Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Taneey(bbc-radio) Cawke-na kaa caroow !!!

Posted to the web Sept 30 2007, 16 46 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Sept 30 2007 - Ka tagida Axmed Xasan Cawke ka wareegay BBC-du waxay i soo xasuusisay, hadal murtiyeed uu reebay nin gabayaa wayn ah, oo la yidhaa Aw-Siyaad, una dhashay degaanka Gabiiley, mar uu sida igu maqal ah maqaaxi uu ku lahaa magaalada Kala-baydh(deg,gabiley), inta dadkii uu u furtay maqaaxida jiilaal adigi helay, gugiina ka tabiyay ay ka hayaameen, oo dabadeed uu aad ugu busaaradsadsaday, arkayna inaan waxba dhawaanahan soo naaso cadayn. ayuu inta uu gu-i ka qaaday ee uu ka dhaqaaqay maqaaxidii oo furan yidhi, hadal murti ah oo hada dadku inta badan markay meel ka quustaan ee ay ka tagayaan adeegsadaan, hadalkaasi oo ahaa "" taneey aw-siyaad-na kaa socooy"", sidii baa uu aw-siyaad kaga tagay Kalabaydh iyo dalkaba oo uu ku galay Afrikada bari iyo carabaha, inaga oo og in ninka maqaaxida shidaa aanu isagu inta badan hayaamin, hadana waxa Aw-siyaad kaxeeyay waxa aynu garan karanaa inuu wax culus ahaa !!!!.
 
Waxan hadaba sheekadan aw-siyaad uga socdaa, Axmed Xasan Cawke oo ah sida aynu ka wada war hayno, hibada ilaahay uu siiyay ee wax sheega iyo tabintaba ah ka sokow, nin bashaashi ah, ka adag shaqadiisa, gole-nuure ah, dadka aan ka qaloon iyagana qalayn, cod soo jidasho leh lagu galaday, dulqaad badan, badan, badan oo weliba aan Anigu wax ka saaro, biyahii afku-rubadlaha ahaa ee Xamar, inay dulqaadkiisa sii siyaadiyeen. waxa maanta inuu sidii aw-siyaad yidhaa, Taneey(bbc-daay) Cawke-na kaa caroow! Waa wax wayn oo uu maarayn kari waayay, oo aad ka dhadhansan karto, hadalkiisii uu ku bilaabay tixdii murtida ahayd ee caanka ahayd, ee uu yidhi'' Nin wayn baan ahoo warami maayee, waxaan arkay waaba la ogaan"".

Waxay ku fiicnayd bbc-du inay ku fara-adaygto dadka dhuuntoodu ay soo dhiibayso, dhawaaqyada dhadhanka cudoon leh, ee dhegaystayaashu ay jeclaysan karaan, sida quruxda badanina waxay ahayd, in dadka ku xidhan idaacada bbc-da ee 50-sano iyo dheeraad soo dhagaysanayay la xaqdhawro oo la tix galiyo doonistooda iyo ciday jecel yihiin !!!!

Bal ka waran Micrafoonka- laga qadiyay, codadka aan tashka lahayn ee dahabiga ah ee Aadan Nuux Dhuule, Cawke oo gibin ku ahaa, C/lahi Xaaji oo isna mar mar ah, C/salaan hereri aad isna ogaydeen iyo weriyayaal kale oo badan, ma noqonayaa makarafoonkaasi mid dhegta maqashaa ay dhaadayso?? Gaba-gabadii maqaalkan yar,-

Cawke waxan xasuusin lahaa Isbaaro meel la dhigto bbc-du uguma horayne, waxa ka horaysay halkii dooxii Tog-wajaale ee aad garanayso, marka roobku da-o ee Togu soo rogmado, waa kuwii Dibjirka magaaladu intay Tiirarka girgidaha dumay soo gurtaan Biriij(bridge) ka samyn jiray ee dadka labada Daamood iskaga talaabaya lacagta ka qaadi jiray, qofka bixin waayaana Biyaha dhex-mari jiray, malaha waxa la gaadhay marka, xiligii Tiirar la samaysan lahaa, Oo aan uga socdo Axmed Xasan Cawke iyo raga kale ee la midka ah ee ka soo jeeda Somaliland oo aan odhan lahaa waar HOOY Fadhigaa fadhi kale ha looga noqdo, kolay dooxu wuu soo rogmanayaaye Tirarka ka leh ahaada bay ila tahay, Idaacad ha loo sameeyo dadka, inta kolba cid marti loo ahaanayo!!!!!!.

Bal-se hada ahaan, aan idhaahdo Nabaadiino.


Ha jirto Somaliland oo ha joogto.




 



The Author:
Cali Cumar Xasan..
Authors Location: Undefined
Authors Email: afraad_4@hotmail.com

Significant Incident : Canada's Army, the Airborne, and the Murder in Somalia ~ Ships in 2-3 days
 
David Bercuson / Paperback / Published 1997
Our Price: $26.95
Read more about this title...


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Cali Cumar Xasan.. The views published here are solely those of its authors Cali Cumar Xasan.. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Click Here For Ads Info
Daallo AirLines
AT AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON (GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO, KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.