Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Jawaab: Somalidu ma sidan bay ahayd ? ee www.wardheernews.com !!

Posted to the web Dec 31 2007, 08 35 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Dec 31 2007 - Horta akhristoow maxaad ka taqaan www.wardheernews.com?. Bal intaynaan u galin jawaabta maqaalka magaciisu dusha sare ku qoran yahay ee Mareegta www.wardheernews.com ku soo baxay 28 dec, 2007 uuna qoray, ninka magaciisa ku sheegay, Ismaaciil C, Xasan (khaliil) aan wax yar iska waydiino mareegtan iyo waxay u taagan tahay. Wardheernews.com waa mareeg loo sameeyay ujeedo kali ah, ujeedadaasi oo ah inay geed dheer iyo ku gaabanba u fuusho siday u ceebayn lahayd qaranka Somaliland! iyadoo talaabooyinkan hoose qaadaysa,-
 

b. Qorista iyo faafinta been-abuuro, masabidyo iyo xumaan ka dhan ah, jiritaanka qaranka Somaliland iyo dadkiisa, waxa cadaynteeda taa kaaga filan, inad waxoogaa yara mildhato magacyada sheekooyinkay soo daabacaan.

t. Aflagaadayn iyo cay qofkii Somaliland wax wanaag ah ka sheega, ama somaliland dadkeeda iyo dalkeeda qiimo u leh.

J. Cabsi ama baqdin ay is yidhaahdaan galiya dadka reer Somaliland, iyagoo wax aan jirin abuuraya ama mala awalaalaya, sida dagaal sokeeye oo qarxi doona oo galaafan doona nabada Somaliland iyo dadkeeda farajiinta ah, waa siday iyagu hadalka u dhigaane.

Hadaba Ku raagi maayo jawaabta mareegtan www.wardheernews.com oo waxan leeyahay oo kali ah,-

- Bal malee! Somaliya oo 1960, markay is raaceen aan maamulkeedu gacanta u gali lahayn guud ahaan Koonfur, gaar ahaana, cidii u badsatay maamulisteeda ee ay ka soo jeedeen, Aadan Cabdilahi Cismaan, C/rashiid Cali sharma arke, C/risaaq x. Xuseen, Maxamed Siyaad Bare??? ma u baabi' i lahayd oo ma u bah dilmi lahayd Soomaalidu sidan ay maanta atahay??

- Bal malee dadka soomaalidu siduu u kala fadilnaa 1960-1991 ee qaarna ay u ahaayeen dad waxay doonaan heli kara, samayn kara, sheegan kara, qaadan kara, dili kara, dhici kara, kufsan kara, la wareegi kara, boobi kara, oo leh awood oo gacantooda ay ku jirto mansabkii dawladnimo, iyo qaar kale oo dhib mooyee waxba aan ku qabin dawladaa magacooda lagu sheegayo, oo weliba qofka lafihiisu u badbaadaa badhida iga jar xaalkiisu yahay, oo uu cawo iyo ayaan sheegtay.

- Bal malee! 1982-1991 waxa ka dhacayay Somaliland (ex-waqooyi galbeed sida aad u tidhaahdaan) ee ay dawladii milatriga ahayd samaynaysay iyo dadkii halkaa ku noolaa waxa la mariyay ee ay muteen.

- Bal malee! Somaliland oo loo soo mutay waxaa dusha aad ku malaysay iyo waxyaalo kale oo badan, inay tahay beerkii qadada lagu sugayay, iyo inay tahay dhuloow kaama kaco. Labada midka ay tahay nin rag ahi waa garanayaa nin kalena looba sheegi maayo.

