Dec 31 2007 - Calaamadi, waa tii wax tilmaanta. Saadaali, run iyo been mid ayay noqotaa. Aragga iyo maqalku, isku si maskaxda raad ugagama wada tagaan. Xasuus, wax kugu reeba. Sibiq, wax kugu dhaafa. Wax aad danayso. Wax aad qushigii tidhaa. Qof kuu badheedha. Ruux ku gaada. Tuug ku xada. Budhcad ku dhaca. Cod dhagahaaga u raaxeeya. Qaylo aad ku dhaga barjawdo. Kolba wax, ayaa ku soo mara. Waxba wax, ayay ku xasuusiyaan.
Afrika, adiga oo jooga. (Radio) dhagaysanaya. Hees macaani kuu socoto. Ama barnaamij xiise lihi, kuu baxayo. Si kadis ah, haddii barnaamihka aad dhagaysanaysay loo gooyo. Lagu badalo muusik aan kala go’ lahayn. Waxa maskaxdaada ku soo dhacaya, in uu inqilaab dhacay, ama dhacayo.
Dal muslin ah, adiga oo ku nool. (Radio) dhagaysanaya. Madadaalo ama barnaamij kale, dhagta kala socda. Mar qodha, haddii quraan lagu badalo. Waxa xaqiiq ah, in uu mas’uul wayni takhdadda laaday.
Adiga oo Hargeysa dhex tamashlaynaya. War la’aani ku hayso. Ka soo toosay aqal aan biyo lahayn. Wajiga aan biyo soo marin. Godadka in aad ku kufto, iska ilaalinaya. Gawaadhidu in ay ku jiidho, ka baqanaya. Qashinka urtiisa sanka ka haysta. Boodhka afka u dhiganaya. Bacda dabayshu waddo, ka gabanaya. Risiq raadis ah. Meherad ku kalahaya. Mar kaliya, haddii surumada la wada xidho. Wadada la baneeyo. Koofiyad castu is-qabato. Dhulku kula gariiro. Kolanyo siigaynaysaa ku soo gasho. Waxa aad garanaysaa, in uu Riyaale wadada soo marayo.
Xukuumadda Riyaale haddii ay dal carrabka ka dhigi waydo. Ictiraafkeenna ayuu ka shaqaynayaa, haddii ay tidhaa. Wuu ina hadal hayaa, haddii aad ka maqasho. Wuu inoo hadlayaa, haddii lagu yidhaa. War-saxaafadeed laga soo saaro. Jaraa’idka lagu qoro. (Radio)geeda Hargeysa laga soo tabiyo. Af-miishaarku ku tasbiixsado. Wasiiradu ka sheekeeyaan. Madaarku aad u shaqeeyo. Shandada waawayni, ku sii qul-qulaan. Waxa aad ogaanaysaa, in uu Riyaale dalxiis dalkaa isaga ah, ku tagayo, ama dan dhaqaale u tagayo, ama dan caafimaad u tagayo. Ama uu sadexdaba, hal (Total) ku wada dilayo.
Caku talo adduunyoy, casho nool ba aadmigu, wax buu ku cibra qaataa.
The
Author: Faadumo Cabdilahi.
Authors
Location: Not Available
Authors
Email:
faadumo_haldhaa@yahoo.com
Ali Jimali
Ahmed (Editor), Ali Jimale Ahmed / Paperback /
Published 1995
Our Price: $13.56 ~ You
Save: $3.39 (20%) Read
more about this title...
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahFaadumo Cabdilahi. The views published here are solely those of its authors Faadumo Cabdilahi. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here