Hal Laba Midigle Dhengadeeyay Dhinacna Uma Fayooba.
-
|
|
- Sept 27 2007 -
|
|
|
Halkudhiggan aan ugu magac-daray; “Hal laba midigle dhengadeeyay dhinacna uma fayooba,” ayaa ah mid muujinaysa dhibaatada loo gaystay hal uu dilay nin labadiisa Gacmood Xoogga ku jiraa isle’eg yahay, isla markaana dhibaateynta hasha u adeegsaday marba gacan, taasoo macnuhu yahay marka gacani daashaba, takale ayuu u beddelaa, “Ninku Hashaa cadaawadda uu hayay weyneydaa.”
Cadaawadda iyo naxariisdarrada hashaas ku dhacaday, kagana timi qof bani’aadamka oo Ilaahay karaameeyay, kadibna maskaxdiisii u isticmaalay si ka baxsan sidii Ilaahay ugu talagalay, kuna hoojiyay Mayeedhaankii masuulka looga dhigay,inuu manaacfacsado.
Arrintaas ayaa I xsuusisay sida axmaqnimada ah ee dalkan dadkiisii ula dhaqmay, looguna tartamayo baabi’isa ay wanaag uga sugaan!Dhinacna looma hambayn, cidina uma roona, hadii ay tahay bulshoweynta, haddii ay tahay xisbiga talada haya oo run ahaantii odhan karo waa mid aad iyo aad u liita, naxariista shacbigiisa iyo dalkiisa u qabaana ay u dhiganto Hasha ninkaa mudatay, waxa iyana sidaas oo kale ka fogayn awoodda 2aad oo ah Wakiillada iyo Guurtida (Baarlamaanka), taas oo ah mid aad u qiimo badan haddii ay gartaan shaqada loo igmaday, dadkooduna u xilsaartay, ahna in qallinka iyo qodobku hadlo qodobku taliyo, afkuna aamuso.
Waxa iyana laga inaabsey noqotay awooddii saddexaad oo ah tan garsoorka iyo maxkamadaha oo iyadu noqtay meel hungo ah maanta iyo ilaa maalinti la aasaasay ummaddana ku riday werwer iyo walaac waxbana aan ka duwanayn tii taliskii Siyaad Brare, haddii ay tahay xaga garnaqa am tabaha laaluushka taa macnaheeduna halkaas waxa ku lumaya tiirarkii muhiimka ahaa ee ay qaranka uga wakiilka ahaayeen. Waxa iyana aan hawshoodii gudan una muuqan kuwo gudan karay ilaa maanta xisbiyada mucaaridka ah, kuwaas oo aanay ka muuqan karti, aqoon iyo xeeldheeri cilmiyaysan oo hanata laabta shacabka reer Somaliland taas hadi laga heli lahaa am la yimaaddaan siyaasad dhaqan dhaqaale bulsho iyo waddaniyada daacadnimo ku salaysan la heli lahaa isbeddel siyaasadeed oo ku dhisan tartan waxqabad oo dhinac walba leh abuurtan waji cusub oo aan qofku hoggaamin qaranka ee aqoon wadajiri hoggaamiso (aqoontuna taliso) . waxa kale oo iyana kaalintoodii gabay bahada warbaahinta haday tahay ta dawladda iyo ta madaxa banaanba jaangoyada iyo aragtida guud kama foga qofka hadalkii, ha ahaato mid xilhaya am masuul aan xil hayn, taas oo haddii qofka hadla la dhaliilo am la difaaco midna qaranka aanu munaafacad badan ugu jirin, laakiin waxa qudha ee anfacaya ay tahay dhacdooyinka jira oo xaqiiqdoda si buuxda loo raadiyo la lafo guro dabadeed si dheeli tiran loo baahiyo, cidda xilkeeda iyo masuuliyadeeda lehna si cilmiyaysan loogu xidhiidhiyo, taasna waxa ka dhalan lahaa ilaalinta maamulka iyo masuuliyada qaranka oo cid waliba iska xil saarto, qof waliba kartidiisa aqoontiisa iyo dadaalkiisa oo lo tartamo in dhaliishana laga fogaado masuulkuna garto inuu yahay shaqaale cid u shaqeeya xisaabtan daba joogto waxa u soo baxaana ay tahay darajada dallaacada, ama ganaaxa iyo dhaliisha uu mutaystay taas macnaheeduna waa in masuulku masiirka noloshiisa uu isagu isku hayo xumo iyo samaba.
