somaliland.net
dharka askarta
Posted to the web Jul 15 2008, 05 27
Jul 15 2008 - markaad aragto askari noocu doono ha,ahaade,amase aad aragtaba qof xidhan dharka ama direyska askartu xidhato,waxa maskaxdaada ku soo dhici kara laba fikir midkood uun, mar waxa laga yaaba in aad ku faraxdo araga qofka ku lebisan dharka tuutaha ah,maxaa yeelay waxaad dareemaysaa ama aad si cad u xaqiijin kartaa in qofka xidhan dharkani uu yahay mid ka run sheegaya wixii uu direyska u xidhay,waxaad dareemi kartaa in uu yahay qof u diyaar ah ilaalinta iyo sugida amaanka,waxaad dareemi kartaa in shakhsiga xidhay dharkaasi uu yahay mid ku sugan xeerkii iyo sharcigii uu ku dhaartay,waxaad dareemi kartaa in shakhsiga askariga wanaagsan ahi uu yahay midka naftiisa u huraya dadkiisa, iyo dalkiisa.fikirka labaad ee maskaxdaada ka soo maaxan kara marka aad aragto askari ayaa wuxu yahay mid naceyb iyo karaahiyo ah,waxaad naceysaa oo aad dhibsaneysaa aragiisa, iyo shaqadiisa labadaba. maxaa yeelay wuxuu ku tagrifalayaa shaqadii uu u xidhay direyska,wuxuu sameynaya power abuse.
askarigu mar wuxuu ka mid noqdaa dadka loogu jecel yahay bulshada dhexdeeda,haddii uu shaqadiisa karameeyo oo sideeda u guto,marna wuxu ka mid noqdaa dadka loogu neceb yahay bulshada dhexdeeda, wuxuna dadka ku dhibaa awooda uu siiyey dharka tuutaha ah ee loo xidhay.
sanadihii ugu danbeyey haddaad dib u milicsato,gaar ahaan kacdoomadii, iyo mudaharadadii ka dhacay wadanka gudihiisa, waxa kaaga soo bixi kara hab dhaqano xun, xun iyo aqoon dari badan oo heysatay ciidamada iyo askartii markaasi wajahayey dadka ka cadheysan waxay dawladu ku sameysay.waxa dhacay ee askartu ku kacdayna waxay ahayeen wax laga murugoodo in badan, adeegsiga qoriga fudud, kuwa dhexe iyo kuwa culusba weynu aragney iyada oo ciidanku kaga hortagey dad si xor ah dareenkooda u muujinayey.waxay taasi sababtay in dad badan oo caruur iyo cirooleba lihi ay ku naf wayaan, qaar kale oo badana ay ku dhaawacmaan sabab la,aan.waa goroyey gabal kuu dum,mar haddii askarigii dalku ku soo dhiiran yahay hamuuna u qabo dhiiga shacabka iyo maatida daranyeysan.
maxaa askarigeena iyo ciidankeena ku badiyey jaahilka iyo mana-xaanka?
akhriste ma isweydiisay arinta sababtay in askarta iyo ciidanka intiisa badani uu u bato jaahil miidhan iyo arxan laawe?jawaabta su,aashaasi waxay tahay, 70% askarta soomaliland isqorta ama la qoraa waa, dadka reerahoodu ka qoosteen ama lagala quustay wixii kale, waxa la qoraa ama is qora dadka tuugta, jeerimiinta, budhcada ,iyo ciyaala suuqnimada u ban, baxay ee dadka habeen iyo maalin dhiba,waxa la qoraa oo is qora dadka badowda ah,kuwaasi oo aan laheyn wax aqoon ah, waxaad arkeysaa iyada oo dhalinyartii baxdowday ee xaafadaha dadka ku dhibeysay,kolba qaar askari laga dhigayo oo la odhanayo inaga qora ciidanka.bal haddaba ka sidaasi ah ,ee markii horeba laga quustay ,bulshadiina ciidanka looga dhigay muxuu soo wadaa? waxa kale maaha ee waa in uu dadka qoriga hoos ugu dhigo markasta oo shaqaaqo dhacdo.
