Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Mahadhada Gefkii Dhacay iyo Garashadiisa

Posted to the web Dec 17 2007, 08 20 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Dec 17 2007 - Waa duni la baal maray aqoon, samo-ku-beeggeede, Waa duni la baaqdoo qaneec, saabur baabburaye, Waa duni xaqu ban yaal sharkana, baadi loo yahaye,Bulshadayda waa u liid nimaan, tooda buuxiniye, Hanti nimaan ku baashirin aqoon, kuma billiifaane,Haddii waano lays baro wuxuun, lagaga baydhaayo
 
Boqollaal abwaan baa hortay, qoray bayaan dheere

Barbarkay jalleecaanba daliil, badani waa yaale

Iyagaan biliifine cilmigu, buuxi dhegihiiye



“Adduun waa bil aakhiro”, gabay. Waxa tiriyey abwaan Maxamed Cali Cartan. Beydadka aniga ayaa sidan isugu xigsiiyey, ee sedan uma ay taxnayn markii ay tixda ku jireen.


I. Hordhac




Waxaa la isku wada raacsan yahay in dadku wixii ay aqoon u leeyihiin ay si fudud uga midho-dhalin karaan, wixii kalena ay ku guuldarraysanayaan, kuna lug go’ayaan. Dawladnimadu waa wax fiican, oo in sideeda loo garto looguna dhaqmaa ay habboon tahay. Laakiin diiwaannada taariikeed ee bulshooyinka af-soomaaliga ku hadla weligeed kuma ay jirin, haatanna sida ay ugu jirtaa waa si’ aynu wada garan karno. Soomaalidu, dal kasta maanta ha ku noolaatee, weligeed wax maamul ah may wadaagin 1960-kii ka hor, jeerkan la joogana danteedu waxa ay ku jirtaa in ay bulsho kasta oo iyada ka mid ahiba dalkeeda dhisato, qarannimada kuwa kalena aqoonsato.



Mar haddii aan hore maamul la isugu darsan jirin waxay ahayd in hubsiimo iyo taxaddar weyn la lahaado mar kasta oo arrin guud oo bulshooyinkaa iyaga ah wada taabanaysaa ay soo korodho. Laakiin taasi ma ay dhicin, ee waxa dhacday in dad aan weligood wax isku darsan aqoon badan oo hoosena isu lahayn mar keliya oodda laga qaaday, oo la doonay in ay midoobaan. Waxa markaa bilaabmay khasaare iyo ismaandhaafyo laga xumaado, kuwaas oo ila maanta taagan lana dhammayn kari la’yahay.



Hayaankii dheeraa ee horukaca iyo horumarka lagu doonayey maxaa uu ku dambeeyey? Waxa uu noqday mid aan u dhicin sidii la doonayey. Nin baa laga hayay: “Gaajada ka bax baan guntiga u adkaystee/ Ma haddaan galay geerashkeedii!” In kor loo kaco ayaa la doonayey, hase yeeshee afweynta ayaa loo dhacay!



II. Maxaa talo ah marka arrin heer ummadeed ah laga hadlayo?



Mar kasta oo la doonayo in arrin weyn oo bulshooyin badan taabanaysa waxaa door ah in degganaan la muujiyo, in arrinta loo dad badsado, in waqti ku filan la siiyo iyo in aan la iska kaxaysan qof kasta oo da’ weyn ama dafdafle ah oo aan meesha ku habboonayn, ee la raadiyo dadka inta garashada leh ee dhinacyo badan wax ka iftiimin karta. “War waayeel ha doonina, ee waxgarad doona” waxa murtidaa isaga oo da’ yar yidhi mudane Suldaan Diiriye – AHU. Haddii golaha arrinta lagu hayo ay cid kastaaba geb soo tidhaa waxa dhacaysa taloxumo, waxana lumaysa fursaddii lagu heli lahaa xal fiican oo kama-dambays ah.



