somaliland.net
BURKABA BAHAL HOOSE KAMA FILANINE`BAYDHBADHKII DANBAAN BARAARUGEY!
Posted to the web Aug 18 2008, 06 30
Aug 18 2008 - Wadanka Indiya waxa ka jira dhaqamo iyo caadooyin laga yaxyaxo oo ay ku shaqaystaan qaar ka mid ah dadka reer India gaar ahaan ku saboolka ah ama aan lahayn hanti ku filan noloshooda sida; Waxaad arkaysaa qoosas hooyo ama Aabo ilmihiisii inta uu yaraa laxaad tiray si ugu noqday aalad u shaqaysto.
Dadkan sidan kun dhaqmaa waxay ilmihii oo lugaha ama gacmahu go’anyihiin subaxwalba keenaan oo ay soo dhigaan meelaha dadku ku badan yihiin ee suuqweynayaasha ah, dariiqyada muhiimka ah iyo meelaha gaadiiddka laga raaco. Ujeedada ugu weyn ee ay arintan u sameeyaana waa si ay dadka uga helaan gargaar lacageed ama caawimo kale dadkuna ugu eegaan il naxariis leh marka ay arkaan dhibaatada qofkan yar ama weynaadayba ka muuqata.
Sheekadaa waxaanu uga socdaa, waxa caaddo u noqoto oo aynu marar badan maqalaa dad inta ay Qaranka, dalka iyo dadka ka galaan dunuub waaweyn oo khatar ku ah jiritaanka guud ku andacoonaya oo leh “ SNM baan ahaan jirey ee maxaa layla hadlayaa ama wax lay weydiinayaa?” sidoo kale waxaad arkaysaa qaar kale oo leh hebel SNM buu ahaanjirey maxaa loo hadalqaadayaa? Halkan waxaa inooga cad sida dadka qaarkii magacii SNM iyo taariikhdii halganka uga dhigteen Aalad lagu shaqaysto oo marka denbi faraha lagalaanba dadka lagu beerlaxowsado, naxariisna lagaga dalbado si dunuubtooda iyo eedda loo heystba looga dhuumaaleysto ama laguna qariyo. Sidoo kale waxaynu halkan ka arki karnaa sida kuwa sida u fikiraa u qiimo rideen SNM iyo taariikhdeedii, halgamayaashii iyo wixii ka nool iyagoo ka dhigaya ama u sawiraya dad aan miyir, maan, caqli iyo aqoon midna lahayn oo haddii ay denbi galaan loola dhaqmo ama laga dhigo siddii qof waalan oo aan hadalkiisa iyo hadimadiisu midna wax ka soo qaad lahayn noloshana laga takooro.
Waxa la yidhi magaalada Jigjigga waxa ku noolaan jirtay Islaan oohinteeda iyo baroorteeda loo adkeysan waayi jirey mar kasto oo magaalada geeri ka dhacdo ama ay aragto meyd aaskiisa loo dareerey ama xabaasha lagu wado.
Waqti dabadeed waxa la ogaadey in Islaanta barooteedu aanay ahayn aqoon ehelnimo oo ay u leedahay qofka dhintey ama arxan aadaminimo oo ay hayso qofka, laakiin kadaba ooyga iyo kadaba baroorashadeedu yihiin dabeecad iyo dhaqan ay shakhsiyan u leedahay oo nolosheeda ka mid noqday. Sababtaasi awgeedna waxa Islaantii loo bixiyey naaneysta caan baxday ee ah “Nin walba u jaba”.
