somaliland.net
Cambaarayn xasuuqii ka dhacay magaalada Hargeysa 7 july 2008
Posted to the web Jul 09 2008, 21 09
Jul 09 2008 - Annaga oo ah bahda hargeysa.org waxa aanu cambaaraynaynaa xasuuqii ay ciidamada xooga qaranka Somaliland ka geysteen magaalada Hargeysa maalintii isniintii 7 july 2008. Halkaas oo ay ciidamadu ku dileen 4 qof kuna dhaawaceen in ku dhow tobaneeyo qof. Dadkan la xasuuqay ayaa waxay ahaayeen dhalinyaro iyo dumar ka mudaaharaadayay riig ceelal biya ah ka qodayay koonfurta magaalada Hargeysa oo isaga oo aan dhamayn hawshii uu waday loo wareejinayay gobolo kale.
Dadkaa mudaaharaadayay waxay doonaan ha ka cawdeene marnaba ma ay ahayn in loo adeegsado ciidamada qaranka iyo baabuurta teknikada ah ee hubka culus laga soo ridayay. Sida la xaqiijiyay ciidamadu waxa ay adeegsadeen hubka noociisa kala duwan ee ay ka mid ahaayeen Shiilkaha, zuuga iyo baasuukaha oo si arxan daro ah loola dhacay shacabkaas. Dhalinyaradaas oo tuurayay dhagxaan ayaa waxa ay ciidamada qaranku u toogteen sida ciidamada Israa'iil u toogtaan caruurta falastiinta ah ee dhagaxa tuura.
Waxa aanu tacsi u diraynaa dadkii ay ka geeriyoodeen dhalinyarada ay ciidamada qaranku ku toogteen magaalada Hargeysa. Samir iyo iiman ilaahay ha idinka siiyo, iyaga jannadii fardoowsa ha ka waraabiyo.
Bahda hargeysa.org
Author Name: Cabdirisaaq Cali
Authors Location: Not Available
Contact Author: contact@hargeysa.org
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Cabdirisaaq Cali. The views published here are solely those of its authors Cabdirisaaq Cali. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Print News - Email this Article - Translate - Submit article