Bahada warbaahinta waxan huba haddii ay tibaaxda iyo kuwo kale oo cilmayaysan la iman lahaayen inaad dhagaha iyo qalbiga ummadda dadweynaha Somaliland iyo adduunweynahaba soo jiidan lahaydeen fa’iido dhaqan-dhaqaalana gaadhi lahaydeen.
Anigoo jecel inaan Maqaaladaydan si wato inteeda danbana u badali doona waxaan arkay intaan dalka jooga iyo talobixin iyo tusaalayn so qoraalkaygu u noqon dhaliil iyo eedayn kaliya waxaan rajaynaya inaad gurmada wadajira fidino si badbaado loo helo innagoo beddelayna waddan baaba’a hayo.
TALO-BIXIN IYO TUSAALAYN
Awoodda Fulinta: Anigoo talo ka dhiibanaya waxyaabihii iga baxay dalka labadii bilood ee aan joogay iyo sida ugu habboon ee aan isleeyahay way dhaanta kuna salaynaya ciwaankaygii iyo qaybihii bulshada aan u qaybiyay sida awoodda fulinta, aan xuso inaan carabaabo am magac-dhabo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waayo waxan u wakiishay awoodan aan ka hadlayo, taas oo uu wakiil uga yahay qaranka Somaliland oo dhan wixii xumaada iyo wixii wanaagsanaadaba.
Haddaba Madaxweyne; adigoo wakiilkaas ah u dhugyeelo ereyadan, kana garnaqso wixii garnaqsi ku jiro kana garow wixii garoowshiyo leh si xeer-beegtinimo leh.
Waxa ku hiliyay masuuliyaddan ku saaran Ilaahay sabab kasta ha ka lahaado wuxu ku saaray waana masuuliyada dadka badankiisu jecelyahay taas oo ka hormariyay rag badan oo aad ku tartanteen ogsoon tahayna inay badankoodu filayeen inay aad iyo aad kaaga dhaw yihiin halka aad maanta joogto hadday codbixiyasha tahay iyo hadday waxqabad hore tahay, xag waxbarashada iyo xag qabiil oo Soomalidu ku xisaabtanto, halkay ku xisaabtami lahaayeen waxqabad ummadeed waxa kasta oo nin weliba qoondaystay Ilaahay ayaa adiga ku yidhi, Haa, iyagana ku yidhi, Maya, waxa iyana kuu hiiliyay guud ahaan dadweynaha Reer Somaliland oo aad ku timi hal dheerida codkooda.
Haddaba, adigoo taas xasuusan ma is waydiisay waxaad abaal gud qaranka iyo Ilaahayba u ah, (cilmi ku suure) Awooda fulinta: Aan isu daayo adiga iyo jawaabta aad u celiso Ilaahaaga, dadkaaga iyo dalkaaga, anigu aan wato danta aan ka leeyahay maqaalka xusuusnow eraygii hore ee ahaa cidaad wakiil ka tahay iyo cidaad wakiil u tahayba.
Taa macnaheedu waa cid kasta oo ku jirta maamulkaaga ama masuul xil haya, ogow inaad masuul ka tahay waxay xumeeyaan ama wanaajiyaan, sababtu tahay adiga ayaa wakiil u ah dhammaan dadka iyo dalkaba. Taas macnaheedu miyaanay ahayn in laguu igmaday, intaa kadib laguu dhaariyey, laguna aaminay masuuliyadaa cad ee ballaadhan qaadideeda, fulinteeda, ilaalinteeda, kormeerkeeda iyo raacideeda oo ka kooban cahdiga idiin dhexeeya iyo wixii taladooda qaran kordhin karta.
Markaad sidaa samaysid cid kasta oo aad maamulka u igmataana waa inay tubtaa raacdaa oo aad xaqiijisaa inay dardaarankaa fulisay. Haddaba, waxba yaanan hadalkan sarnaanine bal adigu xisaabtanoo, garnaqso oo marlabaad waxaad eegtaa halkaad waxaaba hoo laguu idmaday ka joogto, adiga iyo maamulka qad u xulatay adeegga qarana, u eeg dhinackasta oo u jawaab Illaahy iyo guud ahaan dalkaaga hooyo, maxaad u malaynaysaa inaad muteyso beriga ma ku qanacsantahay masuulkii aad u keentay inuu u adeego qaranka markuu ku yidhaahdo anaa ku haya reer hebel ama gobol hebel sida ay caadiga ka dhigteen Golaha Wasiirrada? Markay gabeen shaqadoodii!!?