Waxa ina xasuusiyey sheekadan gaaban, waxaad arkaysaa ama dhacda markasta oo talaabo xagga sharciga loo qaado qaar baa odhanaya SNM tii baa la duuggayaa ama daandaansanayaa. Haddii argagixiso soo mudh baxday oo waajib laga majiirtana qaar baa la soo boodaya oo leh SMN baa loo gol leeyahay, sidoo kale hadday dawladu sharci meelmarinayso waxa ku xigta qaar leh maxaa SNM loo mudmudayaa. Waxaan in badan isweydiin jirey sababta sanqadhii baxdaba iyo sawaxankii yeedhaba u magaca SNM iyo milgihii halkanku uga daba qabax leeyahay siddii daasada.Waxaanse haatan ogaaday in dad kooban iyo shakhsiyaad gaar ah oo danahooda weetaynayaa ka dhigteen magacii iyo milgihii halganka Islaantii “Ninwalba u jaba” waxkastoo dhacana dhex eryayaan ama dhex xulinayaan magaca SNM.
Dhacdooyinka muddooyinkan iyo maalmahan ka dhacayey Somaliland iyo burushyada lagu madoobaynayey magaca SNM si faldanbiyeedyada loogu hagoogo go’ halgamaysan, waxay muujinaysaa sida ay dadka bililiqaystey iyo kuwa ku danaysta magaca SNM iyo guud ahaanba halgankii taariikhiga ahaa ay munaasib ugu yhiin labada tusaale ee aynu kor ku xusnay ee kala ah; danbigii dhacayaba ku dalliigada magaca halgamayaasha si loogu dabco oo la mid ah sida Hindidu caroortooda u laxaad dillaan si ay dawaro iyo doonyo ugu dhasho e.g waxaad aragteen qaar ku doodda oo leh anaggu waxaanu nahay xisbiga halgamayaasha magacayaguna waa SNM oo halkii ahayd SNM uun baa kulmiye lagu badaley. Tusaalaha labaad oo ah in wixii dhacayaba magaca SNM laga daba tuuro waxay inoo xaqiijinaysaa sida dadka qaarkii magacii halganka uga yeeleen sifihii Islaantii “ Ninwalba U Jaba”.
Waxay dhawaan ciidamada nabadgalyad iyo shacbigooda oo iskuduubani gacanta ugu dhigeen kooxo si badheedha isugu abaabuley xumafalis iyo caddaawad ay u qabaan dalka, dawladda iyo degenaanshaha guud kuna talagalay naxdingalinta dadka iyo naafeynta nabada.
Cawiyo waa daggal barwaaqo
Caaniyo nabad lagu caweeyo
Cuddoon iyo waa nagaansho
Dushana calankii ba’banayo,
Bilayskiyo ciidankuna
Caddaawe ka foojignaan
Cashaa’i ,habeen dharaar
Ka caajisin waajibkooda.
Calool u shaqayste iyo
Nin laga xadday caqliga
Dhirtiyo ciiddaa ku meersan
Inuu libbin naga cantuugiyo
Inuu guul naga carrowsho
Waa calaacasha timo ka dhawroo
Cidloo ku haraadayaaye
Halkaa ceebuun ka eeg.
Dadka reer Somaliland may arag mudo ka badan dhawr iyo toban sano dad iyo kooxo ishubeeyey oo duulaan ku ah nabada iyo daganaanshaha dawliga ah marka la tago kooxo budhcad iyo argagixiso ah oo inta badan laga soo abaabulay wadamo shisheeye sida meesha la yidhaahdo Somaliya, kuwaasi wadanka ka geystey dil, dhac iyo dhaawacba oo uguna danbeysay afduubkii loo geystey ninkii dhalashiisu ahayd Garmalka ee isaga iyo shaqaalihiisaba lagu afduubay nawaaxiga Ceerigaabo.
Marka hore waxa haboon in la isla fahmo macnaha ereyga Argagixiso oo aad moodo in dadku siyaalo kala duwan u macneeyaan hasayeeshee macnihiisu ku soo ururo is-abaabul aan sharci ahayn iyo fal geysasho dhan ka ah daganaanta dalka iyo nabada dadka. Cid kasta oo sifahaa lihina waa argagixiye, argagax- galiye waana argagixiso.
