Nov 23 2007 - 22 Nov ayaa waxaa Cabdillahi Yusuf Qudbad ka jeediyey magaalada Baydhaba-guriga uu ka degan yahay,qudbadaa ayaa ku beegneyd xaflad loo sameynayey magacaabista Raisalwasaare cusub uu soo magacaabay,kaas oo bedeli doona M.Ali Geedi oo uu hore xilka uga qaaday.
Waxaan dhegaystay qudbadaa,waxaanan is ku deyay in aan bal fahmo,arimaha ugu muhiimsan ee uu doonayo in uu ka hadlo Cabdillahi Yusuuf,waxaan si gaar u eegayey bal waxa ku soo kordhay ,hadalada uu had iyo goor jeediyo Cabdillahi,waxaan aad iyo aad u daneynayey xaalada siyaasadeed ee maanta ku sugan yahay Cabdullahi,waxaan kaloo eegayey halka ay guud ahaan marayeyso xaalada Somaliya,waxayna hayd sidan:-
Guud ahaan lama odhan karo waxay ahayd QUDBAD Madaxweyne ,balse waxay u ekayd SHEEKO uu ka sheeko DAGAAL OOGE,wanaana daliil u ah aflegaada ku jirtay ee ay mid ahayd KII CAASHA DHEERA oo aan filayo in yahay nin u dhashay U.S.A iyo weliba shaqsiyaad kale.
Waxaa ku cad Qudbada Cabdullahi in guud ahaan dhinaca arimaha bulshada ay ka haystaan qolada ka soo horjeeda ee uu u yeedhay Wadaada "wuxuu yidhi Wadaada ayaa haysta Waxbarashada- Diinta -Ganacsiga iyo isgaadhsiinta".
Cabdullahi wuxuu sheegay amase ku dheeraaday dhibatooyinka kala haysta isaga iyo Hayadaha caalamiga ah,wuxuu sal iyo baar u weeraray NGO kala duwan ee ka howl gala Somaliya,wuxuu kaloo iyana weerarar UN,wuxuu hadalkiisa ku soo koobay in Dalka laga xukumo NAIROBI oo aan filaya in uu ula jeedo UN.
Cabdullahi wuxuu ku nuuxnuuxsaday in guud ahaan ka xun yahay sida ay wax u wadaan UN-WFP iyo guud ahaanba UGO -yada kale,taas oo aan filayo in ula jeedo sidii rag ka horeeyeyba ay sheegeen in aan waxba la siinin dadka ka bara kacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda,waxaana filayaa in uu doonayo in GAAJO U LEDAAN,aad iyo aad baanu u guubaabiyey in lala dagaalamo hayadaha caalamiga ah .
Cabdullahi wuxuu kaloo sheegay in uu jiro Musuqmaasuq balaadhan,balse waxaad moodaa in uu isagu iska riixayey in uu wax lug ah ku leeyahay musuq maasuqaas,laakiin dadka u dhuun daloola howlaha ka socda Baydhaba waxay sheegayaan un uu yahay ninka qaatay dhamaan wixii loogu deeqay kooxda IMbaggati.
Cabdullahi wuxuu cadeeyey in uu dhowaan xidh xidhi doono dhamaan XAWAALADAHA ka jira Muqdisho,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Inta Xawaaladi jirto Bank-ku ma shaqeyn karo"
Cabdullahi kama hadal:-
1. Kama hadal dagaalka maalin kasta ka socda Muqdisho iyo hareeraheeda ee boqolaalku shacabka ahi ku naf waayaan. 2. Cabdullahi kama hadal ciidamada Itoobiya iyo mid kale toona. 3.Cabdullahi kama hadal dadka raha badan ee ka BARA KACAY Muqdisho ee roobka ,dhaxanta ,gaajada iyo dhamaan dhibaatada aduun ku haysato agagaarka Muqdisho iyo Gobolada kale. 4. Cabdullahi kama hadal dhamaan dhibaatooyinka nooc kasta ah ee uu guystay reer Muqdisho. 5. Cabdullah kama hadal duminta suuqii BAKAARAHA .
Hadal iyo dhamaan qudbad ku sheegii Cabdullahi waxay ahayd hadaladii uu weligii ku hadli jiray ee kuma jirin wax cusub,marka laga reebo HANJABAADO HORLEH kuna saabsan dhinaca dhaqaalaha sida XAWAALADAHA.
The
Author: Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors
Location: Man, UK
Authors
Email:
abdi_saleiman@hotmail.com
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahAbdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here