Aan hadaba isku malmalo maqaalka magaciisu yahay '' Somalidu ma sidan uun bay ahayd ''. Jawaabta su' aashani waa '' Muruqa laba Suul ninba si ku ah'', ninkii wax dheeri ah ku qabay Soomaalinimadii hore iyo soomaaliyadii duntay, sida hada ay tahay way ka degi la' dahay, waayo sadkii dheeriga ahaa ee uu qabay baa uu waayay! ninkii kasta ee kale-se dhadhan kalay u leedahay, bal kolay anigu tayda iyo kuwa ila midka ah baan tooda ka war hayaaye, hada mar ay ka wanaagsan tahay ma jirto Soomaalidu, marka laga reebo dhibta soo gaadhaysa dadka aanu walaalaha nahay ee shacbka reer muqdisho oon aad uga xumahay waxay mudanayaan habeen iyo maalin, sheekadanina uma socoto taa hada, ee waxay u tahay jawaab, dadka Soomaalinimada awrkooda ku kacsada, ee Ilmada Yaxaaska hada u daadinaya wax la og yahay halkay mareen, iyo cida burburka iyo baaba' eedaba masuulka ka ah.

Soomaalidu waa qabiil qabiil, waa sida aynu u dhaqanahay ceebna ma laha, qabiil qabiil kale ka dhaladsani ma jirin mana jiro, hase yeeshee 1960-1991 arintu sidaa way ka duwanayd, oo qabiilooyinka qaar uun baa karaamayasnaa, qaarna waa shaabadaysnaayeen oo laga dhigay wax xun oo ku fiican in laga dabargooyo Ifka!, sababtu wax kale may ahayn ee waxay ahayd, Dawladnimadii iyo awoodii kursiga magaca soomaaliyeed lagu keenay oo dad gaara gacanta u gashay, oo is ku dheeli tirkii beelaha dhantaashay. Halkii hadaba looga baahnaa in loo sinaadana Dawladaa dhib iyo dheefba, waxa laga dhigtay oo ay noqotay wax dad gaar ahuuni dheefteeda yeesho, si kasta oo taa ay ku helayaana ama ugu suurta galaysayna waa ay sameyeen, haday tahay, dad la laayo, la jidh dilo, la xidho, la dhaco, ilaa markii danbe ay noqotay oo ay gaadhay in la xasuuqo Qabiilkoyin idil, xasuuso intii u dhaxaysay 1981-1991 iyo xasuuqii ( somaliland) ka dhacay ee ay dawladii macangaga ahayd ee M. Siyaad Bare u gaysatay hooyooyinka, carurta, waayeelka iwm , hadaba hadaad Siilaanyo tidhi waxa uu yidhi sidan hoose, oo aad soo xigatay,-


U firso: Hadalkan hoose waa sheekada uu ku eedaynayo Siilano, ninka qoray maqaalka aan ka jawaabayo oo la yidhaa Ismaaciil C. Xasan ( khaliil) oo wardheernews.com ku soo baxaye.


Males iyo xukuumaddisa oo kaliya ma ahan ee waxaa Siyaasiyiinta qaarkood ku faanaan in ay kasbadeen quluubta taliskii milataratiga ahaa ee Mingiste hogaamin jiray.


Axmed Siilaanyo, isagoo ka sheekanaya sidii Itoobiya u aamintey SNM, kadib markii ururradii kale oo dhami ay burbureen iyo sidii ay u kafaala qaadatay ururkii USC waxa uu yidhi:

