somaliland.net

Fly with Daallo Airlines

Waxgaradka G/Saaxil & Sharciyada Bixinta Saldhiga Berbera.

Posted to the web Apr 20 2008, 08 56

Apr 20 2008 - Dhamaan marka hore waxaanu Salamaynaa Qaybaha kala duwan ee Somaliland waxaana aanu ku salamaynaa Salaanta Islaamka oo aan leenahay.

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatulaalahi Wabarakaatu,

Intaa ka dib , Anagoo ah Odayaasha, Aqoonyahanka, Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Gobolka Saaxil ee magacyadoodu ay hoos ku xusanyihiin , Waxaanu u sheegaynaa qaybaha Kala Duwan ee Somaliland .

in beryanahan aan saxaafada Somaliland iyo dhamaan kuwa Caalamka ka maqlaynay in La bixiyey Saldhigii Mileteriga ee Berbera oo Madaxweynuhu Siiyey Mareykanka taas oo madexweynuhu dhowr jeer kaga dhawaajiyey in arintaasu jirto .

Hadaba anagu Hadaanu nahay Odayasha iyagu baaqan qoray kama xumin mana diidanin Bixinta Sadhigan Berbera oo waxaanu ula simanahay Umada Somaliland arintaas, laakiin waxaa aanu ka hadlaynaa waa sharciyad waayo Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu heshiiskasta la galo cidii uu maslaxad bido, lakiin waxaa sharciyan waajiba inuu madaxweynuhu horgeeyo Golaha wakiilada (Barlamaanka ) in heshiiska dan u yahay Umada Somaliland oo aanay ahayn dan Shaqsi , waa in Barlamaanku Ogadaan waxkasta oo heshiiskaasu yahay taas oo ah Shaqadii Golaha wakiilada.


Waxaa waajiba in sharciyad lagu saleeyo wax kasta oo heshiisa , waa in Madaxweynuhu horkeenaa Barlamaanka Somaliland Heshiiskaa(Saldhiga Berbera) ee uu la galay mareykanka .
Barlamaankuna waa in uu Madaxweynaha u sheego in uu raaco sharciga oo uu Keeno heshiiskaa uu galay , haddii uu ka dhago-adaygo waxaa ku waajiba Barlamaanka inay Wasaaradaha Arimaha Dibada iyo Gashaandhiga Mareykanka( USA) ay u qoraan warqad ay kaga hadlayaan Sharciyada inay ku dhaqmaan Iyagu oo ay ku Qasbaan Madaxweynaha inuu Barlamaanka Hordhigo heshiiskaas Madaama ay u bahanyihiin wax sharciga Somaliland Waafaqsan , oo dowlad kasta oo Somaliland Ixtiraanto Sharciyadaas , markaa maaha wax aan la ogeyn oo aan sharciyad waafaqsanayd in lagu lugooyo..


Waxaa jira werwer badan oo ku saleysan dhibaatooyinkii hore ee saldhigaas iyo sida loogu guuldareystay wax ka qabadshadiisii haayadihii ku shaqada lahaa sida ay suurta gal u tahay inay dhibaatadaasi ku sii fido gobolka Saaxil , iyadoo ay ka dhasheen xanuuno badan welina aan waxba laga qaban.

Aafo Badan oo ay sameysay Suntii hadhaaga ahayd ee ay ka tageen ciidamadii isticmalay Saldhigaa ee ahaa Mareykanka Iyo Gaar ahaan Ruushka taas oo waxyeelo badan gaadhsiisay Degaanka ku xeeran saldhigaas oo in badan laga qayliyey una baahan in ay ku jirto heshiiska sidii wax looga qabanlahaa dhibaatada hore ee dhacday oo indhahana laga qarsaday dhegahana laga fureystay iyo ta soo socota waxyaalaha masiibooyinka ee soo socda ayaa u baahan in si weyn looga baaraandego.


Waxaanu Gaar ahaan ka codsanaynaa madaxweynaha in sida sharciyadu ay tahay uu barlamaanka uu geeyo Heshiiskaa Saldhiga Magaalada Berbera .


Barlamaankuna waa in aanay ka hadhin waayo waa mid u baahan in sharciga la waafajiyo iyo danaha Somaliland , iyadoo dhinac kasta laga eegayo oo ah arimahaa aanu ka sheekaynay , taas oo ay xaq u leeyahay Golaha wakiilada Somaliland in dhinac kasta ka eegaan .
Waxaan haboon in Dadka Reersaaxil markasta eegaan danaha Somaliland iyo Ta gobolkooda Saaxil oo aad moodo in Mudo aad u farabadan laga soo bilaabo la soo noqoshadii Somaliland ay xoog u kala daadsanayeen loona baahanyahay in dib ay isu habeeyaan kana shaqeeyaan horumarka Gobolkooda oo dibudhac badani ka muuqdo.


Magacyada Odayaasha ReerSaaxil ee Baqaas Qoray .
1. Shucayb Maxamed Gurux (Berberaawi).
2. Maxamuud Cali Axmed(Jaadhi).
3. Mujaahid Cabdiraxmaan Cawil Xasan.
4. Mujaahid Salebaan Cumar Ku-Joog.
5. Prof, Cabdilaahi Cali Axmed.
6. Axmed (Khalaq)Cabdilaahi Xuseen(Ina Xabashi).
7. Maxamed Daahir Axmed Xaaji Adan
8. Mujaahid,Maxamed Ismaciil Adan(Ina Direys)
9. Maxamed Diiriye Nuur (Fariid).
10. Dr, Cabdiqaadir Ciise Maxamed X.Adan.
11. Mustafe Adan Shanle..
12. Sidiiq Huruufe .
13. Abokor Mahdi Ciise.
14. Cumar cabdilaahi yaasiin.
15. Mujaahid Axmed Daahir Diiriye.
16. Dr, Maxamed cabdiraxmaan Cali.
17. Axmed Xasan CaliYare (Like) AfHayeenka Saaxil.
18. Dr, maxamed Daahir Diiriye.
19. Dr, Cabdiqaadir Keyse Macaleesh.
20. Axmed Cabdi Axmed(Ina garwaf)
21. Eng, Caydaruus X.Xuseen Diiriye.
22. Cali Cabdilaahi Weyd(Ina Cabaade).
23. Ciise Muuse Weyd.
24. Xariir Cabdilaahi Ducaale .
25. Liibaan Axmed Cabdi.
26. Mujaahid Rashiid Xasan Shire.
27. Eng Axmed Muuse.
28. Xasan Carmiye Ciise.
29. Ibraahim Xasan Ciise.
30. Xuseen Cumar Hure.
31. Dr,Cabdirisaaq Axmed.
32. Mujaahid, Maxamed X.Maxamuud Jamac



-ALLAA MAHAD LEH –

By Written , Maxamuud Cali Axmed (Jaadhi ) Birmingham UK.


Author Name: Maxamuud Cali Axmed (Jaadhi )
Authors Location: Birmingham UK
Contact Author: qalinle2001@hotmail.com

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Maxamuud Cali Axmed (Jaadhi ). The views published here are solely those of its authors Maxamuud Cali Axmed (Jaadhi ). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Print News - Email this Article - Translate - Submit article