Dhismaha bulshooyin habaysan oo xor ah caddaaladna higsanayaa waxa uu ku toosaa nadaamyo maamul oo ay bulshooyinkaasi isla oggol yihiin. Waxaa kale oo uu ku toosaa in la helo xeerar qeexa bulsho kasta xaqeeda, soohdimaheeda, wixii gar loogu yeelan karo iyo wixii aan gar loogu yeelan Karin intaba. Haddii aynu dulucda soo dhoweyno waxaa muhiim ah in la tixgeliyo rabitaanka iyo doonista bulsho kasta. Wixii aan sidaa ahayni waa jujuub iyo fadqalallo. Wax dad aan raalli ka ahayn dusha lagaga keenay ama midnimo lagu sheegay xal lagu gaadhi mayo, ee waxaa ku lumaysa dan iyo faa’ido badan oo ay ahayd in la ilaashado.



III. Xaaladda Israacii Lixdankii



Israacii ay sannadkii 1960 yeesheen laba dal oo ka mid ah dalalka soomaalidu waa uu hagaagi waayey, sababtuna waa in uu ahaa arrin cusub oo aan laga baaraandegin, waqtigii uu ka-fiirsigiisu u baahnaana aan la siinnin. Waxa uu ahaa mid lagu degdegay. Ummaduhu marka ay wax isku darsanayaan xeerar ayey raacaan heshiisyana waa ay kala qortaan. Laakiin israacii Soomaalilaand iyo Soomaaliya ee 1960-kii waxa ay dadka aqoonyahannada ah iyo waxgaradkuba qabaan in uu ahaa mid aan wax xeerar ah la kala dhigan, heshiis iyo shuruudana la kala qoran.



Haddaba haddii ay arrintu sidaas tahay wixii dhacay ma waxaa lagu tilmaami karaa “israac”, mise “midnimo” sharci ah ? Mise waxaa lagu tilmaami karaa “farsamaxumo” heer ummadeed ah? Weydiintaas waxan u dhaafayaa akhristayaasha. Runtii ma aha mid aynu ku degdegnay, ee waa mid meesha ku jirta, waayo adduunka laguma arag laba bulsho oo wax isku darsaday ama midoobay oo aan wax shuruudo ama heshiisyo ah kala qoran, oo ay haddana qaarkood indho’adayg la soo taagan yihiin, oo aanay qirayn waxyaalihii dhacay, ee xaqiiqadooda dadkii u joogay ay maanta inala joogaan. Abwaan Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin Gadhle) ayaa mar uu soo hadalqaaday israacii 1960-kii waxa uu maansadii Dirsooc ku yidhi:



Taariikh da’ weynoo,

Degmadeennu leedahay,

Aan idiin dul-xaadshee,

Lixdankii dadkaygoow,

Markaad Dawladnimadii,

Diiqada u bixiseen,

Degdegsiinyo mooyee,

Doqonniimo ma ahayn!





Shacabka xamaasadaysan nimanka dejin lahaa, ee in ay wax garansiiyaan laga filayey waxay ahaayeen nimankii berigaa hormoodka ahaa. Markii ay nimankaasi arkeen shacabkii oo yaacaya, oo “israac” doonaya uun bay iyaguna iska daba-galeen si ay kuraas u helaan (marka laga reebo nin keliya oo aragti dheeraa, kaas oo taladiisii dadweynuhu diiday). Markii uu isla shacabkaasi goobihii halganka tagayna way ka daba tegeen. Maantana dad badan oo mas’uuliyiin ah ayaa laga yaabaa in ay shacabka isku egaysiinayaan, oo ay doonayaan in aan la ogaan waxa ay rabaan. Arrimahaasi waxay diirka ka qaadayaan in aanay mas’uuliyiinteennu waxba hoggaamin, ee ay mar kasta iska daba socdaan dadweynihii ay ahayd in ay hoggaamiyaan.



