Somaliland Net:
Web ThisSite
Fly with Daallo Airlines

        

Join Somaliland Net Forum
 Somaliland Net  - Your gateway to Somaliland news and information!  24/7 News - Shabakada Somaliland
More Likns EMAIL LOGIN
Get Your Email Now

RESOURCES
» Home
»
General News
» Somaliland News
» World News
» Opinion - Rayi
» Articles
» News Archieve
»
Sland Referendum
»
Somaliland Flag
»
Intro to Somaliland
» Somaliland Net Forum
» Chat Rooms
» Boga Heesaha
»
Chk Your Credit (FREE)
» Free Classifieds

» Radio Somaliland
» 
Radio Golis
» 
Somaliland Era
» Somaliland Gov
» Somaliland Mission
»
Somalilanders List
»
Soc.culture.somalia
» Alt.events.somalia
» Alt.culture.somalia

CONTACT INFORMATION .
Fax: (651)321-4100
Email:
The Webmaster


Hargeysa TV labaad ayay u baahan tahay .

Posted to the web Feb 12 2001 16:49 - Hargeysa oo ah Caasimadda dalka Somaliland oo Shacbiga ku nooli uu imika aad u badan yahay, Tilifayshinka hadda jirana la sameeyay sannadkii 1997kii, kaas oo dalku u baahnaa run ahaantii wax badana uu u soo kordhiyay, ahna meelaha laga eego horumarka dalka, way ku ammaanan yihiin dadkii Fikradaasi lahaa ee hindisay, Madaxda iyo kuwa la shaqeeyaana aad ayay u ammaanan yihiin.

Haddaba, waxa jirta dhalliilo badan oo ilaa maanta ka muuqda TV-ga Hargeysa, una baahan wax ka qabasho iyo toosin. Taas oo aan dhawr jeer oo horana fikrad iyo tallaba ka dhiibtay, anigoo ku faafiyay Joornaalada, talladaydana waxa weeyaan tii saddexaad een arrintan ka bixiyo. Waxaana ka mid ah:

1. Habeenka Jimcaha, waxaad saartaan Riwaayado reer Jabuuti ah ood mid walba Toban jeer ku soo celiseen, waxa haboon in aad ku bedeshaan Riwaayadaha Wadaniga ah ood isku taxalujisaan sidaad u soo heli lahaydeen Cajaladahooda, soona ururisaan. Mida kale Cajaladaha Muxaadarooyinka Diiniga ah sida kuwa uu duubay Mustafe Xaaji Ismaaciil iyo kuwa la midka ah oo aad soo daysan Toddobaadkii laba ilaa saddex jeer.

2. Goob kasta oo shaqo wax soo saarkeeda, hagaajinteeda iyo sumcadeedu waxay
ku dhisan tahay amba tayadeedu noqotaa marba sida loo raali geliyo shaqaalaha goobtaas hawlaha ka wada.

3. Maadaama aad Janalkii 2aad ee Ciyaaraha aad siiseen TV-ga aad ka furteen
Boorama, waa in aad Janal 2aad oo Ciyaaraha u gooniya si degdeg ah aad u samaysaan.

4. Waa in aad Barnaamijyadiina ku soo dartaan Barnaamijka magaala joog xumada, idinkoo kaga hadlaya dadka hab-dhaqanka xun leh ee magaalada ku soo badanaya.

5. Soo saarayaasha barnaamijyada ee TV-ga Hargeysa, way ku mahadsan yihiin barnaamijyada kala ah: Xogta maanta iyo Caawa iyo Barnaamijka Hal Adayg, Barnaamijka Daafaha Dunida, waana in wax laga bedelo barnaamijyada tayadoodu hadda liidato, sida Haanta TV-ga iyo Rayiga dadweynaha. Warka Soomaaliga ah oo wakhtigiisu aad u gaaban yahay intuu socdo waa in la dheereeyo sida TV-yada Caalamiga ah, laguna soo darro wararka muuqaal ahaan meeshii u baahanba, Weriyayaashuna ay xil iska saaraan siday wax uga soo duubi lahaayeen magaalada gudaheeda wararka muhiimka ah, sidoo kale gobolada iyo degmooyinkaba wararkooda oo muuqaal ah ay ka soo duubaan

6. Ma aha TV-gu inuu soo duubo oo keliya meesha ay xaflad amba Siminaar ka jiro ee looga yeedho ee waa in ay ka war doontaan dhacdooyinka joogtada ah ee magaalada iyo dalkaba, taas oo ay ka heli karaan dhacdooyin xiiso badan, amba muhiim ah amba la yaab ah oo loo baahan yahay, isla markaa soo taabanaya soona duubaya wixii fool-xumo wadanka ku ah ee ka hagaajin u baahan iyo wixii horumar ah ee wadanka u soo kordha. Waa in aad wararka iyo dhacdooyinka joogtada ah Ikhtiyaarkiina u raadsataan.

Haddaba, waxaan ku guubaabinayaa Ganacsatada Hargeysa in ay qaarkood isku tagaan una sameeyaan Tilifayshan 2aad oo ay Caasimaddu aad ugu baahan tahay, iyaguna ay ka heli doonaan dhaqaale badan, dalkana wax ugu soo kordhin doonaan. Shacbiga laftooduna waxay helayaan in ay kala doorasho ku sameeyaan labada TV, oo ay hadba kii wanaagsan doortaan.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar-xaashi, Hargeysa.
-


Get yourname@somalilandnet.com Email - > click here
Got news email it to news@somalilandnet.com.

Yesterday, Tomorrow : Voices from the Somali Diaspora .


Fikrada ama Maqaalka halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah
Ismaaciil C/Raxmaan Cumar-xaashi, Hargeysa.. The views, opinions or articles published here are solely those of its authors MR. Ismaaciil C/Raxmaan Cumar-xaashi, Hargeysa.. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad isleedahay soo dir rayi ama maqaal - To Submit
Article or Opinion Somaliland Net Opinion (Rayi'ga Dadka)



This site has been optimized for 4.0+ Browsers.

 

 

INFORMATION FOR YOU
SERVICE
Translation Service
contact the webmaster for more details
Advertise with Us
For unlimited exposure for your business click the link for more info.

Wadankaga(magaaloyinka Eeg - Check Somaliland weather in Major cities
MAXAA CUSUB -
Check what is new on somaliland Net - Halkan waxaad ka eegi kartaa waxa ku soo kordhay Somaliland Net ama ku cusub. click here for what is new - for more info email us...Email Us

EDITOR PICK
Halkan waxaanu idinku so xulnay meelo xiiso leh oo la booqdo. nominate a site for the Editor pick.

Halkan ka dir hada Kaadh ay ku lifaaqantahay Hees CLICK HERE
· books!
· Music!
· Cards

Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement
Copyright © 1998 2002 Somaliland Net