Haddaba haddii aynu u soo noqo kooxahan ciidamadda nabadgalyada iyo shacbiweynuhu ku qabteen agagaarka Burco iyagoo kujira is-abaabul hubaysan oo sharci darro ah, waxa ujeedadooda loo macneeyey siyaalo kala duwan. Ugu horeyntii waxa arintan loo qabtey nin la yidhaahdo Xirsi Cali X.Xasan oo waqti gudoomiye ku xigeen ka noqday Gudidda Doorashooyinka Qaranka(GDQ) iskiina uga tagin shaqada. Qabashadii ninkan waxay Ciidanka nabadgalyada iyo xukuumadu ku sheegeen haysasho hub sharci darro ah iyo la shaqayn kooxo dabadeed oo hore dalka dunuub uga galay imikana u darbban siddii ay u dibindaabyeyn lahaayeen Somaliland.
Wareysi Iddaacada BBCdu ka qaaday Maxamed Cali X. Xasan oo ah Xirsi Cali walaalkii mar wax laga weydiiyey arintan xadhiga Xirsi wuxuu sheegey in walaalkii yahay nin aan denbi galin haseyeeshee ay jiraan oo uu ogyahay kooxo is-urursaday, is-hubeeyey sharcigana gacanta ku qaatay oo dhamaantoodna ah halgamayaal ay horseed ka yihiin saraakiil waaweyn oo SNM ahaan jirtey, dawladana ku haboon tahay in Saraakiisha sare waajahdo inta buu yidhi ay ku warwareegeyso dhalinyarta iyo walaalkii oo halgamayaal ah.Hadalada noocan ahi waxay si cad inoogu miijiyeen sida magacii SNM looga dhigtey Islaantii “Ninwalba U Jaba) iyo sidoo kale dhaqan Hindigii aynu kor ku xusnay.
Qabqabashada budhcadda hubaysan iyo xadhiga Xirsi Cali iyo siduu kale Saraakhiishan lagu xidhiidhiyey waxay noqdeen wax dadka ka muujiyaan meel ay joogaanba dareen cadho leh iyo filanwaa aragagax leh.
Dadku waxa fiican in ay xasuusnaadaan aragagixisadii dalka hore uga geysatey dilalka iyo dhacu in ay marwalba adeegsanayeen dad u dhashay dalka si kasta ha kula bahoobaane, waxaynu ognahay in Ashkhaas badan oo wadaniyiin ah oo cadawga la shaqaynayey ay manta ku xidhan yihiin xabsiya dalka. Waxaynbu ognahay dilalkii ay argagixisado ka geysteen Sheekh, Boorama, Dhubato iyo meelo kale, waxaynu ognahay laxaadkii hubkii iyo saanadii lagu qabtey Hargeysa ee doonayeen in ay ku dhabarjabiyaan doorashadii Golaha Wakiilada kuna laayaan goobjoogayaashii Caalamiga ahaa iyadoo ay argagixisado damacsanayd in ay dhulka la simaan dhamaan Hudheelada waaweyn ee daganaayeen goobjoogayaashu si khasaaraha ay geysanayaan u noqdo mid mug leh oo dad iyo maalba leh xanuun iyo sasna ku abuura kara dadka . Sida laga war hayo kuwa madexda ka ah kooxahan ee uu ka mid yahay Dahir Aweys, Xasan Turki, Idhocadde iyo qaar kalaba waxay Somaliland u hayaan Caddawad gaamurtay waxaanay ku tilmaamaan wadan iyo dad diinta ka fogaaday oo dimuqraadi iyo doorashooyin qaatey in lagu shahiidaana muqadas tahay. Waxyaabaha laga hayo waxa ka mid ah “Somaliland iyo dadkeedaba badda ayaanu ku darri doonaa, Somaliland Sannam la yidhaa nabad ayaa lagu caabudaa, dadka Somaliland Dulcad, Darroor iyo dalal fog ayaanu dib ugu qixin doonaa, Somaliland mar haddii xisbiyo laga sameeyey oo hanaan doorasho lagu dhaqmayo Distoorna ay samaysteen waa dal lagu gaaloobay in la dumiyaana waa waajib Diinni ah IWM” wuxuu yidhi kii ka mid ahaa ee gabyey “ Dulcad iyo HartiiSheekh ayaad dib u hunbaaleyne”. Hadda ku darsoo Afweyne iyo xukuumadiisii budhcadda ahaydba marka ay qiil u samaynayaan dilka,dhaca, dacatiga iyo ummulo dooxoodii waxay odhan jireen “waa dad gaaloobay oo in la dillo iyo in dumarka laga furaaba waa xaq Diiniya”.
