somaliland.net
Guurtiyey, Abaal-laawayaal! Ma ninkii sharciga idiin jebiyey ayaad sannad keliya u quudheen?
Posted to the web Apr 20 2008, 09 17
Apr 20 2008 - Dan-Dal-iyo-Dan-Wadaage/to, inta aanad cinwaanka sare ka didin amase ka cadhoon, qormadan yar ee kooban u dhaadhac, in ay kuu dhacdaa ha joogtee.
Taariikhdu markay ahayd 8.5.2006 oo ku beegnayd maalmo kedib markii sida kedisada ah Golaha Guurtidu isugu kordhiyey ayaan qoraal dheer oo cinwaankiisu ahaa ”Dhagarta ku Gedaaman Kordhinta Xilka Guurtiga” ka qoray dhacdadaas iyada oo lagu soo daabacay saxaafadda wadanka iyo mareegaha internetkaba. Ma sheeganayo aqoon dheeraad ah mana is faaninayo, hase ahaatee, dareenkii maalintaa igu jiray ee ii muuqday ayaa cinwaanka maqaalkanna dhalay (halka hoose ka gal qoraalkii hore).
Hadal badani ma muuqdee, waxa dhab ah in odayaasha sharafta leh ee golaheenna Guurtidu yihiin abaal-laawayaal wacad eebe iyo mid aadame midna aqoonin. Ha qaldamin! Kama hadlayo sida ay ugu abaal-ka-dareen ummaddii ku maamuustay xilka ay hayaan iyo martabadda ay wadanka ka joogaan, hase ahaatee waxaan ka hadlayaa sida ay ugu badhi-fureen ninkii abaalka weyn u galay oo ah Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Heshiis in uu jiray, abaal jiray waxna meel la isla dhigay waxay ahayd mid cad oo sida qorraxda ayay u cadayd. Heshiis saddex-geesood Barmuudaysan oo saddex-geeska Barmuuda Somaliland lagala khatar-dhigayo ayuu ahaa. Waa heshiis qadhaadhkiisu dambeeyo haddii aanay wax iska bedelin.
Abaalka Madaxweyne Rayaale Golaha Guurida u galay wuxuu ahaa in uu si cad, badheedh iyo indho-iska-tir ah oo xaq-darro ku qotoma Guurtida ugu jeediyey in ay isu kordhiyaan. Dad badani arrintan way ku khaldamaan oo odayaasha masaakiinta ah ee aan wax badan kala ogeyn ayay eedda saaraan iyaga oo isha ku fiiqa gacmihii ay isu taageen ee ay isugu codeeyeen laakiin xaqiiqadu waxa weeyaan waxa dembiga lahaa oo isagu abaal ka dhiganayey Madaxweyne Rayaale oo warqad qoraal ah iyaga ugu soo jeediyey in ay isu kordhiyaan welibana sheegay in uu maxkamadda kala sii tashaday! Tolow hadduu maalintaa ogyahay abaal-xumadooda ma samayn lahaa?
Iyada oo kooban abaalkaas uu Madaxweyne Rayaale u galay Golaha Guurtida wuxuu ku lumiyey ama kasoo gaadhay:
Isaga oo u badheedhay sharci-dumin caddaan ah (waxa kuugu filan in ay sharci-darro ahayd isna aanuu ka war la’ayn in aad is weydiisid, doorkii hore ee Golaha Guurtida muddadu ka dhammaatay ee labada sano loo kordhiyey, sannadkii 2004, yaa u muddada xilka Guurtida u kordhiyey? Ma iyaga ayaa isu kordhiyey? Ma Rayaale ayaa warqad u qoray oo ay u codeeyeen?. Waa la ogyahay oo Golaha Wakiilada ayaa u kordhiyey isaga oo xeerkii uu diyaariyey ee Golaha Guurtida lagu soo dooran lahaa kasoo qaatay qodobka 19aad ee sheegaya in Golaha Wakiiladu u kordhiyo Golaha Guuritda haddii muddada xilku ka dhammaato doorashona aan la qaban karin). Waxa aad xusuusan kartaa berigii labada gole midka midka kale muddada u kordhiyey ee lagu maagayey.
Isaga oo u badheedhay dagaal cadna la galay Golaha Wakiilada ee markaasuun lasoo doortay iyo axsaabta qaranka. Labadaas oo ah labada awoodood ee aanuu isagu u talin karin kana madaxa bannaan.
Guddigii Doorashooyinka ee hore oo uu u arkay in ay noqon karaan awood dhexdhexaad noqon karta oo wax ka xanibi karta ee aad ogayd sidii milgaha iyo maamuuska ka madhnayd ee uu u galay markay muddadii ka dhammaatay.
Bulshada Caalamka oo argagax ka muujiyey xeer-maroorsiga qaawan isla markaana si fiican u akhriyey damaciisa iyo xeeshiisa qotada dheer.
