Nov 26 2007 - Fallada uu qoray walaalkay Cumar Cabdi Nuur Nuux oo ah Faallo -Hubsiino Hal baa La siistaa-!!!sida aan fahmay wuxuu u jawaabey bishii Agos Maxamad cabdi xassan Dirirdhaba oo wax ka qoray hadafka somaliland iyo Hananka somaliweyn.
Sida cumar cabdi yidhi cilmigu waa baadida caqlilawga isagoo ula jeeda Maxamad Cabdi,waxa aan filayaa inaad cumaraw adiguna aad arrintaas uga baahantahay cilmi iyo aqoon inaad ka korodhsato arrintaas.
Marka u horraysa magaca somaliland amaba somalia waxay kala ahaayeen somali waqooyi iyo somali koonfur waqtigii isticmarka ingriiska iyo kii Talyaniga.Somaliland ama British somaliland protectorate waxay ahayd dalka waqooyiga oo ingriisku ilaalinjirey,mana ay ahayn gumeysi dhulfadhi ah oo xididada qotonsaday.Koonfurna waxa Talyanigu ka dhigay koloni ilaa iyo 1954kii oo qaruumaha midoobey marlabaad talyaniga u dhiibtay inuu gaadhsiiyo Dawladnnimo.Waxa maanta laga helayaa magacyadaas Mut-xaf-yada dalka talyaniga iyo ingriisska iyo weliba mutxafka somaliyeed ee Muqdishu.Marka maaha arrintaasi mid laysku hawlo.
-Ta kale ee aad ka hadashay ee ah inaad is diidsiinayso ilbaxnnimada iyo maamulyaqaannimada dadka reer waqooyiga,waxaan filayaa inaad garawshiiyo aad ka keeni doonto marka aad aragto arrimaha soo socda: 1.Halgankii dalkasomalia/amaba koonfur, xisbigii syl ee ahaa xisbigii la dagaalamay gumaysiga talyaniga foosha xumaa ,ummadda waqooyigu way is barbartaageen walaalohood af iyo adinba.xisbiga syl magaalo kasta oo somaliland wuu ka furnaa,dhegna u may jalaqsiin isticmaarka ingriiska oo dalka ilaalinjirey.Ma ogtahay in xisbiga syl ay la joogeen laba qore oo u dhashay dalka somaliland oo si cilminnima ah u fulin jirey ashkatooyinka loodirayo qaramada midoobey.Mar marna waxa ay si qarsoodi ah u dhoofi jireen Jineeva oo ka ceebeyn jireen talyaaniga oo si fool xun u xasuuqi jirey ummadda somaliyeed.Ma ogtahay inay labadaas nin oo la kala odhan jirey mudane Mikal Mariano,mudane Axmad Adan (MAW-maw) ay halgan kaas uga kala yimaadeen magaalooyinka Nairobi iyo Caden si ay ula shaqeeyaan walaalohood.
Munaasabado fara badan ayaa waxa ka sheegey mujaahidiintaas hugaamiyayaashii xisbiga syl oo kala ahaa mudane cabdillaahi ciise iyo mudane Yaasin Xassan .Ilaahay kulligoodba jannadiisa ha ka waraabiyo.
2.Ilbaxnnimada kale waxa u dalliil ah 1988-1989kii,waxa ingriisku ku soo duulay dulka somaliland inuu gumeysto,waxase ingriiska u suurtawdey inuu ilaaliyo reer waqooyiga umana suurtoobin inuu gumeysto sida uu ka sameeyey cadan iyo NFD ama talyanigu ka dhigay somalia-koonfur.Waxa taariikhdu xusaysaa in ingriisku awood u waayey inuu dalka somaliland soo geli kariwaayey ilaa uu xeerbegtida uu la galay heshiis ka koobnaa qodobo dhawr ah oo lagaga saxeexay badda guudkeeda.Qodobadaas waxa ka mid ahaa sida soo socota:
1.IN dumarkoodu ku dhali karin dalka somaliland,waxa loo dhoofin jirey ingland iyo caden si ay ugu soo dhalaan.waxa ay muujinaysaa in hadii uu dalka ku dhalo waa kula yeeshay ciida iyo dadkaba. 2.IN aanu marnaba dalkayagu noqon koloni oo aan ingriisku isku ilaawin dalka somaliland.
