somaliland.net

Muuqaalka dhabta ah ee Xisbigga Kulmiy,Qaybtii 8aad

Posted to the web Mar 01 2008, 05 45

Mar 01 2008 - Kulmiye wuxuu qarka u saaran yahay in uu burburo:- Bilihii ugu dambeeyey waxaa qalabka warbaahinta ku soo baxayey warar muujinaya in Xisbiga Kulmiye oo ah mid ka mid ah saddexda Xisbi Qaran ee ka jira Somaliland uu qarka u saran yahay in uu gebi ahaanba burburo, wararkani ayaa sidoo kale waxay ifafaale u yihiin khilaaf xoogan, awood kala jiidasho iyo siyaasad aad u fool xun oo uu soo bandhigay Xisbiga Kulmiye ,taas oo uu doonayo in Somalilnd dib ugu noqoto habkii BEELAHA ee hore dalka iyo dadkuba uga soo gudbeen.

Akhristayaal ifafaalaha burbur ee ku soo fool leh Xisbiga Kulmiye waxaa daliil cad u ah arimo badan,balse waxaan halkan ku soo koobayaa kuwa aan isleeyahay waxay soo dedejinayaan in Xisbigaasi uu guud ahaanba burburo,waxaana ka mid ah:-

Waxaa Ka baxay xubno muhiim ah:-
Sanadkii hore dhexdiisii waxaa iskaga baxay Xisbiga Kulmiye xubno muhiim ah oo runtii ahaa xubno halbowle u ah xisbigga waxaa ka mid ahaa Gud .Uk ee Xisbigga,Gud. Hargeysa ee Xisbigga, Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Xisbigga Kulmiye iyo rag badan oo kale kuwaas miisaan culus ku leh Xisbiga dhexdiisa.
sidoo kale waxaan ogahay in rag badan oo maanta Xisbiga ka tirsani ay dhowaan isaga bixi doonaan,kadib markay ka biya diideen Siyaasada Xisbiga Kulmiye uu ku socdo xiligan.


Hogaanka Xisbigga:-
Waxaa abuurmay laba Xisbi oo Kulmiye ah oo ay kala hogaamiyaan Gudoomiyaha Xisbiga Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xog.arimaha dibada ee Xisbiga Dr.Axmed Xuseen ciise,ninkaas oo hore ugu dhawaaqay in uu yahay musharaca Madaxweynanimada ee Xisbagga Kulmiye ,balse hogaanka kale ee Xisbigu diideen welina wada ololihiisii Musharaxnimo.

13.12.07 ninka la yidhaahdo Aniis Cabdilahi ciise oo sheegay in uu yahay Wakiilka
Kulmiye ee Washington ayaa eraya kulul oo aflegaado xambaarsan ku weeraray Dr Axmed Xuseen..

Musharaxiin fara badan:-
Maalin kasta waxaa soo baxaya Musharaxiin hor leh ,taasina waxay muujinaysaa in uu jiro is barbar yaac baaxad weyn oo ka dhex jira Xisbiga dhexdiisa ,balse Xisbiga Kulmiye ugu yeedho Dimuqraatiyada Kulmiye.

Shirweynihii Xisbiga :-
Waxaa in mudo ahba la hadal hayey in la qaban doono shirweynihii Xisbiga 29.03.08 ,iyadoo ergooyinka lagu qaybsaday hab QABIIL ,belse waxaad moodaa in uu shirkaasi noqon doono mid Kulmiye u kala jejebiya Ururo iyo Beelo kala duwan,waxaanan qabaa in shirweynaha Xisbiga Kulmiye uu yahay Qarxiyihii Bam uu ku dul fadhiyo Xisbiga Kulmiye.

