Madaxtooyada Oo Wacad Ku Martay In Ay Burburinayso Dallada Shuuro Net.
-
|
|
- Oct 26 2007 - Sidda aynu la wada socono daladda shuuro net waxa ku bahoobay ururo badan oo xuquuqal insaanka ah ee s/land iyaga oo ku bilaabay hawshaa si mutaddawacnimo ah ayaa waxa ay qabteen hawl aad iyo aad u culus waxaanay soo fageen oo banaanka u soo saareen wax yaalo badan oo qarsoonaa oo xadgudubyo fara badan oo kadhacay s/land taasoo ay gaysatay dawladda s/land oo ay kamid ahaayeen kuwii u danbeeyey sida shaqadii loo diiday marwo AAMINA WERIS IYO SIDA siyaasiyiinta xaqdarada ku xidhan ee QARAN.
|
|
|
Hadaba daladan shuuro net oo ay ka hawlgalaan dadbadan oo aqoon yahanna ah oo haweena ay ku jiraan taasoo soo jiidadatey hay,adaha caalamiga ah ee xuquuqal insaanka u dooda isla markaana ay ku garab galeen hawshaa muhiimka ah ee ay qabteen taasoo ay ku suurta gelisay in baaqyadoodu ay gaadhaan caalamka wax kasta oo ka dhaca s/land isla markaana ay cadho gelisay madaxtooyada sii marwada madaxwaynaha oo wacad ku martay in ay ururkaasai bur buriso dhaqaale badana ay ku bixisay sidii ay u burburi lahayd dalada shuuro net islamarkaana dad kashaqeeya ururka ay leedahay marwadu ee NOW ay u gacangeliso taasoo ah tacadiga ay dawladu ku hayso hay,adaha madaxa banaan.
Iyadoo loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan arinkaas in dalada Shuronet loo gacangeliyo shaqsiyaad aan damiirlahayn oo ku xidhan Madaxtooyada oo ay ogadaan wax kasta oo ay qorayaan oo aan la ogalayn in ay madaxtooyada raaligeliso , hadaba iyadoo iminka ay ka hadhay waqtigii hogaanka cusub loo dooranlahaa 2bilood ayaa ay madaxtooyadu u xilsaartay 4wasiir oo hawshaa ka hawlgala sidaa meel aan cidina u ogeyn ayey ku doorteen hogaan cusub oo aan sharci ahayn ,,
iyadoo dalka laga eryey ergooyinkii tageeri jirey daladaas oo intii ay jirtay wax ka qabatay hawlaha xadgudubyada ay dowladu ku samayso dadkeeda muwaadiniinta ah hadaba waxaa ay doonaysaa madaxooyadu in si toosa ay u maamusho hawshaa gabadha Hoodo la yidhaahdo oo ah gabadh ka socota madaxtooyada uuna yahay wayib nin isagu magac ahaan noqanaya runtiina waa arimaha ay madaxtooyadu doonayso inay dalka ku geliso arin qofulan oo aan la ogaan ama aan laga hadlin xadgudubyada ay dowladu maalin kasta ku samayso muwaadiniinteeda.
iyadoo dowladu samaysatay haayad xuquuqal insaan ku sheeg oo ay waxba ku qaban kari weyday iyadoo wax dhaqaale ku weyday taas oo iyadana ay isla soo qadeen madaxtooyadu dhaqaalaha haayadaha calaamigu u talo galeen in la siiyo shuronet ay hunguri weyn kaga jiro aan iyada la wareegno, una dhiibano dad inaga inoo shaqeeya sida ay qaar kale aynu ku guulaysanay.
hadaba waxa waajiba in aan ka hawl galno in aanay hirgelin burburinta ay wadaan madaxtooyada oo maamulkaa ay u sameysteen shuronet aanu hirgelin oo cid kasta loo sheegaa , in ay tahay shirqool ay sameynayaan madaxtooyadu maamulku sheega ay sameyeena uu yahay mid aan madaxbananayn ee ay madaxtooyadu samaystay. cid kasta oo muwadiinina ama madax ahna ay ka hadlaan sida Gudoomiyaha xisbiga ucid feysal cali waraabe u sheegay in ay ka deyso faragelinta dowlada dalada madaxbanaan ee shuronet oo aan ahayn wax qarsoon.
waxaa guulaysanaya xaqa ,cid kasta sameysa xaqdaro ama tageertaa way guuldareystaa ,,, Dulmiga ma shaqeeyo,,,, kuwa dulmiga tageeraana way ka qoomameeyaan oo ma sii joogaan. ALLAA MAHADLEH Qalinkii , Saleebaan cali Salaad, Hilversum , The Netherlads.
|
The
Author: Saleebaan cali Salaad.
Authors
Location: Hilversum , The Netherlads.
Authors
Email:
qalinle2001@hotmail.com
Teenage Refugees from Somalia Speak Out...
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Saleebaan cali Salaad. The views published here are solely those of its authors Saleebaan cali Salaad. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
|
 |
|
Daallo
AirLines
|
|
AT
AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON
(GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO,
KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!
|
|
|
|
|