somaliland.net

Baaq Ku Socda Wasaarada Caafimaadka Somaliland

Posted to the web Jul 09 2008, 21 08

Jul 09 2008 - Tixraac: Wargeeska Ogaal cadadkiisii soo baxay maalintii Sabtida hayd,taariikhduna ahayd 05/07/08,kuna saabsanaa gaadhiga Ambalaasta ee Cisbitaalka Ceerigaabo,laguna wareejiyey Gobolka cusub ee Hawd.

Tixraac: hadalada Wadaha Ambalaasta Cisbitaalka Ceerigaabo ee lagu daabacay isla Wargeyska Ogaal,cadadkiisii Sabti,taariikhduna hayd 05.07.08.

Hadda waxaanu la socodsiinaynaa Madaxda Wasaarada Caafimaadka,gaar ahaa Wasiirka iyo Wasiira dowlaha in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto arinta Ambalaaska dhakhtarka Ceerigaabo, ee iyadoo dhaawac Hargeysa keentay loo leexiyey amase la siiyiey Gobol kale.


Waxaanu u aragnaa arintaas wax laga xishoodo,wax laga naxo,ceeb iyo fadeexad ku habsatay Wasaarada Caafimaadka Somaliland.
Waxaanu u aragnaa gef lagula kacay shacabka reer ceerigaabo oo awelba ay haysatay dhibaato dhakhaatiir la,aan,daawo la,aan,gaadiidka caafimaadka oo ay ka haysteen Ambalaastaa marba meel ku jabaysa iyo weliba dhismihii cusbitaalka Ceerigaabo oo qarka u saaran in uu gabi ahaanba dumo.


Waxaanu u hambalyeynaynaa Gobolka cusub ee Hawd,waxaanuna u sheegaynaa shacabka Gobolkaas degan in aanu ka qayb qaadanay xafladii gobolka Hawd,kana qayb qaadan doono dhismaha iyo horumarka Gobolka,balse waxaad moodaa in madaxda Wasaarada Caafimaadka oo ka soo kala jeeda Gobolka Hawd iyo gobolka Sanaag ay wadaan hawlo ay ku kala fogeynayaan laba Gobol.


Hadal iyo dhamaan waxaanu ugu baaqaynaa Wasaarada Caafimaadka in sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato arintaas ceebta iyo fool xumada xambaarsan.

Shacabka iyo Madaxda reer Sanaagna waxaanu ugu baaqaynaa in ay DANTOODA GARTAAN isuna taagaan dibad iyo gudahaba sidii ay Gobolkooda qaniga ah u horumarin lahaayeen.



ALLAA MAHAD LEH.
Jaaliyada Sanaag ee Manchester, UK


Author Name: Abdi Saleiman
Authors Location: Not Available
Contact Author: abdi_saleiman@hotmail.com

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi Saleiman. The views published here are solely those of its authors Abdi Saleiman. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Print News - Email this Article - Translate - Submit article