Xubnihii ku biiray:-
Haddii aad si dhab ah u eegto dhamaan xubnihii ku biiray sanadkan iyo kii la soo dhaafayba Xisbiga Kulmiye ,waxaa si cad kuugu muuqaneysa in ay yihiin kooxo sababi kara amase soo dedejin kara burbur ku yimaada Xisbiga Kulmiye,waxaana ka mid ah kooxahaas:-

1. Rag badan oo dalka iyo dadka been ugu dhaartay,sheegayna inay wax isdaba mariyeen xiligii Doorashooyinkii hore.
2. Rag hore dhowr jeer Xabsiga loogu taxaabay,ummadda dembiyo kala duwan ka galay.
3. Raggii hore uga dhawaaqay Maxaakiimtii Islaamiga magaalada Burco ,ee weliba loo xidhxidhay arintaas.


Joojinta Wada shaqeynta Dowlada:-
13.12.07 war uu soo saaray Xisbiga Kulmiye wuxuu sheegay in uu joojinayo dhamaanba
wadashaqeyntii uu la lahaa Xukuumada.
Xisbiga Kulmiye wax war ah oo kaas ka dambeeyey oo sheegaya in uu Dowlada la shaqaynayo ma soo saarin,warka horena wuxuu markhaati cad u yahay sida Kulmiye uga soo horjeedo horumarka siyaasadeed ee Somaliland gaadhay.

Laba Webmaside :- www.kulmiye.info iyo www.kulmiye.com

Dhowaan waxaa hadawada soo galay Webside cusub,kaas oo runtii aad uga fog Webside-kii hore ee Xisbiga Kulmiyemuuqaal ahaan iyo siyaasad ahaanba ,tusalle ahaan Webside ka cusub waxaa laga helayaa Calanka Somaliland,aflegaadada Dowladuna waa ku yar tahay.

Qabyaalada :-
02.12.07 wuxuu Xisbiga Kulmiye sheegay in Salaadiin,Siyaasiyiin iyo aqoon yahano ka soo jeeda beesha qaar mid ah Beelaha Somaliland ay ku soo biireen Xisbiga.
Xisbiga Kulmiye ayaa aaminsan habka keliya ee uu ku badbaadi karaa in ay tahay in uu isticmaalo habka QABYAALADA, taas oo aan filayo in shacabka reer Somaliland maanta aanay wax dan ahi ugu jirin in ay dib ugu noqdaan wixii hore looga soo guuray.

Kooxda Qaran:-
Kulmiye wuxuu taageeraa SHARCI DARADA,waxaana markhaati cad u ah Ururka Qaran oo aynu wada hognahay in aanu meela shuruucda dalka kaga jirin ,sida Kulmiye u garab taagan yahay mar kasta iyo meel kastaba waa mid aan meesha qabanin.
11.12.2007 Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Md. Cabdicasiis samaale ayaa Saxaafada u sheegay erayo runtii aad iyo aad layaab u lahaa ,waxaana moodaa in Samaale ilaaway in kursiga uu ku fadhiyaa yahay mid Qaran,erayadaas oo kale waa qaar shacabka ku abuuri kara kala fogaansho.

KulankiiJendaye Frezer:-
Booqashadii Jendayi frazer oo ah kaaliyaha Xog.Ar. dibada ee Mareykanka ay 03.02.08 ku timid dalka Somaliland waxay daboolka ka qaaday sida guud ahaanba Xisbiga Kulmiye uga madhan yahay siyaasada dibada iyo tan gudahaba.

Hadla iyo dhamaan arimhaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badani waxay soo dedejinkaraan burbur ku yimaada Xisbiga Kulmiye oo ah mid ka mid saddexda xisbi ee maanta ka jira Somaliland.
Dhinaca kalena in Somaliland dib loogu celiyo HAB BEELEED waa wax aad iyo aad u xun,wax dan ah oo dalka iyo dadka ugu jiraana haba yaraatee ma jirto,waxaanan leeyhay WAAR HOOY YAAN DIB LOO NOQON.


Mahadsanidin


Author Name: Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Authors Location: Man, UK
Contact Author: abdi_saleiman@hotmail.com

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Print News - Email this Article - Translate - Submit article