somaliland.net
BAAQAN WAXAA DIRAYA URURKA LIIBAAN UK,
Posted to the web Sept 15 2009, 08 00
Sept 15 2009 - Baaqan waxaan udiraynaa dhamaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Ku; madaxwaynaha iyo xukuumadiisa. Iyo xisbiga udub
Ku,gulaha shacdi dajinta, WAKIILADA IYO GUURTIDA.
Ku; Waaxda cadaalada iyo gorsoorka.
Ku culuma udiinka somailand.
Ku ; Madax dhaqameedyada,
Ku, xisbiyada, mucaaridka ah, kulmiye iyo ucid.
Ku; ururada bulshada, iyo ganacsatada.
Ku .saxaafada mahaxa banaa iyo tan dawliga ahba.
Hadaba hanka waxaan marka hore tacsi uga diraynaa dadkii wax ku noqday, mudaharaadkii 12/ 9./2009.
Waxaan ilaahay uga baryaynaa in ilaahay in tii inaga dhimatay, samiryo iimaan inagasiiyo dhamaanteenba, intii dhaawacantayna ilaahay shaafiyo.
Baaqan , nabada ah waxaan udiraynaa qofkasta, oo jecel Somaliland una damqanaya.
Bulshada Somaliland waxaan ugu baaqaynaa, waar nabadeena inoo ilaaliya, waar nabadaan wax kunahay,
Shacabaka Somaliland waxaan leenahay, hebel hadhaco iyo hebel hanoolaado xalmaaha.
Waxaan soo jeedinaynaa hadaanu nahay ururka LIIBAAN UK, shacabaw xaabo ha u noqonina nimanka kursiga isku haysta. Maanta waxaa laynooga baahanyahay, in aan eegno wadadii qodxaha badnayd een soo marnay.
Rag gogoshii waa nabad, waxaan leenahay, siyaasiyiintow, talo keena, ama mucaarad ahaada ama muxaafid ahaadoo, Somaliland idinkay idin egaysaa, mindi mindi ka horgayna xalmaaha.
Wada hadla, howlbaa idiintaal, ciyaalka iyo maatidana haqda kadaaya. Dhagaxlatuuro iyo qof laxidhaa xalmaaha.
Bil ramadaan baan ku jirnaaye ilaahay ha loo noqdo.
xaaladeena ha kadhigina reer bo ow yaa ku leh.
dareenkayaga waxaan idiinku soo gudbinaynaa, gabaygan.
gabaygan, guulaamo, ee abwaanka faysal awcabdi canbalaash,
ayaa dareen inoogu filan,
Giddigeed adduunyada dhib wuu gaadhi jiray waaye
Way galalafaan xaajadii loo gol leeyahay e
Garyaqanadooday murtida godol ka maalaane
Wax kastoo gur loo wado rag baa gooya xubinteede
Is garwaaqsi baa lagu dayaa laguna gaadhaaye
Is giriifku waa ceeb haddii la isba gooyaaye
Gabantiyo ma gaydada u tudha guuli waa waliye
Guurti baarlamaan iyo dhamaan golaha waayeelka
Gadh wadeenadeeniyo sarkaal gaadhka lagu meershay
Guluf iyo askari gaadhan oo qori ku gawdhiidha
Gurboobkiyo caruurtiyo haween wada gamboolay ah
Gaashaan qaadka joogiyo dhamaan geeshka iyo ciidan
Inta gudaha joogtiyo kuwaa yurub ka goohaaya
Giddigeenba waa wajib kaa loo gudboonyahay e
Gol daloolo aan dhawrro iyo godob wixii reeba
Giddigeed aduunyada intuu gaadhay magaceenu
Waa nabad waxaan goorkastaba gole ka sheegnaaye
Waa nabad waxaan guusha iyo libin ku gaadhnaaaye
Waa nabad waxaan laga go’ayn gama’an jiifnaaye
Waa nabad Waxaa lagu goglee loo golyahayeeye
Haddaan galin ku laalaabanoon galino baaruudda
Gaba gabo.
Ilaahay ha ina waa fajiyo wadada xaqa ah, dadkeena abaaruhu hayaana ha loo gurmado.
Walaalayaa aan is waheshano. Caqligu hashaqeeyo.
GUDOOMIYAHA URURKA LIIBAAN, c/qaadir siciid aadan.
Xog hayaha. C/RISAAQ AHMED JAMA.
Iyo dhamaan xubnaha, ururka oo dhan, meel kasta oo ay joogan.
Waxay idin leeyihiin . Nabadbaa caano macaan,
Author Name: A.A.J
Authors Location: london
Contact Author: abdi78@live.co.uk
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah A.A.J. The views published here are solely those of its authors A.A.J. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Print News - Email this Article - Translate - Submit article