Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Dhulka Xaabkii Ka Idlaa!

Posted to the web Oct 01 2007, 20 43 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Oct 01 2007 - Waxa aynu nahay ummad, aan iyadu isku naxariisanayn. Ummadi, haddii aanay iyadu isku naxariisanayn, deegaanka ay ku nooshahayna uma naxdo. Ummadi, haddii aanay deegaankeeda daryeeleyn, ka ay martida ku tahayna ma danayso. Inaga oo markii horaba dallkeenna gudihiisa ku indho iyo dhago la’ayn, ayuu qalbigiina qurbaha inagaga madoobaadey.
 
Astaan la inagu garto ayay noqotay, wasakhaynta iyo waxyeelaynta deegaanku. Waxa aad arkaysaa laba qof oo geed hoos taagan, oo hadhsanaya, ama ku hoos sheekaysanaya, oo hadana sida riyaha geedka u rifaya. Waxa aad moodeysaa in ay geedka u cadhaysanyihiin. Ogaansho la’aan, ayay laanta ay gaadhaanba dhulka u dhigaan. Waa caado xun, oo naxdin leh. Waxa inagu badan dadka, inta ay geed dhan la kacaan, oo ay googooyaan, hadana dhud yar oo ay ku cadaydaan kala soo hadha. Sun iyo daawo, ama xaaraan iyo xalaa, midna uma eegaan. Gacanta ayaa baratay, maskaxduna way maqantahay.

Waxa igu maqaal ah, in aynu dabeecaddan foosha xun, qurbahana ula dhoofnay, oo aanay dhirta quruxda badan, ee dalalka aynu martida u nahay, xataa aanay inaga nabadgalin. Waxa la yidhi, dabar goynta geeduhu, waa calaamad Somalida lagu garto.

Magaalooyinkeena waxa camiray qashin iyo wasakh. Deegaankeenu waa xaaluf. Caafimaadkeenu waa mid liita. Dadnimo, inaga guurtey. Muslinimo, waa inaga afka. Ilbaxnimo, riyo kuma aynaan arag. Waxa inoo caada ah, afka oo la laydhiyo, oo saxarada iyo qashinka dushooda lagu dul sheekaysto. Siigada iyo habaaska gaadhigu kiciyo, afka ayaynu u dhiganaa, sababta keentay kama fakarno. Xanuunka, waynu iska daaweynaa, laakiin sababta dhalisay cudurka, lama tacaalno. Qorshaheenna dhawi, waa qaadkii ma soo dhacay. Qorshahe fogna, maskaxdii samayn lahaydi, marna way murqaansantahay, oo malo-awaal, marna way xaraaraysantahay, oo waa car ila hadal.

Ubadkeena soo koraya, aynu barno dhaqaalaynta deegaanka. Ubadkeena yar-yar, aynu ku ababino ilaalinta deegaanka. Dugsiyada hoose ha laga bilaabo. Carruurtu ha ku garaadaysato, in aynu carrada ka nimid, oo aynu carrada ku noqon doono. Carruurtu ha ku caqliyeysato, faa’iidada dhirta, daryeelka beeraha, iyo xanaanaynta duur-joogta, cayayaanka, shinbiraha iyo xoolaha. Ubadkeenu ha barteen dhaqaalaynta biyaha. Carruurta ha la baro, in ay wasakhdu keento cudurada. Ha barteen, in ay biyuhu nadiif yihiin marka ay cirka ka soo da’ayaan. Ha barteen, in uu dhulku nadiif ahaan lahaa, haddii aynaan habaar qabayaal ahayn. Ha ogaadeen, in aynu inagu biyaha iyo carradaba wasakhayno.

Waa waajib inawada saaran, in aynu ubadkeena tusno, dariiqa hor-umarka lagu gaadhi karayo. Waa in aynu carruurta ku abuurno, in ay jeclaadaan, qiimeeyaan, oo ay qadariyaan deegaanka. Waxa muhiim ah, oo ay wadaniyaddu ku jirtaa, in dhinac looga soo wada jeesto, ka qayb galka, la dagaalanka xaalufka, nabaad guurka iyo wasakhaynta deegaanka.

Waagii isticmaarka, ayaa beytalmeeyo laga qoday Tuulooyinkeena badhkood. Waxa la yidhi nin Ingiriis ahaa, ayaa is yidhi bal soo kormeer sida ay beytalmeeyadii u shaqaynayaan. Waxa uu ninkii arkay saxaradii, oo godka dhinacyadiisa, safan. Ilayn godkaba laguma saxaroodee, waa la hareer dhigaa. Ninkii Ingiriis, ayaa dadkii la socdey ku yidhi: “Somalida dabadoodu, ma dhinac ayay u qaloocdaa”? Waa farsamo la’aan iyo anshax xumo waligeedba inala daris ahayd. Qof waliba waxa uu iskala weynaa, in uu saxarada qofka kale dul fadhiisto. Safkii saxaradu sidii uu u soo socdey, ayuu banaaka u soo baxay. Wuu sii fiday, ilaa darbiga dhinaca kale!

Wasakhda iyo qashinka aynu samaynayno kama xumaano, laakiin ta dadka kale ayaa ina dhibta. Haddana isma nidhaa iska hagaajiya, oo iska astura, ee daamanka ayaynu meer meerinaa.

Dadkeena waaweyni rajo ma laha e, bal ubadka yar-yar aynu ku hanoonino, waxtarka uu deegaanku u leeyahay noolaha. Ha la baro carruurta, haddii uu dhulku xaalufo, dhibataada uu noolaha u leeyahay. Hawadu haddii ay xumaato, in ay caafimaad darro keeni karto. Biyuhu haddii ay wasakhoobaan, in cudur laga qaadayo. Waalidiinta ha la wacyi galiyo. Macalimiinta ha la wacyi galiyo. Ubadkeenna aynu dhaxal uga tagno.

Carruurta dibadda ha loo saaro, oo ha la baro deegaanka. Ha la baro sida loogu noolaan karo, iyada oo la adeegsanayo dhagaxa, qoriga iyo khayraadka dabeeciga ah. Ha la baro sida loo ilaalin karo, dhulka danta guud. Ha loo dhigo ubadka, in haddii aan deegaanka la daryeelin, ay cimilada iyo hawadu xumaanayaan. Ha la baro carruurta, in haddii geedaha la gooyo, oo dhirta la dabar gooyo, ugaadhu inaga guureyso. Ha la baro da’yarta, in uu dhaqaalaheenu ku xidhanyahay xoolaha iyo beeraha. Ha loo dhigo ardayda, in ay nolosheenu ku xidhantahay deegaanka. Ha la baro carruurta in dalkan, aynu inagu iska leenahay, oo aynaan marti ku ahayn.
 



The Author:
Faadumo Cabdillahi.
Authors Location: Undefined
Authors Email: faadumo_haldha@yahoo.com

Clinton's Foreign Policy in Somalia, Bosnia, Haiti, and North Korea (Essays in Public Policy, No. 72) - Thomas H. Henriksen; Paperback

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Faadumo Cabdillahi. The views published here are solely those of its authors Faadumo Cabdillahi. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.