IV. Maxaa xal ah?



Aadamigu waxa uu waa noolba tijaabiyaa kolba fikraddii uu is-yidhaahdo dan baa ku jirta. Fikraddii shaqaysa waa uu sii horumariyaa, tii shaqayn weydana waa uu ka gudbaa. Maanta oo la joogo casri ay wax kastaa kala caddaadeen ma jirto cid diidaysa in fikraddii la odhan jiray “Soomaaliweyn” ay tahay mid tijaabadeeda hore la isugu dayey oo aan hadda iyo wixii ka dambeeyaba shaqaynayn. Haddaba, haddii sidaa la wada garansan yahay miyaanay fiicnayn in aan waqti la iska lumin, ee sida ay reer Soomaalilaand arrintaa u garteen oo kale ay Soomaalida kalena u garataa ? (Soomaalida aynu halkan ku xusaynaa waa ta degta dalkaa deriska ah ee Soomaaliya, waayo kuwa kale dalal kale ayey ka tirsan yihiin badankooduna arrintaa maanta iskuma mashquuliyaan).



V.Gunaanad



Soomaaliland waxay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun, 1960, waxayna xornimada ka hor heshay dalalka Simbaabwe, Soomaaliya, Saambiya, Jabuuti, Yugaandha, iyo Burundi. Sida diiwaannada taariikhda qaar ka mid ah ku xusan waxaa xilligaa Jamhuuriyaddii cusbayd ee Soomaalilaand aqoonsaday 35 dawladood oo ay Masar ku jirtay. Haa, Masar ayaa xataa ku jirtay; dalkaas oo aynu og nahay sida uu xilligan la joogo isugu hawlo midnimo-ku-sheeg dusha lagaga keeno ummadaha af-soomaaliga ku hadla qaar ka mid ah, si ay danihiisu u xasilaan. Xuduudaha Soomaaliland-na waxaa mar lala aqoonsaday xuduudaha dalalka kale ee Afrika, kuwaas oo xeerarkii Ururkii Midowga Afrika lagu sheegay, lana sheegay in ay ahaanayaan sidii ay ahaayeen markii ay dalalkaasu xoriyadda qaateen. Arrimahani waxay caddaynayaan in aanay Soomaalilaand-ta maantu ahayn mid cusub oo dal ka go’aysa, ee ay tahay jamhuuriyad ka noqonaysa, “midnimo” odhan maayee, israac ay beri hore gashay, oo aan waxba laga faa’idin. Runta biyo-kama-dhibcaanka ahi waa sidaas, haddii la doono ina Sanweynana haloo geeyo ( AHU geesigaa isaga ah).



Soomaalilaand oo aan iyadu, sida dalal kale oo soomaaliyeed hore u diidin israac, haddii ay garatay ka dib markii ay fikraddii Soomaaliweyn shaqayn weyday in ay halkeeda wax ku qabsato, horumarna samaysaa waa arrin fiican, eedna kuma laha. Haddii shan dal oo Soomaali ah oo la isu keenaa in aanay suurta-gal ahayn la isla garanayo, waxa sidoo kale gar ah in la isla garto in laba dal oo shantaa ka mid ahi aanay samayn karayn midnimo buuxda, balse ay samaynayaan wax qabyo ah oo aan dhammaystirnayn, oo aan weliba raalli lagu wada ahayn, oo aan haddana midnimo lagu tilmaami karayn. Wax sidaas ah waxaa laga dhaxli karaa uun guuldarro, wax guuldarro laga dhaxlayaana midnimo ma aha , ee waa masiibo ay habboon tahay in laga dheeraadaa.



Dad badan ayaa lagu qalday in israac noocaas ah haddii la waayo aanay waxba hagaagayn. Runtii taasi waa fikrad dadka lagu sirayo, oo aan xaqiiqo cilmi ah ku dhisnayn. Innaga horteen iyo dabadeenba dalal iyo ummado badan ayaa midnimo ama israac tijaabiyey, markii ay ku danseegeenna aan ku sii dheggenaan, ee kala noqday. Dalalkaa haddii aynu tusaaleyaal ka soo qaadanno waxaa ka mid ah Masar iyo Suuriya oo midoobay 1-dii Febraayo ee sannadkii 1958 lana baxay Jamhuuriyadda Carabta Midowday. Labadaa dal waxay kala noqdeen sannadkii 1961 markii ay ogaadeen in aanay midnimadii dhexmartay waxba ka faa’idin. Sinigaal iyo Gaambiya waxay israaceen 1981-kii, waxayna kala noqdeen 21-kii Sebtember, sannadkii 1989. Itoobiya iyo Ereteriya waxay midoobeen 1952-kii waxayna kala noqdeen sannadkii 1991 ka dib markii ay deggenaansho kama dambays ah gaadhi waayeen.