Nin dorraad ogsoonaa
Siddii laysku diley iyo
Madfac iyo duqayntii
Wixii dhacay ummulodoox
Jidh dubaaxi maayoo
In ladaggo ka weynaa,
Damdamtiyo shirqoolada
Sir dabool la saariyo
Kitaab lagu danaystoon
Dar Illahay loo siddan
Digri iyo muxaadaro
Daacadi ku dheehnayn,
Doqon baa sed moodoo
Qalbi dabac ku qadoo
Iska daba dhaqaaqdee
Wax kaloon danneeynoo
La dugsado ma hiddisaa?
Gardarooyinka iyo gulufka aan qarsoonayn ee aragagixisado ku hayso Somaliland iyo ummaddeedu waa mid u baahan in looga hortago si ummadnimo ah iyo aragti mideysan, mana ah arin ku haboon isku riixriix, isku eedeyn iyo asaraartan siyaasadeed oo kala olog keenta.
Sida ka muuqatay hadaladoodii, waxaad moodaa in xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ay beel mareen waajibkii kaga beegnaa badhitaageerida ciidanka ammaanka marka ay noqoto fayowbadbaadinta bariisaha nabadeed ee balaysinka u ah badhaadhaha bulshada iyo danta bahweynta.
Hore waxaynu u sheegnay in ay jiraan dad iyo ashkhaas dhowra oo reer Somaliland ah oo u xidhan laguna xukumay faldanbiyeednimo aragagixiso oo ay dalka ka galeen, dad ku laayeen dadna ku dhaawaceen. Sidaasi daraadeed may haboonayn in xisbiyada iyo madexdoodu ku degdegaan deedafeynta iyo daacadeynta xadhiga qof loo qabtey faldanbiyeed iyo arrin daran degenaanshaha nabada dalka oo ay waliba ku dabaaqadaysan dad shisheeyo la guul iyo geel kale la daaqnimo . Dhawr qoraal oo xisbiga Kulmiye ka soo saarey arinta xadhiga Xirsi Cali waxa ku ladhnayd hadalo u eeg anfariirgalin ummadda loola jeedo si ay dadku u aqbalaan inkiraadooda iyo eedda xisbigu kala orodayo Xirsi Cali. Hadaladdoda waxa ka mid ahaa ”Xirsi Maaha nin danbi gali kara in la xidhana may ahayn ee waxay ahayd in laga xishoodo”. Sidoo kale xisbiga Kulmiye oo aad mashquul ugu ahaa deedafeynta arinta loo haysto Xirsi Caqli marqudha kamay haddal budhcadii ujeedo badanta ahayd ee hubka iyo gaadiidka ku urursatay duleedada Burco ee dadka saska ku abuurtey waxayse habeen iyo dharaar ku taagnaayeen xidhitaanka Xirsi Cali Gudoomiye ku xigeenkii hore Gudidda Doorashooyinka Qaranka(GDQ). Arintu si kastaba ahaatee, haddii aynu dib ugu noqo Xirsi Cali iyo mid noqoshadiisii GDQ, waxyabaha laga xasuusan karo waxa ka mid ah qaabkii usoo magcaabay xisbigu oo ahayd lama filaan iyo saacadii kow iyo tobnaad, intii uu ku jirey GDQ waxa laga arkey sifooyin doorasho diid ah oo ay ugu horeyso waraaqihii uu u kala direy wadamada iyo hay’adihii taageerada dhaqaale ee xagga doorashooyinka hore ugu balanqaaday, qoraaladasi oo ku sheegay in aanay wadanka ka suuragalaynin doorashooyin iyo diwaangalin midina sabbabo aanu sharaxin awgeed. Ugu danbeybtii iscasiladiisii GDQ waxa madexda xisbigu ku sheegeen in ahayd arin lagu degdegey oo ah sharci ka dhagooleyn iyo xurmo baal maris aan habayaraatee lagawada