somaliland.net

Warbixin(report) xaalada Somaliland

Posted to the web Aug 18 2008, 06 57

Aug 18 2008 - 3 March ilaa 28 April Qaybtii 2aad NABADA:- Qoraaladan waxaan ka soo dul xaadiyey warbixin dheer oo aan ka diyaariyey mudadii u dhaxaysay 3 April ilaa 28 May 2008 ,xilligaas oo aan ku sugnaa dalka hooyo ee Somaliland. Mudadaas kooban waxaa ii suurto gashay in aan booqdo Hargeysa- Burco –Berbera iyo Gabilay,gobolada kalena waxaa qaarkood kula xidhiidhay khadka Telefoonka.

Warbixintani waa sheegid khadaadka jira ee cid waliba ku lug leedahay, xalintooduna inna wada sugayso,waa talo soo jeedin,waa badbaadin dalkeena iyo dadkeena.
Qaybta 2aad waxaan ku eegayaa qiimaha uu leeyhay erayga NABADA,sidoo kale waxaan eegayaa siyaabaha kala duwan ee shacabka iyo Dowladu u kala adeegsadaan erayga nabada marka la joogo dalkeena Somaliland.

Waxaa filayaa macnaha erayga “nabad” in cid waliba garanayso,haddii aan si kooban u sii iftiimiyana “NABAD waxaa looga jeedaa NOLOL” “NABAD – la,aanteedna waa NOLOL, la,aan”,isku soo wada duub oo nabadu waa furaha nolosha oo dhan guud ahaan ,waxayna ku haboon tahay in la wada ilaasho oon cid gaar ah lagu haleynin.

Marka aad joogto Somaliland macnaha erayga nabad-da waxaa ka muuqda kala duwanaansho gaar ahaan Xukuumada iyo shacabka, kala duwanaantaas jirtaa waxay keeni kartaa in nabada Somaliland mudada dheer ku faanaysay ay guud ahaanba meesha ka baxdo.

Shacabka waxay erayga nabada u yaqaanaan sida aan kor ku soo sheegay oo ah “NOLOL”,markaad la sheekaysatana waxay ku odhanayaan “waanu ku fara adaygaynaa nabada ,mana jirto cid ku ciyaari karta nabada aanu maant haysano , waxay erayo kulul kugu odhanayaan “nabadu waa inta aanu cid walba ku dhaano maanta”.

Dhinaca kale Xukuumadu ayaa waxay erayga nabada u taqaanaa “ eray lagu ceebeeyo, amase dembi loogu sameyn karo”cid kasta oo ka soo horjeesata go,aanada Dowlada sax iyo khalad kay doonaanba ha ahaadeen.Waxaynu inta badan maqalaa Xukuumada leh “hebel baa nabada khal khal gelinaya”.

Tusaalle waxaa u ah dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ay ka mid ahaayeen ,ganacsatada Kooto diidka ah iyo weliba Xirsi oo ah G.K.H.ee G .doorashooyinka oo hadda xidhan,oo la sheegay in ay “nabada khalkhal gelinayeen”

Tussalle kale waxaa u ah sheekooyinka xiligan Burco lagu ceebaynayo ee ay ka mid yihiin Mj. Dhegaweyne ayaa abaabul wada ,Baabuurbaa korka laga jaray,qoryihii iyo raggii watayna lama hayo iwm. “nabada ay khal khal gelinayaan”

Xukuumadu waxay nabada u taqaan kooxda loo yaqaan GUDDIGA NABAD GELYADA,oo aynu had iyo jeer maqalo in ay dad ku xukumeen ,balse aanay jirin meel ay kaga jiraan Dastuurka dalka”haddii aad ka hortimaadana nabada ayaad khalkhal gelinaysaa,waana lagu xidhayaa.

Akhristoow waxaase ogsoonaataa in nabada dhaawac weynu soo gaadhi karo,haddii aay sii socdaan arimo badan oo maanta jiraa,waxaana ugu muhiimsan.
SHAQO LA,AANTA – SIXIR BARARKA – ABAARTA IYO BIYO LA,AANTA –MAAMUL XUMIDA – MUSUQ MAASUQA IYO XILKA QABYAALADA LADAYSAN .

“Waanu haraadnay--- nabada khal khal ha gelin”
“sixir barar baa jira – nabada khal khal ha gelin”
“Musuq maasuq baa jira --- nabada khal khal ha gelin”
“shaqo la,aan baa jirta – nabada khal khal ha gelin”
“Mujaahid baa Burco tegay—nabada khal khal ha gelin”
“Wershedii Sibidhka meeday ?-nabada khal khal ha gelin”
“Reer baa shiray – nabada khal khal ha gelin”
“Mudaharaad baa dhacay—nabada khalkhal ha gelin”
“Urur baan sameynayaa --- nabada khal khal ha gelin “
“Cusbitaalada qalab ma yaalo-- nabada khal khal ha gelin”
“Xoolaha ma dhoofinaa—nabada khal khal ha gelin”
“Wasiirku wuu khaldan yahay – nabada khal khal ha gelin”
“Waxkastaba sheeg – nabada khal khal ha gelin”
“Abshir oo darawalka Madaxtooyada ahaan jirayna “nabada ayuu khal khal geliyey”

Hadal iyo dhamaan ha hadlin ee ku xidhnoow geedkaa cidlada ah,haddii aad is dhaqdhaqaajisa.ogow “ NABADA AYAAD KHAL KHAL HA GELINAYSAA” waana lagu xidhayaa.



Mahadsanidin


--la soco qaybaha dambe ---





Author Name: Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Authors Location: manchester. uk
Contact Author: abdi_saleiman@hotmail.com

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Print News - Email this Article - Translate - Submit article