiirada, oo uu ku sheegay gudi qaban qaabo iyo sidii looga qayb gali lahaa wada hadal dhex mari doona Somaliland iyo Somaliya. Warsaxaafadeed uu caawa saxaafada u qaybiyay afhayeenka madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay shan ka mid ah golaha wasiirada oo ay ka dhexd muuqadaan rag aan ruug cadaa siyaasiyiin ah.

 

 

 

Shanta xubnood ayaa kala ah sida hoos ku xusan.

1.     Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar

2.     Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

3.     Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade

4.     Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo

5.     Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

 

 Hadaba dadweynaha ku dhaqan caasimada ayaa caawa aragtiyo walaac leh ka muujiyay xusbanahani uu Siilaanyo u magacaabay in ay wada hadal la galaan Koonfurta  Somaliya, taasi oo goobaha lagu caweeyo ee caasimada iyo meelaha la isugu yimaadoba aad looga hadal hayay caawa, waxa ay dadka badankoodu ku doodayaan in xubanahan la diray ayna ahayn kuwo ka soo midhio dhalin kara qadiyada loo igmaday, sidoo kale dadka badankiisa ayaa sheegaaya in ay arintani tahay mid ka baxsan xukumadda Siilaanyo oo ay tahay arin qaran sidaas awgeedna loo baahnyahay in looga talo iyo gogolba bato shantan xubnood ee xukumadda ka tirsan.

Dadka qaar ayaa aaminsan in xubno ka tirsan golayaasha qaranka iyo xisbiyada mucaaridka laga talo galiyo oo midkiiba xubin laga siiyo gudiga la hadli doonta koonfurta Somaliya.

Leave a Reply