Haddaba weydiintu waxa weeyi bulshooyinkaas oo dhami markii ay intaas oo midnimo ah ka noqdeen ma waxbaa ka xumaaday, mise wax baa u hagaagay? Falcelintu waa “wax baa u hagaagay, waxayna gaadheen horumar iyo deggenaansho aanay markii hore haysan”. Haddaba dad badan oo ka mid ah bulsho-weynta af-soomaaliga ku hadasha waxaa laga rabaa in ay ka gudbaan fikradaha hooseeya ee caaddifadda iyo wax isu oggolaansho la’aanta ku salaysan, gartaana qiimaha ku jira qarannimada iyo in uu dal kasta oo ka mid ah dalalka ay degaan ummadaha af-soomaaliga ku hadlaa goonidiisa u horumaro.



Soomaalida iyo carabta markii loo fiirsaday waxaa la ogaaday in ay ka mid yihiin bulshooyinka ay danahoodu ku jiraan in ay kala yeeshaan dawlado fiican, oo xidhiidh sokeeyenimo leh. Carabtu arrintaa waa ay garatay, maantana iyada oo dhawr iyo toban dal ka kooban ayey carabnimadooda si guud u wada ilaashadaan horumarkoodana ka shaqeeyaan. Ma jirto cid lagu eedeeyo in ay “carabdiid” tahay ama ay carabnimadii ka baxdayba.



Arrimaha bulshooyinka af-soomaaliga ku hadlaa sidaas oo kale ayey ku hagaagayaan, soomaalinimaduna ma aha in la is qabqabsado, ama “wax” la isku siro, ee waa wax la wada ilaashan karo iyada oo loo marayo habka dawladaha badan ee kala madaxa bannaan. Waxa wanaagsan in laga gudbo fikraha aan waxtarka lahayn ee dibudhaca keenaya. Danta dalalka soomaalidu waxay ku jirtaa in qarammo la kala ahaado, qaran kastaana uu maslaxaddiisa ka shaqeeyo. Wax kasta oo jiritaanka jamhuuriyadda Soomaalilaand u wanaagsani dalalka kale ee soomaalidana waa uu u fiican yahay. Ujeeddooyinka dawladaha loo samaystaa waa in la ilaaliyo nabadgelyada, xuquuqda shacabka, rabitaanka ama doonista dadweynaha, isfahamka iyo wax kasta oo wanaag horseedi kara



Haddii maamulo kala duwan la kala yeesho macnuhu ma aha in la kala tegey, ee waa in wanaag iyo danta guud mudnaanteed laga shaqeeyey. Waa in laga shaqeeyay horumar iyo mustaqbal wanaagsan. Dadka horumarka iyo wanaagga diiddan ee israac aan sharci ahayn ku adkaysanayaa miyaanay u egaanayn dad doonayna in aan xal la helin, dan kastana la seego? Gabay uu lahaa abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde), AHU, waxaa ka mid ahaa:



Dhabbada aan soo jilay haddii, laga dhabayn waayo
Dhutis xaalku kama baaqsadee, dhuuxa hadalkayga

 



The Author:
Axmed Iid Aadan.
Authors Location: none
Authors Email: ahmediid@hotmail.com

Abdi Abdulkadir Sheik-Abdi / Paperback / Published 1993
Our Price: $11.95 (Special Order)
Read more about this title...


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Axmed Iid Aadan. The views published here are solely those of its authors Axmed Iid Aadan. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.