Ma ku qanacsantahay markay kgu maaweeliyaan dhab libaax miyaanad ku hurdin, madaxweynaha iyadoo xisbiga talada qaranka loo igmaday inuu hago talada siyaasadeed ummadda, dawladda, hantana laabta dadweynaha waxqabad awood la iska tuurey, uguna ilaabey halkii maalintii uu guusha helay lagu tuuray, haddii ay tahay kicin, kaadir iyo waxqabadba, laguna doorbidey qofku, uan taliye si allaale siduu dooonayo, kadib marii lga maarmay talada guud ee xisbiga UDUB, tii fulinta tii siyaasadda xisbiga, ilaa iyo tii dastuuriga aheyd. Haddiise aad ku qanacdey raga sidaas doortey aqoon awgeed miyey ku gumeeyeen mise ay ku goboojiyeen, ma ku qanacday caddaalad-darrada Wasaaradda Caddaaladda iyo Maxkamadda, laaluushka iyo lunsiga hantida qaranka, niyad-jabka guud dadweynaha ee da’yartu isku daadinayso xeebaha Talyaaniga, Malta ama Liibiya? Ciddina hadal-heyn! Mise naxdir iyo naxriis midnian unooma heyso? Mise maba ogin, mise mustaqbal dambe iyo rajo guud ahaan xisbiga iyo maamulka kama hayso? Mise wasiirrada taladoodii sidaa noqotay ayaa doorashooyinka soo dab-dabraya?!
Mudane Madaxweyne ma ku idhaahdaa erey ka dhaxalroon sidan xag adduun iyo xag aakhiroba isdaba qabo, kana feker talo dhaxal reebta xag qaran, xag qof ahaaneed una cuntanta Illaahy iyo xag ummaddii ku dooratay garana waddada loo maro taas intaad wali talada gacanta ku heyso mid dee ummadda doon maamul ummadda u adeega, ku dhaqan caddaaladda oo naftaada ka bilaw, ha kana abbaashan nin diiday adeegsana aqoonta ummadda iyo awoodda iyo ta rabbaaniga ah.
Awoodda fulinta: Waxan ku gebegebeynaa qaybtan Madaxweynuhu wakiilka iiga ahaa, horta inaan isu sheego isaga iyo qaar kale oo waxaan qorey inay haybsadaan si waxaa qoaray ee darraankeygu I siiyey ugu adeegsadeen si aygu jecelyihiin oo ah ba’ooda kana kaxeeyaan sida badbaadahooda, kuwaas oo u adeegga kala qaybinta waxaanan deggen dalka Ingiriiska, una xoogsada maatidiisa, danneeyana danta-guud eeummadda heerkasta ha gaadhee sida dadka qof ahaan ii yaqaanaa ayaan u deynayaa,kana xoogsada cariga UK.
Waxaan kaloo ahay watiyadan ururrrada siyaasadda la sameeyey raggii firfircoonada ka muujiyey dib u habeyntii SNM dabadeed ASAD oo aan aaminsanaa welina aan aaminsanahay haddii uu talada gacanta ku dhigi lahaa aannu dalkaanu maqaankan iyo mid u dhow midna jooggeen, laakiin taariikhda ayaan u deynaa, waxaan kaloo tabaniyey in ururku meel wada maro kadib guul-darradii ku timi, balse markuu waayeyna wadajirkaana taageeray xisbiga talada haya anigoo markaasna rajaynayey in UDUB raaci doonto waxbadana ka qaadan doono siyaasaddii qaran ee fogeyd ee urur ASAD, gaar ahaan siyaasaddii maamul-fidinta ee dalkooo dhan, aniga sida labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB-ba ay ku samaysteen ay ahad siyaasad aan ka fogayn damac shaqsiyaad, qaato dhaw aan kaftamee, waxaan ku macneeyey UDUB iyo KULMIYE waxaa idhi labaduba waxay aniga ii ahaayeen wakhtigaa laba bali oo ajoobay balliguna markii ajoobo ee biyaha ku jiraa isbeddelaan xagga dhadhanka ama urta ama midabka ee dabadeed cir cusubi helo saafnimada biyaha cusubi waxay ku xidhan tahay quwadda roobka cusub.