“Anigoo Toronto jooga ayaa la ii yeedhay, Addis baan tegey, waxa la igu yidhi ‘haddaanu Itoobiya nahay waxaanu ku goosanay maadaama ururradii kale oo dhami ay noqdeen wax khilaaf iyo dhibaato ka bixi waayey, ururka keliya ee aanu aqbalay wuxuu noqday SNM. Sidaa darteed, is arka nimankan (Caydiid). Caydiidna waxaanu isugu nimi Addis Ababa. Caydiid waxa ila soo hadlay Ismaaciil Jimcaale oo yidhi Caydiid oo Hindiya ka imanaya baanu soo diraynaaye qaabil. Itoobiya waanu doodnay, waxaanu ku idhi, waar dhegeysta Soomaalidu waxay ku dagaalantaa wax la yidhaahdo qabaa’il. Annagu aanu ilaa Koonfurta cid ku lahaano, aanu laamo badan lahaano, laakiin, quwadayada iyo awooddayadu waxay ku dhacdaa waqooyi, halkaa dagaalkeeda waad ka warhaysaan, maanta guulo badanna waanu ka keennay, laakiin, dowladaha Afrikaanku waxay ka dhacaan xarunta. Annagu si aanu halkaa ka ridnaa way nagu adag tahay. Ninkan (Caydiid) iyo ururka uu dhisayaa waxay ku shaqo leeyihiin Xamar oo uu degaankoodu yahay; waxaanu idinka codsanaynaa oo idinka baryaynaa inaad gacan siisaan, sidaas baa Caydiid loogu ogolaaday ururkiisii, sannad iyo dheeraad ayuu ku shaqaynayey oo lagu caawinayey kaadhka SNM”.
Axmed Siilaanyo, 19 oktoobar 2007.

Mar haddii siyaasiyiintii hubka u qaatay in ay badbaadiyaan qaranka Soomaaliyeed, ay madaxdii Itoobiya ula tageen aragtidooda qabyaaladda ku dhisan, la yaab ma leh shakhsiga caadiga ah ee Soomaaliyeed marka uu Itoobiyaan la kulmo inuu ula sheekaysto heer qabiil.

Aragti gaabnida mucaaridka Soomaaliyeed waa ta sababta u noqotay xaaladda foosha xun iyo guuldarrada Soomaalida halleeshay. Siyaasaddoodii qabiil u dirirka ahayd darteed umaanay suurtogelin in ay badbaadiyaan qaranka Soomaaliyeed, halka ay mucaaridkii Itoobiya ku guulaysteen inay iska dul qaadaan xukuumaddii kelitaliska ahayd iyagoo qaranimadoodii iyo dawladnimadoodii aanay wiiqmin ugu dambeystiina dhalisay in ay maanta Soomaaliya ka taliyaan.




Hadaba akhristoow, saw ma aragtid?!!! Soomaalinimadu ninba si ku ah, mr Khaliil, toloow markii la dukhaynayay Somaliland ee la dilay dad ku dhaw 100.000 oo qof oon waxba galabsan, ma u damqanayay Soomaalinimada hada uu u ilmaynayo, markii Jasiira (xamar) oo ah halka uu mr Khaliil sheegtay inuu wax ku soo bartay, lagu laayay in ka badan 47 qof, oo dhamaantood isku wada hal beel ah, oo qaarkood ay ardayba ahaayeen dhigata Gahayr-ta uu sheegay inuu ku jiray Khaliil, ma u jidh digiigixooday oo ma u damqaday Soomaalinimada? jawaaabtu waa mooyi, waayo sida ka muuqata maqaalka mr Khaliil qoray, waxa uu isagu hubanti raacsanaa dhankii awooda dawladaii Somaliyadii duntay gacanta ku haysay ee labada gacmoodba ku xajisanayay.

Siilaanyo oo hadaba dadkiisii uu ka dhashay la duudsiyay xaq waxay u lahaayeen oo dhan, oo la xasuuqay oo la baabiiyay, bal malee hadaanu kicin oonu ka dhidhiyin dhibta lagu hayo, oonu meeshii iyo cidii kasta ee uu gargaar ka heli karayoba tagin, maxuu ninka maqaalkan qoray doonayay inuu Siilaanyo sameeyo toloow??.

