Dec 08 2007 - Magantu waxa ay ka mid tahay dhaqankeena guunka ah, waxyaabaha weliiidaba lagu Xusliyo ama Taakiyo, Dadnimada qofka ama qoyska ama qabiilka, hadase aan idhaahdo Qaranka, ee ka dhiga Gob ama Gun, Maganta cida bixin wayda lalama xididi jirin, waxay ahayd Shaabad mar dhacda oo aan khadkeedu gu' in.
Malaha Somaliland waaba ay ilowdaye dadkeeda inta badani waxay dacalada aduunyada ku joogaan, waa magan galyo, anigayganaaba ka mid ah, waxa kale oo haboon in la is xasuusiyo, in dadka gudaha jooga badankoodu uu soo maray qaxooti-nimo, oo ay garanayaan magan galyadu waxay gasho iyo waxay gudaba, Dadka reer Somaliland oo caan ku ah, bixinta Maganta, soorista Martida, u miciinista Dhibanaha, waxa laga filaa waa sidii lagu yaqaanay uune nooma qudhqudhsamayso, nagana dagi mayso, waxaan kufkeena xariirta ah ahayni, Dawladeenana ka yeeli mayno inay dad inagu soo qaxay erido, hadii aanay jirin wax cad oo danbi ah oo lagu hayaa. , Hadiise wax kastaaba dhici karee, dawladu iyadaa u xil saarin qarankeena ilaalintiisa e ay hayso cadaymo ka dhan ah maganta, oo sugan, waa inay gudataa xilkeeda, laguma ceebsan maayo, hadii kale-se waxan leeyahay I-iinyo oo diiday inan kugu raacno talabada gun-nimada leh ee aad qaadayso, oon uga jeedo wax kastoo dhacaba, Magani way ku bixi rugteena(somaliland), Martina way ku soormi, yaan la saarine ha la bixiyo maganta.
Martidana midh baan leeyahay.
Maahmaahba jirta reer Xamar ah ood wada garanaysaan, sida aan hubo, waa '' marti hadaad tahay minan eeg-eege lama noqdo'' taasaa ay ku dhan tahay fariinta aan u soo gudbin lahaa Wariyayaasha jooga Somaliland, waxan ku sii adkayn lahaa oo kali ah, wariye iyo wax sheeg loo kala taag waaye,ama la iskugu daw-galaye, Maahmaahdaa si fiican u Ruuga !!!!!!
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahCali Cumar Xasan.. The views published here are solely those of its authors Cali Cumar Xasan.. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here