somaliland.net

CEEL AFWAYANAY BIYO MACAAN UMUDAHARAAD

Posted to the web Apr 20 2008, 08 59

Apr 20 2008 - Maqaal kaygan waxaan kaga hadlayaa, xaalada kataagan somaliland guud ahaan, gaar ahaan, mudaharaad kii ka dhacay ceel afwayn, ee lagaga hadlayay mudo kordhinta guurtidu u kordhisay madax waynahah,

Maxuma in qofku muujiyo dareen kiisa lakii waxaan xun qof ka oo garan waayay baahidiisa iyo goorta uu ubaahan yahay in uu dareen kiisa cabiro, iyo xaalad uu ku cabirayo dareen kiisa.

Runtii maanta somaliland uma baahna in laga hadlo hebelo ee waxay u baahan thay in laga hadlo xaalad, iyo maxaa dadka dan u ah.

Hadaan hoos ugu dhaadhaco , waxa igu ka liifay maqaal kaygan , waxaan aad uga xumahay qof aan haysan , wixii nolosha aasaasiga u ahaa in lagu jaag wareeriyo , dan hebel leeyayay iyo maxlaxad cid gaar ah ka hadlayasa.

C/afwayn waa dagmo wayn oo ka mid ah dag mooyinka somaliland, waa dagmadii somaliland ugu hor xorowda, lakiin waxaa nasiib daro ah in aanay helin dad iyo hawlad ka bad baadiyay xaalada ay ku jirto.

Maanta ayaa dhagaystay muda harayad ay sa meeyeen, oo ay ku dhawaaqayeen dadka reer c/afwayn modo kordhinta way ka soo horjeedaan.

Qofkasta oo muwaadin ahi figradiisa waa uxor, lakiin waxaa nasiib daro ah qof aan haysan cusbitaal ,school , boyo, in uu sacabka utumo! durbaanka siyaasiyiinta danaysta ah, ee iska indhatiraya xaalada dadkoodu kusuganyahay.

Dadka reer c/afwayn maxay ugu mudaharaadi waayeen , biyo macaan baanu doonaynaa, dhakhtar baanu doonaynaa, school banu doonaynaa,

Madax dhaqadmeed yadiinu waxay ka hadlaan ethopia iyo maxaa kiim baanu heshiisiinayna, siyaasiyiin tiinu hargaysay kuraaxaystaan, miyaanay ayaan daro idinku ahayn , in aad garan waydaan maxaad ubaahan tihiin, maxaad xaq uleedihii.

Waxaad kala simantihiin durbaan garaacidada , shacabka somaliland intooda badan, oo siyaasiyiinta aan garanayn waxa ay xaq uge leeyihiin iyo waxa kale, lakiin reer c/afwaynow waxaa idiin dheer war laan iyo dadka idiin dhaq dhaqaaqa oo danahooda garka ah ku mash quul san. waxaad dhibaatada la wadaagtaan , sanaag oo noqotay gobo agoomoobay, waxayna dhaxal, tan waxaan uga jeedaa, gobolka sanaag waa gobolka ugu wayn somaliland, lakiin waa gobol dad riisu ka seexday, waa gobol hadii la qiimeyo,la odhanayo tuulooyin halaga dhigo. kaliin arinta waxaa beeneeyay, oon doonayn in laga hadlo siyaasiyiinta iyo wax garadka aad lee dihiin.

Hadaan, markhaati u keeno maqaalkaygan waxaan tusaalke usoo qaadanayaa,dadka siyaasada idiin ku jira iyo madax dhaqaameed yadiina.

Magaala madaxda somaliland, oo noqotay meel dad kii oo dhami isugu yimaadeen, waxaa caan ka ah oo dad koo dhami yaqaanaa madax dhaqameed yadada sanaag udhashay, ee sacabka utuma madax wayana riyaale iyo xu kuumadiisa,. Wasiiradada ka soo jeeda gobolkiinu waa dadka xilalka ugu waawayn kahaya Somaliland, kaliin ku qanacsan amaanta madax waynaha iyo gaadhiga quruxda badan ee ay wataan.

Mp,ama wakiil ka soo baxay ceel afwayn ayaan isagoo London jooga way diiyay, dhulkii ma ku noqotay, maxaad uqabanteen, wuxuu iigu jawaabay , meeshu waa meel fog oo wadada dheer, laakina malaha. Maalintii uu codka idina doonayay miyaanayn fogayn. Oo bilaa laamia hayn.

Wufuuda idiin imanaysaa waxay soo qaataan , biyo macaan oo gawaadhidoona xaga danbe ugu jira, idinkuna sacabkaad utuntaan,

Waxaan ka xumahay , maalinta codka laydika doonayo, gawaadhi qurux badan baa la idiinku yimaadaa, marka la idinka helana, dib la idiinma soo eego.

ceerigaabo oo ah meel qurux dabiici ah ilaahay ku manaystay, waxay lahayd , 1 cusbitaal, kiina dumar baa maalin dhawayd xashiish ka xa xaaqayay, markay waayeen meel ay dhigaan dumarkii iyo umulaha ahaa iyo dadkii xanuunsanayay, DR da hargaysa ugu caansan , waxay ka yimaadeen gobolka sanaag. kaliin waxay ka door bideen dantooda shaqsiga ah.

waxaan ku soo gaba baynayaa, c/afwaynay biyo macaan u mudo haraad,iyo dhaqtar.

dhamaan dadka reer sanaagna waxaan lee yahay bad baadiyay gobon kiinu yaanu noqon somaliland meel ay ka faanto, ama daafuurta somalilandne . hadii siyaan siyiinti idinka xumaatay, idinkuna ha seexanina


Author Name: ABDIRISAK AHMED JAMA
Authors Location: London, UK
Contact Author: abdisiminar@hotmail.com

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah ABDIRISAK AHMED JAMA. The views published here are solely those of its authors ABDIRISAK AHMED JAMA. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Print News - Email this Article - Translate - Submit article