Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland
Fly Daalo Airlines Today | Fast Money Transfer at DahabShiil

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Gogoldhigga "Saldhigga Aasaaska Xisaabta: Afka iyo ereybixinta"

Posted to the web Nov 23 2007, 07 52 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Nov 23 2007 - (maqaalkani wuxuu hore ugu soo baxay Hal-Aqoon, Xidhmada IVaad iyo Vaad 2004-2005 ee sannadkii 2006)
 
Soo koobid

Qoraalkani wuxuu gogldhig u yahay lammaane buugaag ah oo la yidhaahdo "Saldhigga Aasaaska Xisaabta", oo qaybtiisa hore ka hadlayso "Afka xisaabta iyo ereybixinta" ( http://www.redsea-online.com/xisaab).

Hordhac

Saamaynta dhaqanka iyo af degelku ay ku yeelan karaan barashada xisaabta iyo guud ahaan cilmiga ayaa ah arrin aad u taabbud ah oo in badan laga faallooday. Waxaa qaddarin mudan in laga fiirsado, gaar ahaan, abuurka erayo cusub iyo adeegsigooda, iyadoo la is waydiinayo dulucda ay xambaarsan yihiin ereyadaasi iyo sida loo fasiran karo luuqadda caadiga ah ee suuqa lagaga hadlo. Hubaal waxa ah in wax ku dhigista iyo wax ku barashada afka hooyo uu ka wanaagsan yahay kan qalaad. Iyadoo taasi jirto ayaa haddana marka af ku jiro xaalad bilow ah, sida ``eray-cilmiyeedka Afsoomaaliga", ay tahay in laga digtoonaado doorashada eray-cilmiyeedyo cusub iyo dhisidda weedho yeelan kara macno hufan oo aan keenin ismaandhaaf.

Afka horumarkiisu waxa uu had iyo jeer ku salaysan yahay heerka nolosha iyo dhaqanka dadka ku hadla afkaas, islamarkaana heerka iyo nooca dhaqan-dhaqaale ee bulshadaasi ay u nooshahay ayaa seesa eraybixinta iyo abwaanka afkooda. Tusaale ahaan afka soomaaligu waa mid ku hodan ah marka loo eego noloshii dadyowga Geeska Afrika degganaa oo ku ekayd heer xoolo-dhaqato iyo beeralay ilaa qarnigii tegay horraantiisii. Qaninnimadaasi waxay fure u noqon kartaa horumarinta afka laftiisa haddii si xeelad leh loo qabadsiiyo u adeegsiga cilmiga iyo tiknoolajiyadda cusub [Jama Musse, 1999].

Af Soomaaligu waxa uu ka soo jeedaa suugaan aad u xeel dheer iyo aftahannimo ay leeyihiin gabayaaga soomaalidu. Taasina waxay ka badbaadisay in uu dabargo'o sida afaf kale oo badan oo ka suuley dunida. Dhinaca kale dhaqanka reer-guuraanimadu waxa uu aad u adkeeyey raadraaca iyo helitaanka xaqiiqooyin ku saabsan taariikhda dhabta ah ee dadka ku nool Geeska Afrika. Gaar ahaan Soomaalidu waxa ay ahayd ummad aan lahayn degaan rasmi ah, sidaa darteed way adag tahay sida loo helo hanti raagta oo ay ka tageen dadkii hore (sida qalab farsamo, maacuun, farshaxan, iwm.); hantidaasi oo wax wayn ka tari lahayd in dib loo dhiso, waxna laga ogaado, hab nololeedkii iyo dhaqameedkii hore ee reer-guuraagii ku noolaa bariga iyo Geeska Afrika.

