Dec 28 2007 - Anshax xumo, dhaqan uma aynaan lahayn. Ceeb ka saliimna, ma aynaan wada ahayn. Xoolaha ayaa la kala dhici jirey. Beertaydii ayaad ku soo durugtay, ayaa la isku qabsan jirey. Waa la is-dili jirey. Waa la wada hadli jirey. Waa la is-afgaran jirey. Mag ayaa la kala qaadan jirey. Xaal ayaa la isa siin jirey. Waa laga heshiin jirey.
Haweenka waa la xushmayn jirey. Hadana waa la garaaci jirey. Gabdhaha waa la xurmayn jirey. Waa loo geed fadhiisan jirey. Xoolo ayaa laga bixin jirey. Mar waa la la bixi jirey. Mar waa la soo dhicin jirey. Marna waa lagu aqal geyn jirey. Laakiin marna lama fara xumayn jirin.
Waxa la yidhi, nin ayaa gabadh fara xumeeyey. Reerkii ay gabadhu ka dhalatay, ayaa arintii ogaaday. Suldaankii beesha, ayuu warkii gaadhay. Dhacdo foolxun, ayay noqotay. Loo qaadan waa, ayay noqotay. Ceebay tacaal ayay noqotay. Gabadhii ayaa la waydiiyey, bal in ay garanayso ninka iyo inkale. Waxa ay sheegtay, in aanay aqoon u lahayn, laakiin wajigiisa garan karayso.
Odayaashii ayaa ka shiray. Raggii oo dhan ayaa la iskugu yeedhay. Meel bannaan ah ayaa la wada dooyaystay. Saf balaadhan ayaa la wada galay. Wajigga ayaa hagoogta laga wada qaaday. Nin maqnaada, ayaa la diidey. Nin mar-marsiiyo sheegta, ayaa la diidey. Cudur-daar, ayaa la aqbali waayey. Raggii ayaa soo wada xaadiray.
Gabadhii ayaa la keenay. Geeskii uu Suldaanku fadhiyey ma ahane, geeskii kale ayay ka soo bilowday. Aabaheed ayaa dhinac galay. Raggii ayay mid mid isku hortaagtey. Kolba nin wajigiisii daalacatay. Kolba nin soo dhaaftay. Safkii ayaa soo yaraaday. Suldaankii ayay ku soo dhawaatey. Ninkii falka geystey, oo suldaanka ag fadhiyey, ayaa yidhi: “Waar gabadhu raggii oo dhan soo wada dhaaftaye, malaha aniga iyo suldaanka ayay nagu soo socotaa?”.
Riyaale, waa la wada arkay. Waa la wada maqlay. Waa la wada bartay. Waa la wada tilmaamay. Dalka wuu la hadhay. Dhaqaalihii wuu curyaamiyey. Ictiraafkii wuu aasay. Agoontii wuu qadiyey. Hantidii dalka wuu xaalufiyey. Sharcigii wuu ku tuntay. Dastoorkii wuu laalay. Mujaahidiintii wuu xidh-xidhay. Siyaasaddii wuu ka sineystey. Waa ninka salaadiinta ag fadhiya.
The
Author: Faadumo Cabdilahi.
Authors
Location: Not Available
Authors
Email:
faadumo_haldhaa@yahoo.com
Love and Memory : Reflections of an an Exile from Somaliland. Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahFaadumo Cabdilahi. The views published here are solely those of its authors Faadumo Cabdilahi. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here