Taasaa la leeyahay ha kala gar qaadato, bal malee!! Soomaalinimada mr Khaliil waa ta, Maxamed Siyaad Bare iyo dad kale oo badan, oo la og yahay inay ka danbeeyeen dhib waxii ka dhacay waxii la isku odhan jiray Soomaaliya, masuulna ka yihiin wax kasta oo xumaan ay maanta Soomaalidu mudataba daafacaysa, ee kuwii xaq u didrika ahaa ee lafahood uun badbaadinayay ku eedaynaysa inay iyagu burburiyeen Soomaalida, oo ay weliba iyagu yihin kuwa gun dhiga u ah waxa maanta haysta Soomaalinimada, waa sida uu yidhi saaxiibkeen mr Khaliile, Soomalinimada mr Khaliil iyo wardheernews.com waata diidan inay mar kali ah sheegaan xasuuqa ka dhacaya Xamar cida gaysanaysa ee masuulka ah, wax kale maaha waxay u dafirayaan, ee waa kaliya maamulka sare ee waxa loogu yeedho TFG oo dad ay taageersan yihiin gacantooda ku jirta, Eed-na aanay u ogolayn welibana ka rajaynayaan inay soo celin karto Soomaliyadii hore. ee sad bursiga lagu qabay.

Inay Itobiya u tagaan ururkii SNM iyo USC ee xaq u dirika ahaa waan ku taageersanayn, in ay nacabkii ama maamulkii guracnaa ee dhulka haystay ee uu Maxamed Siyaad bare gadh wadeenka u ahaa caabiyana waan ku taageersanayn, inaan u Qaxno oo magansano Itoobiyana waan ku khsabnayn waanan ugu Abaal haynaa Itoobiya. Is waydiintuse waxay tahay, toloow hadii dadka uu ka dhashay mr Khaliil la xasuqi lahaa oo magac dawladeed lagu baabiin lahaa, oo diyaarado ajanabi wadaan loo soo kiraysan lahaa, markii kuwii wadaniyintu dhamaadeen, maxuu yeeli lahaa?? ma sida raguu dagaalami lahaa mise waa dugsan lahaa oo dhabnaka kalena dhigan lahaa??

Sooomaalinimada ay wardheernews.com iyo mr Khaliil u ooyayaan, waa '' wax la waayay Geeloow ninkii waalan baa u duda'', iima muuqdo saansaaankii ay mar kale awooda dadka Soomaliyeed oo dhami gacanta dadkaad taageersan tihiin ku gali lahayd, mana filayo inay suurta galba tahay mar danbe.

Aan midna ku sii daro iyadu run ah oon iska yelyeel ahayn, Soomaalinimada dadkay qiimo u lahayd weligeedba wali way qiimeeyaan, waana la og yahay ciday yihiin, waana reer Somaliland, kama baayac-mushtareeyaan Soomalinimada iyagu iyaagoo dan qabiil ama gaara raba, wali Siilaanyo iyo SNM intii ay dagaalamayeen 1981-1991, may keenin caradooda ciidan Shisheeye hal askarina ha ahaadee. weli dadka reer Somaliland dad kale oo soomaliya oo iyaga soo magansaday GAAS iyo dab may qabadsiin, weli dadka reer Somaliland intay Doonyo dad ka kireeyaan, caruur iyo haween hadana Bada kumay qubin, weli Dadka reer Somaliland dad sita Sun NUKLIYEER dhulka kamay iibin inay ku aasaan. Isku soo duuboo Somaliyi inay is barato way u baahnayd, la is baray.

F.G, maamul kasta siduu u baxaa loo gooyaa, waxa uu u baxay maamulkii Siyaad si qabiil, waxa kali ah ee lagu jari karayay waxay si Qabiil in loola dagaalamo. Ugamana jeedo hada maqaalkan inaan cid gaara ku daro, waa Jawaab kali ah uun.

Ha jirto Somaliland oo ha joogto weligeed.


 



The Author:
Cali Cumar Xasan..
Authors Location: Not Available
Authors Email: afraad_4@hotmail.com

War Clouds on the Horn of Africa : The Widening Storm
Tom J. Farer / Hardcover / Published 1979
Our Price: $10.00 + $0.85 special surcharge (Special Order)


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Cali Cumar Xasan.. The views published here are solely those of its authors Cali Cumar Xasan.. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.