Af Soomaaliga, sida dhammaan hiddaha iyo dhaqanka dadka ku hadlaa ay ku dhisnaayeen, waxa la isugu soo gudbinaayay dhihid ama sheegid iyo xasuus uu facba faca ka danbeeya u dhiibaayey. Ma ay jirin qoraallo lagu kaydiyo suugaanta iyo aqoonta ay dhaqanka u lahaayeen soomaalidu, mana ay jirin far u gaar ah afka soomaaliga oo qorani. Taasi waxa ay sababtay in ay xikmad iyo cilmi-dhaqameedka ummadda soomaalidu - tusaale ahaan xiddigiska, saadaasha hawada iyo daawaynta dadka iyo xoolaha - uu in badan lumay oo aanu lahayn tixraac iyo kaydin toona.

Waxaa xusid mudan sida uu Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal uga cudurdaartey dhibka lagala kulmi karo raadinta iyo ururinta waxa uu ku magacaabay ``Sayniska Reer Miyiga" (Bush Science) [Galaal, 1970]. Muuse waxa uu isku taxalujiyey in uu u kuur galo habka xiddigiska ee dhaqan-soomaaliga, waxaana uu isku dayay in uu si cilmi casri ah ugu sharxo fikradaha aasaaska u ah aqoonta dhaqameed ee reer guuraaga Soomaalida. Isagoo ka hadlaaya dhibaatooyinka u gaarka ah cilmibaadhista noocan oo kale ah, wuxuu yidhi:

``Iskudaygii in aan dejiyo waxaan ka bartay aqoonta soomaalida ee saadaalinta cimilada, waxaan ku ogaaday dhibaatooyinka badan ee ay ka midka yihiin kakanaanta iyo madinimada hawshan. Waxaase kasii daran sida dhaqan iyo caado aan qornayn, oo facba uu faca xiga ugu dhiibaayey bulsho reer-guuraa ah, oo kooxiba kaga duwan tahay kooxda kale sida ay isugu gudbinayaan wax, uu runtii uga dhigo karo wax adag in si hufan loo baadho oo loo dejiyo qoraal ahaan."

Muuse isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu leeyahay in dhibaatada ugu wayn lagala kulmayo marka ``Sayniska reer Miyiga" ee aan qorrayn la doonayo in loo bandhigo si cilmiyaysan [Galaal, 1970].

Af Soomaaliga qoran

Inkasta oo ay jireen habab qoraal ee farsoomaaliga lagasoo bilaabo qarnigii tegey horraantiisii, haddana hababkaasi waxa ay ahaayeen kuwo ay shaqsiyaad gaar ah ama kooxo koobani adeegsan jireen [Jama Musse, 2007]. Afka Soomaaliga waxaa markii u horreysay loo dhaqan galiyey in wax lagu barto horraantii toddobaatameeyadii, kadib markii la isku raacay in wax lagu qoro afka soomaaliga, iyada oo la adeegsanayo xarfaha laatiinka. Sidaa darteed waxaa la odhan karaa cilmiga soomaaliga ah ee qoran waxa uu xooggiisu bilaabmay soddomeeyo sannadood ka hor.

Guddi isugu jira aqoonyahanno cilmiyada sayniska iyo afafka, ayaa loo xilsaaray inay dejiyaan eraybixin mideysan oo loo adeegsado laamaha waxbarasho ee kala duwan. Shaki kuma jiro qiimaha dhaxalgalka ah ee hawshii ay qabteen guddigii eraybixintu sannadihii 1970-75, gaar ahaan xagga xisaabta. Waxa ay muddo yar ku dhiseen sal muhiim ah, iyaga oo ku guulaystey in ay af-soomaaliyeeyaan waxbarashada dugsiyada hoose-dhexe, islamarkaana diyaariyaan buugaagta waxbarasho iyo barekaaliyeyaalba. Sannad kadibna waxa ay qoreen buugaagta dugsiyada sare oo waafaqsan manhaj cusub oo loo dajiyey heerka waxbarasho ee dalka [MING, 1975].