3.IN dalka somaliland heli karo xornnimadiisa mar allaale iyo markay doonan.Odayaasha heeshiiska qoray ma ay lahayn cilmi gaalaad,balse waxay ahaayeen guurti aqoon deer garato ah oo lagu yiqiin dadnnimo weyn.Jaalle Cumaraw waxa kaloo la yaab leh in heshiis kaas lagu qoray saan lo'ad oo lagu qariyey somaliland/waqooyi galbeed oo laga soo saaray markii ay dooneen in ay xoroobaan 26juun,oo ay raacaan walaalohood somalia(1960 bishii 1stjuly).Miyaanay ilbaxnnimo dheeraad ah ahayn halganka ay somaliland la gashay walaalahood ummad ahaan iyo fardiba,miyaanay ilbaxnnimo ahayn waxa ingriiska lagu sameeyey oo ah in la diido koloni,in laga qorto heshiis ah ilaalin kali ah.Miyaanay ilbaxnnimo ahayn in la soo saaro heshiis kaas 81 yrs dabadeed oo intaas lagu hayey beer oo lagu qarinayey.Anigoo weli kula cugtamaya ma ogsoon tahay in reer waqooyiga laga helo Abwaanno ka badan 300 oo nin oo badan kooda la tarjumey sugaantoodii.Sugaantu waxay kobcisaa aqoonta ummadeed,waxayna saldhig u tahay cilmiga iyo dhaqanka ummadeed.waxay kordhisaa maskaxda dadka.Ma ogtahay in gobolka togdheer,sool,iyosanaag keligood laga helo in ka badan 250.Inta kalena laga helo gobolada dhexe iyo galbeedka somaliland.Arrinta aad kaga hadashay boqortooyadii Makhzuumiyiinta,waxba ku dheeraan maayo iyadoo ku saabsan xabashida miyo itoobiya,ammaba islaamka iyo masiixiyiinta oo taarikh hore oo ka fog dawladii umawiyiinta dagaalamayey.Meel kastaba aduunka waa lays hayaa xagga caqiidada iyo dalnnimoba.Waxaan odhan karaa in geeska afrika carabtu si fudud uga soo geli jireen,ummadda somaliyeedna seef kuma ay muslimin ee waa ku qanceen islaamka.Markaas boqortooyaddasi arrimo badan iyo duruufo ayey lahayd waxana ay gaadheen ilaa 15 wilaayadood oo uu ugu danbeeyey Sayid Axmad Gurey oo maanta laga heli karo -mutxafka xabashida iyo kuwa somalida iyo ingriiskaba.
Waxa kale aan qodobo ka taa taabanayaa SNM oo aan ujeedo in aad sahashatey halgankoodii.ururkaasi waxa uu ahaa mujaahidiin u dhalatay somaliland oo la dirirtay gacan ku dhiiglihii foosha xumaa ee ceeb u soo jiidey dadkii uu ka dhashay qoys iyo qabiilba.Gacan ku dhiiglahaas SNM ayaa dhulka soo dhigtey ,ummadda somaliyeedna ku bararujisay la dagaalankiisa.Somaliland way ka gilgisheen inay midiidin u noqdaan afweyne.Sida la ogyahayna jihaad koodii way oofiyeen.Ummadda somaliland waxay ugu abaal gudey in ay maandeeq xerada ku soo celiyaan ka dib markii la helay markay fool carartay.Waxa kaloo ilaalinaya mujaahidiintaas intii ka nool iyo somaliland oo dhan.
Tala ahaan waxa aan odhan lahaa inaad cumaraw fikradaada kula biirtaa gobolkii amaba somalia oo maanta u baahan in laga qabto tuugta afweyne tababaray ee u kala qaybshey qabiil iyo qoys waana aqoontii shaydaan kaas ay ka barteen.Kuwa maanta somalia galalefayaa waa bilaa damiir,manalaha geesinnimo ay qawmiyadda u leexdaan oo ay isku kalsoonaadaan intay qabiil iyo shakhsi ku tiirsanayaan.
-Waxa aniga ila haboon in gobolnnimada iyo degmannimada la xoojiyo sidii waa gogolobadani ay ahaan jireen dadkoodu oo ay iska jeclaayeen qofkasta.waxay arrintaasi dabargoyneysaa qabyaldda,wayna ka bilaabantay somaliland.Adiga iyo intii aqoon deer garata ahi ha ku soo dhawaadeen aqoon iyo Talo.Waxaynu jilaynaa abwaanadii abuuray siinleydaiyo deeleyda,ee sir iyo caadba wax ugu sheegey maamulkii foosha xumaa iyo shacbiga somalida.Waxaan ku khatimayaa gabaygii amiirka abwaannada mudane MaxamedI.warsameh(Hadrawi/.Wuxuu yidhi-Gobannimadu waa libin ku taxan geedi nololeede,waa gumaro aadmigu hantiyo guusha ugu weyne/gudoonkeedu waa faral si loo gafaa jirine.somaliland taas ayaa dustoor u ah.somaliana waxa aan ilaahay u baryayaa in ay xornimadoda,nabadgelyadooda ilaahay garansiiyo.Allah ha ka qabto tuugta ummadda kala dilaashay.Alla ha garan siiyo dhabada somaliland marayso
Tom J. Farer
/ Hardcover / Published 1979
Our Price: $10.00 + $0.85 special surcharge
(Special Order)
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahMaxamad caalim xassan (kite fiqi) . The views published here are solely those of its authors Maxamad caalim xassan (kite fiqi) . and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here