Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Waa maxay dhibaatada haysata Saxaafada Somaliland? Qaybtii 1aad

Posted to the web Dec 17 2007, 08 24 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Dec 17 2007 - (Dowladu waxaan marar badan ka maqlay,dhawaan waxaa imaneysa idaacad cusub,maalin dhoweydna waxaan Websida qaarkood ku arkay gaadhi sida idaacadii cusbeyd oo soo galay deyrka radio Hargeysa ,laakiin weli ma garanayo xilliga Togdheer -Sanaag-Sool -Hargeysa Saaxiil iyo Awdal ay wada dhegeysan doonaan Radio –Hargeysa)
 
Akhristayaal waxaan jecelahay in maqaalkani uu bilow u noqdo qoraalo taxana ah,kuwaas oo aan ku eegi doono dhibaatooyinka haysata Saxaafada Somaliland , marka aan leeyahay saxaafada Somaliland waxaan ula jeedaa qalabka war baahinta sida Joornalada –TV-Radio-ha iyo Webside-da Sida .


Waxaan aad iyo aad u jecelahay in laga doodo lagana wada hadlo dhibaatooyinka haysta saxaafada Somaliland oo maanta u muuqda qaar aan idhaha laga qarsan Karin,sida dib u dhaca,tayo xumada ka muuqata iyo erayada QABYAALADA oo xilligan caadi u noqday Saxaafada Somaliland ,sidoo kale waxaa haboon in jawaabo cad cad aynu u helno suaaalo badan oo ay ka mid yihiin kuwani ?

1. Maxaa keenay in TAYO ahaan Saxaafada Somaliland ay noqoto tan ugu liidata marka loo eego tan Geeska afrika ?

2. Maxay ku kala duwan yihiin Saxaafada XORTA ah iyo Saxaafada aan XORTA AHAYN.

3. Maxaa keenay ilaa 1991 in Radio Hargeysa aanu gaadhin Gobolada dalka amase guud ahaanba dalka Somaliland ? Maxaa u sabab ah ?

4. Maxaa keenay in 2007 aanay Somaliland lahayn Radio-Tv- iyo Jaraaid dalka wada gaadha gudaha iyo dibadaba ?


5. Ma shacabka Somaliland ayaan aqoon fiican u lahayn guud ahaan Saxaafada iyo faaiidooyinka saxaafadu leedahay ?


6. Shuruucda saxaafada ee hada Somaliland ka jirtaa waa sidee ?,ma qaar dhiiri gelinaya saxaafadaa mise waa qaar xakameynaya ?

7. Maxaa keenay in ganacsatada reer Somaliland ee lacagta haystaa ay maalgashan waayaan Saxaafada Somaland balse ay lacagtooda u leexiyaan dhinaca Saxaafada Somaliya ?

8. Maxaa keenay in Wariyayaasha ka howl gala Somaliland ay noqdaan kuwa ugu tayada daran,marka ay noqoto dhinaca qalabka iyo aqoontaba guud ahaan geeska Afrika ?

9. Maxaa keenay in xilligan la joogo 2007 ,ay noqoto Saxaafada Somaliland mid soo daabacda erayao badan oo la odhan karo waxay xambaarsan yihiin ERAYO QABYAALADEED ?

10. Maxaa keenay in qaar mid ah Saxaafada Somaliland ay noqdaan qalab lagu faafiyo amase loo adeegsado QABYAALADA ?

11. Maxaa keenay in qaar ka mid Saxaafada Somaliland ay noqdaan qalab loo adeegsado BURBURINTA SOMALILAND?


Hadal iyo dhamaan suaalahaas iyo qaar kale oo badani waxay ka mid yihiin suaalaha loo baahan yahay in jawaabo waafi ah loo helo, dhinaca kalena Saxaafada Somaliland maanta ka jirtaa ,waa mid aad iyo aad u dambeysa,tayo ahaan iyo taag ahaanba, mana jirto wax horumar ah oo ay ku talaabsatay intii Somaliland jirtay .


La soco qaybta 2aad iyo Radio Somaliland.

mahadsanidin
 



The Author:
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, UK
Authors Email: abdi_saleiman@hotmail.com

Daallo Airlines $600 From Europe, Click Here For Details

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Click Here For Ads Info
Daallo AirLines
AT AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON (GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO, KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.