somaliland.net
Sahlanaa Ammuurtaydu Soo lalama sooyaamo
Posted to the web Aug 06 2008, 07 56
Aug 06 2008 - Akhristow Balaayo ayaa dhacday oo Baraar baa eedaamay (Haye) Xuquuqdii Mashaahidiinta iyo tii Maxaabiistaba Waa lagu xadgudbey (Kow)Xabsi weyn oo lagu furay magaalada Berbera waxaa ku xidhan, muddo 20 casho ah, 12000 oo neef oo mashaahidiin ah oo weliba kuwii la manaafacaadsanayey(haye)Waxaa lagu soo xidhay mashaahidiintan Denbi iyo gef uu aadmi kala galay(haye)
Iyagu waxba ma galabsan (kow), Ismaandhaafkii Dawladda iyo ganacsatada daraadood ayaa Xooluhu Xidhiga iyo xabsiga ku mutaysteen (haye), Mashaahidiintani Xaaladda xabsiga ay ku jiraan way ka dayriyeen (haye) waxay sheegeen in uu yahay mid dulin badan oo aanu jirin haba yaraatee wax daryeel caafimaad ah oo uu leeyahay(kow), Xoriyatul daaqii waa laga xayuubiyey, Xoriyatal cabaadkii waa laga xayuubiyey, hadday ciyaan amma ay didaan jidh dil baa lagu sameeyaa (kow) darxumada iyo daranyada haysata Caqligaagaasi soo koobi mayo( waa yahay), Ciqaabta iyo ku tacdiga mashaahidiinta Ilaahay ma ogola, diinta Islaamkuna ma ogola ee maxaa la nagu soo xidhay bay leeyihiin (waa yahay).
Warsaxaafadeed ay shalay qabteen mashaahidiintu , laakiin warbaahinta badankeedu ka gaabsatay, qaarna ay ku andocoodeen in wax ka soo qorayaan sedexda xusbi qaran iyo golayaasha, oo aanay habayaraatee, mawduuc kale iyo maxaabiista mashaahidiinta ah midna waqti u hayn(kow), waxaa ka hadlay madasha ay ku qabteen wan weyn oo macal weyn oo aan u malaynayo in uu muddo dheer sumal ahaan jirey oo dhawaan uun la dhufaamay. (haye)
Wankan ina deylo, oo ay maxaabiistu u doortay afhayeenkooda ayaa yidhi: “Waxaana gaadhey hadimo weyn, xuquuqdii mashaadiintana Aadmigu, gaar ahaan Somalidu meel ayay kaga dhacday. Anagu dawladu namay soo xidhin oo askar ay leedahay maanu arag. Waxaa na soo xidhay ganacsatada. Askarta Jeelka nagu ilaalisa ee jidh dilka nagu samaysaana ganacsatada ayaa masaariif yar siisay. Dawladda waxaan ku dhaliilayaa dalka iyada ayaa dad iyo duunyaba ka masuulaha. Waxay ahayd in Xaalada xabsiga wax ka qabato oo na soo booqato oo xiitaa hadday kelifeyso qori nagu xorayso. Dadweynaha waxaanu ku eedaynaynaa markay dawladu qof xidho madaaharaadyo ayay abaabulaan oo waad ogeydeen wixii ka dhacay markii Madaxdii Ururka Qaran la xidhay, markii riiga la rarayey dadweynuhu dhiig bay u qubeen si isu hortaagaan. War ma anagaan nafley ahayn, ma annagaan xuquuqdayadii lagu xadgudbin, sideed arrintayada looga hadli waayey(haye), In aad na qalataan, oo dubaaxdayada cuntaan raali baanu ka nahay, laakiin silicmaryaadintu way nagu cusub tahay, xabsina la iskuma ogeyn ba.” (waa yahay)
Markuu halkaa marayo ayaa orgi geeso dhaadheer oo gadh dheer oo haddaad koofiyad u geliso la moodo xubnaha argagaxisada caalamiga ah qaarkood, ayaa boobay hadalkii oo wankii kala wareegey oo yidhi: “ Annagu Mashaahidiinta haddaanu nahay sidiina Aabaha kuma abtirsano ee waxaan aha ina Dhabanocas oo ka soo jeeda tafiirtii garbocas, waxaan hadalka u boobay in aan idiin sheego, in daranyada xabsiga wax ka darani jiraan. Dhibaatada na qabsatay kuligiin waad ka aamusteen, hadday culamaa’udiin tahay, hadday golayaal tahay, hadday urur bulsho tahay, hadday abwaan tahayba. Taas ayaan aad uga xumaaday.”
Waxaa kale oo uu intaa raaciyey: “Labaatankii Sano ee uu Siyaad Barre dalka ka talinayey, hal neef buu weligii xidhay. Dameer buu xidhay afadiisii suuqa kula fara ka cayaaray. Gabay uu billado ku qaatay markuu caalamka u soo baxay, ayuu Cabdi Aadan Xaad (qays) dameerkaa Xadhigiisa ka tiriyey.
2000 oo neef ayaanu nahay oo mar qudha ciddi nooma doodin. Idinka ayuun baa isla murmayey.
Ku xadgudubka xuquuqdayada, hay’addaha caalamka ayaanu u bandhigaynaa. Dhibaatada aad nagu haysaan way badan tahay. Waxaa igu maqaala ah, gudniinkii fircooniga ahaa, in aad hablihiinii ka deyseen, kadib markay caalamka la kaashadeen in wax lagala qabto. Waxaanu annaga laftayadu u baahan nahay in la naga dhaafo tumista, xiniiyo siibka iyo dhufaanida oo aad u xanuun badan.
Xannuunka oo keliya ma ah, in aad u joojisaan caadadan xun, ee hilibkan la iga jaro, caalamka iyo meelaha aad hilibka oo dhoofineysaan waa lagu cunaa oo waxaa laga samaystaa qado macaan. Baahi weyn ayaa loo qabaa hilibka aad jarteen ee aad tuurteen.
Waxaan hadalkaygii ku soo gabgabeenayaa buu yidhi Murtidii Xuseyn xasan uu yidhi waagii gumeysigii Isticmaarku xabsiga dhigay ee ahayd: Sahlanaa Ammuurtaydu soo lalama sooyaamo. Waar ka kaca oo haddaad doontaan, yaxaasta noo tuura oo meesha ha la naga saaro.”
Author Name: Haamud Duale
Authors Location: Not Available
Contact Author: huluuq@hotmail.com
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Haamud Duale. The views published here are solely those of its authors Haamud Duale. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Print News - Email this Article - Translate - Submit article