tashan. Arinta kale uu xisbiga Kulmiye isku taxalujiyey ka hadalkeedu waxay ahayd ta ku saabsan koox Adhiilayaal ah oo ka soo horjeeday heshiiskii xukuumada iyo shirkada Al-jibaari ee dhismaha Maxrajka Berbera kuwaasi sida la ogyahay ku celceliyey in ay si qabqab iyo qori ceeradii ah ku dhoofinayaa xoolaha danta guud iyo dhismaha dakadana ka door bidayaan in dantooda gaarka ah awgeed mashruucu u dumo. Madaxda xisbiga Kulmiye waxay toos ah ula safan yihiin kooxdan waxaanay leeyihiin si walba danguud iyo daldhis dan gaar iyo wax dumin intaba iyagaa ku saxan, halada Kulmiye ka soo yeedhaya qaarkood bay ku soo koobeen”Caruuru caruur aan lala ciyaarin baa jirta” iyagoo dhiirigalin ku siinaya kooxaha ka soo horjeeda heshiiska Al-jibaari iyo xukuumada
Sidoo kale xisbiga UCID iyo madexdiisu waxaad moodaa in ku bariiqdeen abbaartii arintan budhcadda hubaysan iyo xadhiga Xirsi Cali labadaba. Gaar ahaan gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe oo lagu yaqaanay feejignaan dheeraada iyo Il ku haynta caddowga debada iyo xeeladihiisa iyo sidoo kale taageerida adkaynta nabadgalyda, waxaad moodaa in uu doorkan kaalintii lagu yaqaanay baneeyey. Waxaan xasuustaa waqti gudoomiye Faysal inoo sheegay in uu hayo caddaymo ku saabsan xubno ka tirsan golaha wakiilada oo uu ku adeegto cadowga Somaliland si toos ahna ugu xidhan iyo sidoo kale dad bulshada ka dhexmuuqday oo gacan saar la leh cadowga debada haseyeeshee mar uu ka hadalayey xadhiga Xirsi cali wuxuu ku tilmaamay mid sharci darro oo aanu sinaba u garawsan Karin. Hadaba waxa isweydiin leh waxa tuhunka Faysala ka dhagey xaqiiq jirta iyo xalaal, ka xukuumada iyo ciidanka nabadgalyada ka dhigey xaaraan iyo dhibaato aloos.
Isku soo wada duub, waxa ku haboon mucaaridka Somaliland in ay kala saaraan danta qaranka iyo doonista kursiga.Mucaaridad aan miyir ku jirina ma noqon karto marinka loo maro maskabka iyo medexnimada dalka. Waqtigan xaadirka ahna dagaal ugu weyn ee ummadda u yaal waa ka ku wajahan cadowga debada oo kolba shaadh soo xidha iyo cagta-cagta u saarka cid kasta oo ay u gacan haadiyaan.
Waxaan laysku ogeyn
Ninkii hoos ka unkee
Budhcaddii Asmaraad
Imbagaati u heelmee
Al-shabaabta la sheegiyo
Ku adeegto shisheeyana
Aftideena ma haystoo
Ansax maaha wixiisu
Allaahay ka sakowna
Ummaddaa leh awoodiyo
Aayatiin dalkeeda.
WABILLAAHI TAWFIIG
Xirsi Aw Cabdi Sheekh
Xubin guddiga Fulinta UDUB UK
Gudoomiyaha UDUB West Midlands
Author Name: Xirsi Aw Cabdi Sheekh
Authors Location: West Midlands
Contact Author: hirsi2@hotmail.co.uk
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Xirsi Aw Cabdi Sheekh. The views published here are solely those of its authors Xirsi Aw Cabdi Sheekh. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Print News - Email this Article - Translate - Submit article