Qoraalka Xisaabta iyo Sayniska

Afka cilmigu wuxuu u baahan yahay erayo iyo hadal u gaar ah, waayo ugu horrayn muhiimaddiisu waa inuu soo bandhigo fikrado aan ku qeexnayn luuqadda suuqa laga hadlo, amase fikrado leh macno hoose oo ka duwan kan loo fahmo sida caadiga ah, kuna saabsan xaalladda markaas laga hadlayo. Laamaha cilmigu, gaar ahaan xisaabtu, waxa ay u baahan yihiin in erey kastaa uu yeesho manco hufan, qeexan oo aan maldahnayn. Waxa kale oo xisaabtu u baahan tahay erayo iyo weedho gaar ah oo lagu waadixiyo fikrado dahsoon (abstract notions), kuwaas oo khaas ahaan ka hadlaaya aragtiyo dahsoon (abstract concepts): tusaale ahaan 'bar' (point), xariiq (line), bed (area), laxaad (dimension), iwm.

Haddaba yoolka ah dejinta erayadaas iyo weedhahaas hufan, waxaa lagu gaadhi karaa saddex siyood:

* iyada oo la adeegsado erayo ka mid ah luuqadda caadiga ah, balse macnohooda si cilmiyeysan loo qeexo, qeexdaas oo madi ah;
* iyada oo la abuuro erayo cusub oo aan hore u jirin oo lagu magacaabo fikradaha xisaabeed ee laga hadlayo iyo
* in laga soo ammaanaysto erayo luuqadaha kale.


Sida lagu falanqeeyay [Jama Musse, 2007], Guddigii Afsoomaaligu saddexda siyoodba way adeegsadeen. Sikastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in waqti aad u dheer loo baahan yahay si uu u dhismo af aqooneed hufani.

Manhajna si uu u noqdo mid taabbagala, waxa uu u baahan yahay in hore laga ogaado luuqadda uu ku salaysan yahay; waa in ka hor inta aan la dhaqan galin manhajka cusub, la diyaariyo qalab (sida buug, qaamuus cilmiyeedyo, barekalkaaliyeyaal, iwm) iyo xirfadleyaal (sida bareyaal, maamul, iwm) wax ku bari kara luuqaddaas. Maamul kasta oo tacliimeed, haddii aanu lahayn siyaasad xooggan oo xilli dheer ku salaysan ee xagga luuqadda wax lagu baranayo, waxa uu u halis yahay dhibaatooyin badan oo is hortaagaya koritaanka tayada waxbarashadiisa. Waxa uu luminayaa xoog iyo waqti badan si uu u diyaariyo qalab waxbarasho, isla markaana u siiyo kanshe afeed oo ay ardeydu kusii wadan karaan waxbarashadooda.

Yaraanta waqtiga ay guddiga af Soomaaligu ku dejisay ``eraybixinta cilmiga", iyo la'aanshaha waayaragnimo iyo waliba maqnaashaha cilmibaadhis ku habboon howshan ayaa abuuray goldaloolooyin badan oo qiime ridey in wax lagu barto af Soomaaliga. Taas oo lagu darey tayo xumida sannadihii danbe ku dhacdey hor-u-socodka mandaqadda Soomaalidu degto oo dhan, gaar ahaan xagga waxbarashada, waxay niyad jab ku riddey abaabulayaashii qorista iyo horumarinta afsoomaaliga, waxayna sababtey in aanay hawshaasi helin dayacir ku habboon.

Haddaba, maaddaama ay luuqadda wax lagu baranayaa aad u saamaynayso ardeyda fahankooda, salna u tahay dhuuxidda fikradaha xisaabeed ee ay xanbaarsan tahay weedhkastaa, waxaa cad in dib loo eego eraybixinta af soomaaliga, lana dhiiri galiyo qoraal badan oo soomaali ah. Taasi waxay fududaynaysaa in af-cilmiyeedka da'da yar ee afsoomaaligu u helo fursad uu ku dhex galo luuqadda caadiga ah, kana madax bannaanaado in uu ku koobnaado dugsiyada iyo goobaha waxbarashada oo kaliya.

