Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Kormeerkii Madaxweynaha iyo siyaabihii loo tarjumay !!

Posted to the web Nov 28 2007, 07 16 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Nov 28 2007 - Gelinkii hore ee 26 Nov ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Dahir Riyaalle Kaahin wuxuu kormeer aan hore loo sii shaacin ku tegay xarumaha 7 Wasaaradood oo ka mid Wasaaradaha dalku leeyahay.
 
Safarkani ma ahayn mid hore loo sii ogaa,mana ahayn mid sida caadiga ah la filanayey,mana ahayn mid lahaa calaamadihii lagu yaqaanay Madaxweynahu marka uu dibada uga baxayo Madaxtooyada ee ay ka mid ahayd ciidaamo iyo gaadiid fara badan.


Haddaba kormeerkii Madaxweynuhu ku soo maray Wasaaradaha dalka qaar ka mid ayaa dadweynaha reer Somaliland ee ku nool gudaha dalka iyo dibadahaba waxay ka bixiyeen fasiraado amase aragtiyo kala duwan,iyadoo aad moodo in koox waliba sida ay jeceshahay u fasiranaysa,fasiraadihii la soo ururiyeyna waxaa ka mid ahaa kuwan:-



Dadka qaar waxay ku fasireen Madaxweyne gudanaya howshii dadka iyo dalku u igmadeen,taas oo ah in uu hubiyo amase u kuurgalo shaqada ka socota Wasaaradaha.


Dadka qaarna waxay ku fasireen in Madaxweynuhu uu rabay in uu xaqiijiyo rag la sheegay in ay howshii ay ummadda u hayeen ku bedelay habeen Qayil iyo soo jeedis,marka Cadceedu soo baxda Barkinta dheeraysta,dhowaanna laga xayuubinayo xilka ay Ummadda u yahaan(Golaha Wasiirada oo laysku shaandheynayo).

Dadka qaarna waxay ku fasireen in uu Madaxweynuhu ka baxsaday koox odayaal ah oo 24 saacood hortaagan ,kuwaas oo inta badan aan kala hadal wax dhaafsan dahana u gaar ah iyaga iyo Qabiilka ay ka soo jeedaan.



Dadka qaarna waxay ku fasireen in la bilaabay ololihii Doorashooyinka,kormeerkanina ka mid yahay amase uu hordhac u yahay GULUF ololaha doorashooyinka oo dhowaan la bilaaban doona.




Si kasta oo ay wax u jiraanba, kormeerkii Madaxweynaha ee uu dhowaan ku soo maray qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowlada wuxuu ahaa mid lagu diirsaday dibad iyo gudahaba,in la sii wadaana way haboon tahay.

Mahadsanidin

 



The Author:
Abdi.M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, UK
Authors Email: abdi_saleiman@hotmail.com

African Wildlife Safaris : Kenya Uganda Tanzania Ethiopia Somalia Malawi Zambia Rwanda Burundi (Spectrum Guides)
Camerapix / Published 1989
Read more about this title...


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi.M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi.M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.