Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Somaliland: kani waa Isaaq kani waa Samaroon, meeye magacyadeenii kale.

Posted to the web Dec 28 2007, 07 50 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Dec 28 2007 - Markay noqoto Somaliland iyo hogaankeeda siyaasadeed, waxa markaaba kugu soo dhacaya laba Magac oo ka mid ah magacyada ay Somaliland dadkeedu leeyihiin, kuwaasi oo kala ah, Isaaq iyo Samaroon!!!! waxa hadaba mudan in la is waydiiyo, mee magacyadii kale ee iyaguna magacyadeena ahaa, aaway magacii Akisho, Tumaal, Gurgure, Harti, Midgaan, Gabooye, Ciise, Madigaan iyo magacyadii kale een lahayn ee dadkeena ahaa??
 
Dadka Somaliland waa dad wada dhashay oo dhiig iyo dhiiqba wadaaga, dhul iyo dhaqan wada leh, oo is leh oo is ah, sidaa darteed, waxa Gar iyo Daw ah inay u sinaadaan Dhulkooda si kastaba, haday tahay Madaxdiisa maamulka sare fadhida iyo haday tahay mijahiisa hoose ee halbawlaha u ah jiritaankiisaba.

Waxa dalkeena ka jira fursado shaqo oo koban xaaladaha ku gadaaman awgood, waxa fiican in maamulku si foojigan u hormeeyo fursadahaa oon la kala sad bursan, waxa haboon in dadkeenu ama wada qado ama wada dhergo, waxa haboon in dadkeenu wada dareemo inay u siman yihiin Somaliland, waxa haboon si kasta oo taa loo gaadhi karo la sameeyo.

Waxyaalaha ay ishu ku dhacayso ee aan malaha weli hoosba loo dayin waxa ah, in la is waydiiyo, maxay xisbiyada siyaasadeed ee jira(udub, ucid iyo kulmiye) uga muuqan waayeen jaagooyinkooda sarsare, magacyadaa aan kor ku soo sheegay? hadaba si ay uga muuqdaan dadka magacyadaa sare lihi, waxa haboon in la joojiyo, beel Toocsiga iyo nin Jeclaysiga, oo la raadsho Cidii leh karti, aqoon iwm, ee ina hagi karta, kaasi oo aan labada magaca ee sare( isaaq iyo samaroon) oo kali ah ka imanayn ee loo siman yahay.

Waa u gashi-samaan iyo caafimaad Qaranka Somaliland(maandeeq), in la helo doorashooyinka soo socda ta dawladaha hoose iyo ta kale ee madaxweynaha, oo ay ka dhex iftiimayaan magacyadaa aan xaga sare ku taxay, oo ay dar dar cusub dalka iyo dadkaba galiyaan, sidaad adba akhristow ila qirayso, xaaladahii kalifayay in labadan magac hogaanka sare fadhiyaan hada waan qabyo tirnay, waxa loo baahan yahay markaa in la baahiyo Talada oo la gaadhsiiyo magacayada kale, si loo wada arko Xil-ku Culayska iyo Eed-da uu leeyahay.

Waxan hubaa inaan waxba inagaga xumaanayn ee waxuni inoogu hagaagi doonaan, Xisbiyadu xubnahooda sarsare ee ay u sharaxayaan hogaaminta dalka ha laga dhex arko dadkeena oo dhan.


Ha jirto Somaliland oo ha Joogto.


 



The Author:
Cali Cumar Xasan..
Authors Location: Not Available
Authors Email: afraad_4@hotmail.com

The 1980-81 Somalia fertility and mortality survey of Benadir, Bay, and Lower Shebelle : a summary of results
Administration's plan for continued U.S. military participation in U.N. operations in Somalia : hearing before the Committee on Armed Services, House of Representatives, One Hundred Third Congress, first session, hearing held October 21, 1993


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Cali Cumar Xasan.. The views published here are solely those of its authors Cali Cumar Xasan.. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.