somaliland.net

14July 2008 waxaan qalabka warbaahinta ka daawaday ,kana akhristay Adhi aad u fara badan oo Dowlada Somaliland ugu deeqday Dowlada Jabuuti.

Posted to the web Jul 17 2008, 04 28

Jul 17 2008 - Tirada xoolahaas loogu deeqay Jabuuti ma aha mid cad,waxaana ka soo baxay warar is khilaafsan,warbaahinta qaarkeed waxay ku sheegeen 2000,qaarna 4000.

Ugu horeyn waxaad moodaa in Jabuuti aanay wax qiimeyn ah siinin deeqda ka timi shacabka iyo Dowlada Somaliland ,waxaa taas u daliil ah, ma jirin Madax ka socota Dowlada Jabuuti oo gudoontay amase kaba hadashay,waxaana la yaab ah deeqda sidaa u culus ee aan MAHADSANIDIN-NA lays odhan waayey.


Dhinaca kale haddii aan ka eego,waxaan qabaa in ay jiraan meelo badan oo kale,oo kaga haboonaa Jabuuti in Somaliland ugu deeqdo adhigaa faraha badan,waxaa ka mid ah:-

1.Waxay ku habooneyd deeqdaas Shacabka reer Somaliland ee ku caydhoobay Abaarihii dhowaan Somaliland soo maray,waxaana jira jira qoysas badan oo reer Somaliland ah maanta CAYDHNA ah.

2.Waxay ku haboonayd deeqdaasi dadka faraha badan ee reer Somaliland ee ku jira XABSIYADA iyo CUSBITAALADA dalka..

3.Waxay deeqdani ku habooneyd shacabka Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Muqdisho iyo hareraheeda,kuna tabaalaysan gudaha magaalooyinka Somaliland .

4.Waxay ku habooneyd deeqdaasi dadka Soomaliyeed ee Itoobiyaanku ka bara kiciyey guryahoodii,dhibaatooyinka xooganina ku haystaan duleedka Muqdisho iyo magaalooyinka kaleba.

5.Ugu dambeyntiina waxay deeqdaasi ku habooneyd Boqorada Carbeed ,si ay inoogu deeqaan RIIG kale oo aynu biyo kaga raadino Gobalada bariga Somaliland ee iyaga iyo xoolahoodiiba haraadku laayey.

Hadal iyo dhamaan waxaan aaminsanahay in ay jiraan meelo badan oo ku haboonaa ,kuna sharaf badnaa, abaal iyo ajar badana laga heli lahaa xoolaha Jabuuti loogu deeqay,waxaanan aad iyo aad uga xumahay sida Jabuuti u gudoontay deeqdii cuslayd Somaliland soo dirtay.

Mahadsanidin





Author Name: Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Authors Location: manchester
Contact Author: mingiste1@hotmail.co.uk

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Print News - Email this Article - Translate - Submit article