waxa kale oo ciidamada ka buuxa dadyow kusoo galay meesha "kaadidayda ayaan u soo cabay " laakin dhaqan iyo aqoon askariyeed midna aan laheyn.markaa waxaan leeyahay horta askarta intooda badani waxay u bahan tahay isku shaandheyn,rehabilitation iyo in laga dhiso aqoonta military iyo ta la xidhiidha ilaalinta xuquuqda dadka.
waxa kale oo askarta ku keeni kara in ay wax kasta qori caaradii kaga jawaabaan, cidda maamulka u heysa, haddii maamulka sare ee ciidamadu uu noqdo mid wanaagsan,waxa uu bixinayaa amaro macquul ah,kuwaasi oo u sahli kara askarta in ay si haboon wax u guda galaan, laakiin haddii amarkii askarta la siinayey uu noqdo markasta, adeegsiga hubka waa mushkilad halkeeda taala.
adeegsiga qorigu mararka qaarkii wuxu sababaa carqalad ka weyn ta laga cararayo,waxa dhacda in marka ay askartu qoryahay ridaan ee ay isticmalaan hubkooda in dadkuna ka cadhoodo oo ay ku gadoodaan,taasina waa dhib qorigu keenay,waxa kale oo jirta in askartu qoriga si hoose ay u ridaan,arintanina waa mida badisay waxyeelada shacabka,xitaa qoriga ay kor u ridaan,si hagaagsan uma ridaane, waxa dhici karta in ay qabsan karto fooqaq dhaadheer oo dad ku jiro.
waxa kale oo in la sheego u baahan in, wakhtigan ay jiraan dad runtii dugsiyo iyo tababar uga soo baxa, ilaa heer jamacadeed ah,culuumta askarinimada,waxana jira dufcado badan oo hadda leh aqoontii oo wadanka jooga,ama soo baxayaba dhawaan, laakiin kuwaasina waxa ku gudban oo heysta mindida daabkeeda maamulka.waxaney ka socon la yihiin waa dadka jagooyinka sare haya. iyo amaradooda.kuwaasi oo ciidankii ka dhigtay ciidan kelitalis.
waxaan ku soo gunanadayaa qoraalkan
1.ugu horeyn waxaan odhan lahaa, si dilka iyo dhaawacu u yaraado, askartu ha joojiso isticmaalka iyo adeegsiga qoryaha,qoriguna waa ka mamnuuc in loo adeegsado shacab banaanbax ama mudaharaad u sameynaya duruufo soo wajahay awgeed.
2. waxa kale oo aan ku talin lahaa, askarta ha laga caawiyo gaar , ahaan maamul ku sheegan meeshu askarta ha baro hababka kale ee loo wajaho kacdoomada, sida adeegsiga sunta dadka ka ilmeysiisa,booyadaha biyaha laga tuuro, adeegsiga budhadhka yar,yar ,iyo xidhashada qalabka iyo helmetka ilaaliya madaxa askarta.
3. maamulkan arxan darada ah iyo askartaba waxan odhan lahaa ,fahma in shacabku xor ay u yihiin oo ay mudaharaadi karaan,dareenkooda iyo shucuurtoodana ay ficil ku muujin karaan.
4. cadaalada iyo naxariistu ha noqdaan laba wax oo mar kasta meesha ku jira, marka cadaalad daradu badato waxa ugu horeeya ee la waayayaa waa nabada.
5. shacabka somaliland-na waxaan lee yahay aynu dhamaanteen barano nidaamka iyo habka loo agaasimo mudahaaradka ama kacdoonkaba.
6.ugu danbeyntiina waxaan lee yahay, ciidanka ha la qoro dad tayo leh, qof kasta oo dharkaasi xidhana waxan lee yahay ha laga helo wixii tuutaha loogu xidhay, waa masiibo haddii askarigu tuutaha u xidho in uu dhiigmiirato ku noqdo.dharka askariga-nice garment and cloth or dirty khaki
Author Name: abdifataah mahamed ahmed
Authors Location:
Contact Author: ceelaabe_10@hotmail.com
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah abdifataah mahamed ahmed. The views published here are solely those of its authors abdifataah mahamed ahmed. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Print News - Email this Article - Translate - Submit article