Dadweynihii soo doortay ee uu codka kaga helay dimuqraadiyad ayaan hirgelinayaa oo shaki weyn ka muujiyey qardajeexa bilaa jihada ah arrintani ka riftay wixii uu magac ku helay doorashooyinkii uu wadanka ka hirgeliyey.
Intaa waxa dheer, isaga oo ku kacay beeno iyo dafiraad cad-cad oo laga diiwaangeliyey isaga oo ka been-sheegay xeerarka, dustuurka iyo taariikhdaba.
Waxa intaas dheer, isaga oo, hagoog-xumadiisa laga fahmay dabinnada uu maleegayo oo ay kamid yihiin in uu sharafta ka xayuubiyo oo Golaha Guurtida ka maydho haybaddii iyo milgihii uu ku lahaa bulshada dhexdeeda, si uu isagu u noqdo nasteexooda koobaad iyaguna u noqdaan adeegayaal gaadhna ka hayaan wax kasta oo wax yeeli kara isaga.
Akhriste, waxa qalbigaaga ku soo dhacaya oo aad isweydiinaysaa, tolow waxaas oo dhan muxuu siistay? Maxayse ahayd in ay ugu abaal-gudaan?
Waxa kale oo aad i weydiin kartaa, oo waa maxay abaal-darrida aad adigu sheeg-sheegaysaa, saw kuwii sida fuliyey ujeeddooyinkii loogu kordhiyey iyagoo:
B. Is hortaagay tobaneeyo xeer oo kasoo gudbay Golaha Wakiilada kuwaas oo toos u taabanaya oo hirgelinaya qodobo dastuuriya oo yaraynlahaa awoodaha tirada badan ee Madaxweynaha oo ay kamid yihiin; 1) xeerka nidaamka garsoorka, 2) xeerkii doorashada Golaha Guurtida, xeerka doorashada madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanka iwm. (qoraalka ayaa dheeraanaya haddii la tilmaamo waxyaalaha madaxweynuhu ku qoonsaday xeerarkan)
T. U quus-gooyey mucaaradkii ku hamiyayey in ay dacwad maamuus-ka-xayuubin ah ku soo oogaan Madaxweynaha mar haddii iyaga oo noqdeen kuwa go’aanka kama-dambaysta ah ka gaadhaya arrintaas.
J. Labadii xubnood ee Komishanka ay u soo xulayeen isaga siiyey ee weliba markii dambena iyaga oo fadhiya uu isagu ku doodayey magacooda ee ay weliba intay is-dhiibid ka qabaan iyagu ergada ka noqday xubnahoodii ay magacaabeen.
X. Iyo arrimo kale oo badan.
Haddaba, intaasiba way jirtaa. Hase ahaatee, aan su’aal soo celiyee, intaas oo dhan oo Guurtidu u qabatay madaxweynaha iyaga oo uga abaalgudayey kordhintii maxay ujeeddada ka dambaysaa daarnayd? Muxuu madaxweynuhu ka faa’iidayey xeerarka ay isbaarada uga noqdeen? Muxuu ka faa’iidayey xubnaha komishanka ee ay u ku xawileen?
Gacaliye/gacaliso, ujeedada arrimahaas oo dhan laga lahaa oo uu madaxweynuhu ka faa’iidayey waxay ahayd mid intaasba ka qoto dheer oo ahayd, in ay iyagu ugu yaraan 4 sano oo sharci ay u leeyihiin ugu dhuftaan (isagu sharci-darro ayuuba ugu kordhiyaye). Nasiib-darrose, way ku abaal-ka-dareen sida muuqata.
Mise tolow, way u sarifeen oo sannadkan mixnadda taagan ayuunbay ku weydaarinayaan oo hadhawto markay muddadu soo dhawaato saddex kale ama iyaga oo sii sarifan ugu dhufan doonaan?!
AFEEF: Waxa aad is weydiin kartaa, maxaa ninkan meesha xun uun wax ka tusay. Waa aad ogaataa, in ay siyaasadda saldhig u tahay maahmaahda soomaaliyeed ee tidhaahda ” khayr wax kaama dhimee shar u toog hay”. Waxa aad ka guban kartaa sida qoraalkaygani aanuu u tixgelinaynin ama qadarintii ay mudnaayeen siinaynin odayaasha awawyaasha ah ee Golaha Guurtida ku jira iyo madaxweynaha sharafta iyo ixtiraamka innaga mudan. Haddaad tahay nin sheekooyinka dhabta ah ee madaxweynaha iyo qaar kamid ah (intooda badan) lagu hayo, dareenkaasi ma qabti haddii kalena waad iska sugi inta aad ka garaabidoontid.
Halkan ka eeg qoraalkii hore ee 8.5.2006
http://www.somalilandnet.com/somaliland_voice/articles/13371770.shtml
Author Name: Jama Gabush
Authors Location: Helsinki, Finland
Contact Author: jgabush@yahoo.com
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Jama Gabush. The views published here are solely those of its authors Jama Gabush. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Print News - Email this Article - Translate - Submit article