Dejinta muqarrar iyo qorista buugaagta xisaabta

Buugaagta Xisaabta ee afka soomaaliga ku qorani waxay la jaanqaadeen bilowgii af Soomaaliyaynta dugsiyada hoose iyo dhexe. Xafiiska manaahijta ee wasaaradda waxbarashadu, isagoo la kaashanaya bareyaal sare ee kulliyadda waxbarashada ee Lafoole, waxa uu u xilsaarey Maxamed Cilmi soo saaridda buug ku habboon manhaj cusub oo mideysan oo loo dejiyey dugsiyada sare. Afartii buug ee u horreeyey ee xisaabta dugsiyada sare waxa isku soo dubbaridey ardaydii ka qalinjabin lahayd waaxda xisaabta ee Lafoole sannad-dugsiyeedkii 1973kii [WWB, 1985].

Sida ku xusan Crockcroff Report [HMSO, 1982], ``Xisaabtu waxay ina siisaa hab isgaadhsiineed, kaasoo ah mid awood badan, qeexan oo hal macne loo qaadan karo''. Buugta xisaabta oo aad u muhiim ah marka loo eego habka gudbinta fikradaha xisaabeed, sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay in lagu qoro `af degel gaar ah' oo sugan, kooban, kuna qoran hadal cad oo la garan karo. Waa in laga digtoonaado in la adeegsado hadallo maldahan oo sharax suugaaneed u baahan.

Buugaagtu, guud ahaan, waxay ardeyga u yihiin wehel lama huraan ah, waxayna u dhisaan dariiqa isku xidha nolosha dugsiga iyo tan guriga. Midda kale buugaagtu waxay yihiin qalab war-isgaadhsiin ee macallinka iyo maamulka waxbarasho, macallinka iyo ardeyga.

Barashada xisaabtu, sida laan kasta oo cilmiga ka mid ah, waxa ay isla beddelaysaa waqtiga. Waxa aan shaki ku jirin in xilligan ay kumbiyuuteradu hoggaanka u qabteen horumarka adduunka, aan xisaabta loo dhigi karin sidii afartameeyo sano ka hor loo dhigi jirey. Waxaa dunida iska beddelay macnaha ``aqoonta'' ee bulshada dhexdeeda, waxana mar walba sii qiima dhacaya xirfadihii ku salaysnaa xasuusta iyo kor ka qabashada, iyadoo la tixgalinayo xirfadaha ku salaysan garaadayn, awoodda faaqidaad iyo furfurista layli kasta oo cusub. Buugta iyo muqarrarka cusubi, sidaa darteed, waa in ay ku xisaabtamaan arrintaas oo isla beddelaan baahida dhabta ah ee ``aqoon raadiska'' ardeyga.

Dib u qiimayn iyo garaadayn hor leh ayaa loo baahan yahay si loo dejiyo muqarrar cusub oo xisaabeed, isla markaana loo qoro buugaag cusub ku salaysan muqarrakaas. Si aqoonta ardeyga ee xisaabeed ay u noqoto mid ka anfacda nolosha casriga ah ee maanta, waxaa jira ugu yaraan dhowr waaxood ee xisaabta oo ah lama huraan marka la dejinayo muqarrar dugsiyada sare, kuwaas oo kala ah itimaalka, isbedbedelka joomateri, loojig iyo cilmiga kombiyuuterka [Jama Musse, 2007].

Taas macnaheedu ma aha in laga tanaasulo habkii, muqarrarkii iyo buugaagtii hore ee xisaabta, balse iyada oo laga shidaal qaadanayo kuwii hore u jirey, waa in la dhiso barmaamijyo, manaahij iyo buugaag cusub ee dhigista xisaabta ee dugsiyada sare.

Dib u qiimayntaasi waa in ay tixgalin wayn siisaa dhaqanka iyo nolosha uu hiddaha u leeyahay ardeyga wax baranayaa. Gaar ahaan dhaqamada ka baxsan reer galbeedku waxay la kulmaan dayac wayn oo ah in la illaawo marka loo dejinayo muqarrar iyo manahaj iskuulada dalalkaas, gaar ahaan, dalalka soo koraya.

