somaliland.net

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Posted to the web Sept 15 2009, 08 10

Sept 15 2009 - Anaga oo ah Masuuliyiinta ururka Somaliland Youth Forum, oo ka soo jeeda gudaha dalka iyo dibaddiisaba waxanu tacsi u diraynaa dhammaan Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeryoodeen Dadkii maanta ku dhintay rabshadihii ka dhacay Caasimadda Hargeisa ee Somaliland. waxanu leenahay samir iyo iimaan Allaah ha idinka siiyo dhammaantiinba iyagana Ilaahay waxaanu uga baryaynaa inu naxariistiisa Janno Fardowsa ka waraabiyo.Aamiin. .. .Aamiin

Waxaa ayaan daro weyn ah in inagoo kudhawaad Labaatan Sanadood ku naaloonayney xasilooni,degenaansho,isu tanasul iyo tala wadaag aynu kaga caanbaxnay Mandaqada geesk Africa inteeda kale ee ay halaakeeyeen dagaalada sokeeyo wadankii uu maanta galay marxalad cakiran oo hadii aan Caqliga saliimka ahi dhaqso u talin khatarteeda leh kana dhigi karta tacabkii iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo huray qaranimada Somaliland Laf dhuun gashay.

Waxaa wax aad looga xumaado ah sida dhibta yar ee Masuuliyiinta Qaranka,Golayaasha Dalka iyo weliba Xisbiyaduba ugu tagri falayaan xilalkii Umadu u igmatey xaalkooduna dhaafi la'yahay yooyootan iyo is xag-xagasho ay ku ilaaween yoolkii ay Dalka kuhagi lahaayeen maanta uu marayo heerkii u qalafsanaa intii Somaliland Qaranka ahayd..

Waxaa muuqata durba gol daloolooyinka qaar kamida Masuuliyiinta Qaranka ee loo hanweynaa inay kala garan la' yihiin danohoodii gaarka ahaa iyo xilkii qaranka ee ay u dhaarteen,una garab mareen wixii ay u balan qaadeen Shicib weynaha xalaasha ah ee Somaliland makii kuraastan ay kufadhiyaan usoo hamuumayeen, sida hadaba qaar kamid ahi u dhaqmeen.

Waxaa hubaal ah in maalin maalmaha kamida Masuul kasta oo xil soo maray lagu abaal marin doono wixii uu Dalkan iyo Dadkan usoo qabtay,maadaama aanaydaan weli ka kaaftoomin codadkii aad nooga barateen oo aanaydaan is huri doonin,doorkanse aanu kafiirsan doono halka aanu kula kufayno.

Fariintayada ku aadan Shicibka gobta iyo geesiga ah ee reer Somaliland waxay tahay in banaanbaxyadooda ay u adeegsadaan si nabad gelyo ah iyagoo dhawraya sumcada iyo karaamada dalkeena,kana dheeraadaan waxyaalaha keeni kara isku dhac deg-deg ah oo ku qasba Ciidamada amaanka inay Hub u adeegsadaan Shicibka,iskana ilaaliyaan waxyaalaha wax u dhimi kara bilicda Dalka sida burburinta Goobaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.


Fariin taa lamida waxaanu u dirayaa Hayadaha nabadgelyada iyo Ciidamada qaranku inay masuul kayihiin Hubka gacantooda kujira xil weynina kasaaran yahay halka ay u adeegsanayaan oo aanu kadigayno in ay u isticmaalaan Dadweynihii cashuurtooda lagu soo iibshey sidii shalay ka dhacday Magaalada Hargeysa.


1. S. Y.F. Ururka dhalinarada Somaliland
2.Dr.Zeinab.M.Musse. Germany
3.Bashir Irahim Elmi.. Uk
4.Osman Hersi. Germany
5.mohamed Barud qalinle Somaliland
Ciise.M.Muse. Germany
Omar Ali Iidle Somailand


Author Name: Somaliland Youth Forum
Authors Location:
Contact Author: osam71@hotmail.com

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Somaliland Youth Forum. The views published here are solely those of its authors Somaliland Youth Forum. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Print News - Email this Article - Translate - Submit article