Hambalyo ciidanka Somaliland
-
|
|
- Oct 16 2007 - Anaga oo ku hadlayna magaca ururka iyo kan bulsho badan oo ku dhaqan qurbaha gaar ahaan wadanka Ingiriiska waxaanu hambalyo halkan uga diraynaa ciidamada qaranka Somaliland oonu ugu hambalyaynayno waajibka ay guteen oo ah difaacidda dalkooda iyo dadkooda iyo guusha ay ka soo hooyeen gobolka sool ee Somaliland.waxaa kale oo aanu hambalyo halkan uga soo gudbinaynaa ummadda reer somaliland ee u dhalatay degaankaa oo iska fahmay dhalaan habaabintii maamulka Puntland horsiday .
|
|
|
Ma qiyaasi karo Farxadda iyo shucuubta ummadda Somaliland ee ku nool qurbaha wajigooda ka muuqata maanta, waxa kaliya oo ay ku faraxsan yihiin in ciidamada qaranka Somaliland soo afjaraan mushkiladii gobolkaa uu ka aloosaysay maamulka Puntland . Waxaana hubaala in caalamku si fiican uga dharagsan yahay Somaliland in ayna ahayn dal dhibaato iyo dagaaltoona ku degdegta , waxaa Jirta maahmaah Somaliya oo odhanaysa nin daad qaaday xumbo cusgay , adduunyada sida ay u dhan tahay AU EU USA iyo caalamka intiisa kaleba waxay ka warqabaan in ayna Somaliland ahayn meel Alqacida Maxkamado iyo wixii la mida toona aan xidhiidh la lahayn , arintaasina waxay noqotay mid si fiican dadka qaarkii ay ugu shaqaystaan, taana waxaa faalo fiican ka bixey dhawaan Masuuliyiin Maraykana oo ku tilmaamay waxaan raad lahayn.
Waxaana Bulshada reer Somaliland ee u dhalatay degaankaa xasuusinaynaa in aanay noqon kuwo lagu shaqaysto ee ay yihiin muwaadiniintii dhaliyey qaranka Somaliland 1884 iyo 1991 . Gabo Gabadii waxaanu la murugaysanahay dhammaan eheladii dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalkaa .
|
The
Author: Axmed Ibrahim Kadleye,Hambalyo ciidanka Somaliland .
Authors
Location: UK
Authors
Email:
somaovers@yahoo.co.uk
- Somalia
in Word and
Image
~ Ships
in 2-3 days
-
- Katheryne
Loughran (Editor), et al / Paperback / Published
1986
Our Price: $27.50
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Axmed Ibrahim Kadleye,Hambalyo ciidanka Somaliland . The views published here are solely those of its authors Axmed Ibrahim Kadleye,Hambalyo ciidanka Somaliland . and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
|
 |
|
Daallo
AirLines
|
|
AT
AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON
(GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO,
KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!
|
|
|
|
|