Saldhigga Aasaaska Xisaabta: Afka iyo Ereybixinta

"Saldhigga Aasaaska Xisaabta" waa taxane ka kooban laba qaybood oo soo bandhigaya dhalashadii farsoomaalida iyo barashada xisaabta afsoomaaliyaysan. Qaybta hore `Afka iyo Eraybixinta' waa bud-dhigid lagusoo tebinayo taariikhdii ay soo martay dhalashada farsoomaalidu iyo eraybixinta xisaabta afsoomaaligu, waxaana ku jira taxane eraybixinta oo midhmidh u qeexan kuna turjuman afafka ingiriisida iyo talyaaniga. Qaybta labaad waa `Casharro iyo Layliyo' xul ah oo laga soo dheegay manhajka dugsiyada sare. Waa kaaliye lama huraan u ah macallimiinta iyo ardeyda ku hadasha luuqadda afsoomaaliga.

Si loo fahmo fikradaha qaarkood, waxaa tusaale ahaan loo adeegsaday garaafyo iyo jaantusyo fududaynaya mancaha xisaabeed ee ay xambaarsan yihiin erayada qaarkood. Kuma eka oo kaliya erayada macnahooda, balse waxa abwaankan ku sharraxan fikrado aasaasi u ah xisaabta dugsiyada sare, sida: qeexo, aragtiyo iyo aragtiinno muhiim ah iyada oo la adeegsanayo tusaaleyaal.

Buuggani, sidaa darteed, waxa uu u yahay bar-bilow hawl uu dhibkeedu badan yahay, laakiinse dheefteedu meel dhaxal ah ka gali karto kor-u-qaaddida heerka aqooneed ee ardeyda wax ku barata afka soomaaliga. Waxa uu buuggani kaaliye u noqonayaa barayaasha wax ka dhiga dugsiyada hoose-dhexe-sare, kuwaas oo had iyo jeer ay aad ugu adagtahay sidii ay u heli lahaayeen buug tixraac ah oo ay ku kabaan cashar diyaarintooda.

Tixraac:

[1] HMSO, 1982
Mathematics counts - Report of the Committee of Inquiry into the Teaching of Mathematics in Schools under the Chairmanship of Dr. W H Cockcroft
London.

[2] Jama Musse Jama, [wali lama daabicin - 2007]
Saldhigga Aasaaska Xisaabta: Afka iyo ereybixinta
Pisa, Ponte Invisibile Ed.

[3] Jama Musse Jama, 1999
The Role of Ethnomathematics in Mathematics Education: Cases from the Horn of Africa in "ZDM Special Issue - International Congress on Ethnomathematics".
Zentralblatt für Didaktik der Mathematik (International Reviews on Mathematical Education), Vol. 3, 1999.

[4] Ministry of Information and National Guidance, 1975
Somalia Today: Facts and General Information
Mogadishu. Somali Democratic Republic.

[5] Muuse Ismaaciil Galaal, 1970
Stars, Seasons and Weather in Somali Pastoral Traditions
Mogadishu. In house publication.

[6] Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, 1985
Xisaab: Fasalka Kowaad - 1
Mogadishu. Ministry of Education, TEXTBOOKPRESS.

http://www.redsea-online.com
 



The Author:
Jama Musse Jama, .
Authors Location: Pisa, Italy
Authors Email: jmgurey@gmail.com

The State and Rural Transformation in Northern Somalia, 1884-1986 ~ Ships in 2-3 days
 
Abdi Ismail Samatar / Hardcover / Published 1989
Our Price: $40.00


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Jama Musse Jama, . The views published here are solely those of its authors Jama Musse Jama, . and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Click Here For Ads Info
Daallo AirLines
AT AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON (GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO, KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.