Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland
Fly Daalo Airlines Today | Fast Money Transfer at DahabShiil

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Muuqaalka dhabta ee Xisbiga Kulmiye Qaybtii 7aad

Posted to the web Dec 08 2007, 07 42 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Dec 08 2007 - Erayada Kulmiye ku Ololeeyo:- Akhristoow maqaalkani waa mid ka mid qoraaladii taxana ahaa ee la magac baxay Muuqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye,qaybtan 7aadna waxaynu ku eegaynaa bal sida Kulmiye u Ololeeyo iyo eraya uu uu isticmaalo marka uu Xisbiga Kulmiye Oleleynayo,waxaana ugu muhiimsan erayadan:-
 
1, SNM:- SNM waa urur sharaf iyo karaamo ku leh dalka Somaliland,waa urur ay ka wada tirsanaayeen dhamaan shacabka reer Somaliland mid gudaha joogay iyo mid dibad joogayba,waa ururkii hogaaminayey dagaaladii lagula jiray keli taliyihii Siyaad Barre aakhirkiina ku guuleystay in uu dhidibada u taago xoriyada Somaliland maanta hadhsaneysa,waa ururkii ay ka soo bilaabatay Dimuqraatiyada Somaliland,waa ururkii ku guuleystay hogaamintii ugu horeysay ee Somaliland,si sharaf lehna ku wareejiyey shirkii Boorama.

Hadda waxaa wax lala yaaba ah in koox ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay SNM u isticmaalaan urur amase magac ay ku galaan Ololaha Doorashooyinka,marka ay Doorashooyin soo dhowyihiina ay qoorta iyo laanta soo sudhaan waxaanu nahay Mujaahidiintii SNM,una tusaan shacabka reer Somaliland in iyaguun ay SNM ahaayeen.

Saaxibadaas waxaan odhan lahaa Mujaahidiintii SNM waxay ku jiraan amase ka tirsan yihiin UDUB-UCID- Kulmiye,mana qabo in koox gaar u sheegan kartaa jirto,waana loo soo wada dagaalamay,loona soo wada dhintay.

2. QABYAALAD:- Qabyaaladu waa wax aad u xun,waxaadse moodaa in Xisbiga Kulmiye Qabyaalada ku ololeeyo,taas oo Kulmiye u haysto in uu ku gaadhi karo guulo Siyaasadeed,waxaa taas u markhaati cad u ah todobaadkan oo Kulmiye sheegtay in ay ku soo biirtay Beesha Garxajis oo aan cidi ka maqneyn,had iyo goorna waxaa qalabka warbaahinta ku soo baxa erayo ay ka mid yihiin "Beesha reer hebel iyo Kulmiye oo ku shiray Galbeedka Burco,Galbeedka Hargeysa" iwm.
Si kasta wax ha u jireene,waxaad moodaa in aan Xisbiga Kulmiye fahmin dhibaatada ay Qabyaaladu leedahayba, waxaadna moodaa in ay u qaateen in ay ugu badinayso dhinaca Qabyaalada,waxaanse filayaa in shirkii 2 Dec 2007 ka dhacay Monsoor ee Xisbiga Kulmiye,uu la mid yahay shir ka dhacay Ming Sing 2003 kaas oo cinwaankiisu ahaa "HADDAA SHAKIGII IGA BAXAY"

3.AFLEGAADADA QARANKA SOMALILAND:-Haddii ay qoraal tahay iyo haddii ay hadal tahayba Ololaha Xisbiga Kulmiye waxaa ka buuxa aflegaado ku aadan Dowlada Somaliland iyo shacabkeedaba taasna ma filayo in ay tahay mid Kulmiye u soo hoyneysa guul.

4.SHIR BEELEED:-Xisbiga Kulmiye wuxuu had jeer ku Ololeeyaa sidii uu dalku dib ugu noqon lahaa Shir Beeleedyo,waxaana taas u markhaati ah shir kasta oo Kulmiye yeesho waxaa lagu qaybsadaa oo lagu fadhiistaa habka Beelaha,markhaatina waxaa u ah kan hada qabashadiisa Kulmiye la baaxaa degayo.

5.DALKII BADH BAA MAQAN:- Earaygani wuxuu ka mid ahaan jiray erayada reer Kulmiye aad iyo aad ugu Ololeyn jireen,balse xiligan meesha ka baxay,lascaanoodna maanta waa Somaliland.



Waxay aniga ila tahay in Guddiga Doorashooyinka,Hayadaha Garsoorka iyo Golayaashuba ay waajib tahay in ay sharci ka soo saaraan erayada khaldan ee loo isticmaalayo Ololaha Doorashooyinka iyo danaha Siyaasadeed ee gaarka ah sida Qabyaalada qaawan iyo ururada dadku wada leeyahay.

Hadal iyo dhamaan haddii aan deg deg wax looga qaban Qabyaalada iyo habka Beelaha ee qaawan ee Xisbiga Kulmiye ku Ololeynayo, dharaar baa imandoonta uu dalku dib ugu noqdo 1993,Dimuqraatiyada lagu caano iyo nabadba maalayna ay burburi doonto.

Mahadsanidin.




 



The Author:
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, UK
Authors Email: abdi_saleiman@hotmail.com

African Wildlife Safaris : Kenya Uganda Tanzania Ethiopia Somalia Malawi Zambia Rwanda Burundi (Spectrum Guides)
Camerapix / Published 1989
Read more about this title...


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.