Taas waxaan ku macneeyey qaybsankii ASAD inay dad ahaan iyo mabda’aahaan labadaa xisbi waxweyn ka beddeli doonaan oo qarankuna waayi doono waliba waxaan markii hore ugu faanay qaybtayadii KULMIYE galay inaanu garabkaygii UDUB ajadii waxweyn ka beddelney, laakiin su’aashu waxa weeye waxa kaftankaa ka nool maanta wax badan oo ka qabsoomay heshiiskii ASAD iyo UDUB ma jiro kadib doorashadii xisbigiiba waata shaqo ka fadhiisinta lagu soo rogay ee uu dhinacwaliba galay.
Balligiina waa sii ajoobay, xitaa maamul qaybsigii lumay oo jagadu xubin ASAD ah laga beddelo ayaan lagu xisaabtamin ee Madaxweynuhu sida uu doono ka yeelay, isagoo aan ixtiraamain ama tixgalin heshiiskaas qiimihiisa lahaa, taas oo aan ku xidhiidhinnayo su’aashii aheyd inoo dadku xasuusnaqdaan cidda kuu idmatay talada, kuna siisay taageerada guud ahaan iyo gaar ahaanteedaba. Taas macnaheedu inaad cid caddaalad-darro u sameyso, kan adiga ku taageeray iyo kan cid kale oo aad tartamaseen taageerayba (xaashaa lilaahi). Basle ka warrama haddii qof ama cid idin dhexmaray heshiis wax-wada qeybsi oo maslaxo ummadeed iyo adeeg dan iyo gaar ahaaneed aanad tixgalin, ma gobanimaa mise waa gunnimo (mooye?), taasna waxaa kaga hadhay garabkayagii ASAD ee UDUB ku biiray ma suurto galin siyaasad dhaxal gal inaanu beerno wadajirku UDUB iyo ASAD.
Bal Madaxweyne dheeho gunnaanadkan:
Iska illow waxaa gobanimo ku jirin qof ahaan iyo qaran ahaanba, maxaa ka mida is difaac iyo dabacsanaan taas qaranku u curyaamo, bal eeg miisaaniddii 2007 taas oo u xaniban mushrax ama lacag lagaa dhimay madaxweynw, adigoo ku andacoonaya ina Cigaalba waa qaadan jiray Madaxweynaha maxaa masaakiin gaajo u bakhtiyeya. Bal eeg guddida doorashooyinka maxaa u diiday si caddaalad ah ii dadka raaligelisa?
Waxaas oo dhan waxa qudha ee ka naf leh waa adigoo ilaawa danta gaar ah iyo damaca qof ahaaneed ee liita ee aan raandhiiska lahayn, kana doorta danta guud ee qaranka iyo waddada cidhib dambeedka leh, haddiise aad taa garanweydo ogow cidda u baaba’aysaa naftaada ayaa u horreysa, xisbigaagga ayaa ku xigga iyo dhammaan dalkaaga!!! Waxaad kaloo ogaattaa waxaad tahay qof nasiib badan Illaahayna isgarab taagay, dadkiisuna u hiiliyee, waxaanu shaqeysana ku taageereen ilaa maantana abbaal-gud kaama muuqdo ee meys ogtahay!!? Walise talo ayaa laaban ee ka warhay, waxaan sidaa u leeyahay wixii halgan ummaddu soo martay adiga iyo tiro yar oo kale ayaa guusha ugu sarreysa ka helay waanad moog tihiin.
Waanad dhibsitaan markaa lga hadlo, waxaan kaa codsanayaa inaaad ku beddesho inaad ku faanto, kuna hoggaami caddaalad.
|
The
Author: Muj. Axmed Siciid Bootaan..
Authors
Location: Burco, Somaliland
Authors
Email:
none
- The
New Interventionism, 1991-1994 : United Nations
Experience in Cambodia, Former Yugoslavia, and
Somalia (Lse Monographs in International
Studies)
~ Ships
in 2-3 days
-
- James Mayall
(Editor) / Paperback / Published 1996
Our Price: $17.95
Read
more about this title...
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Muj. Axmed Siciid Bootaan.. The views published here are solely those of its authors Muj. Axmed Siciid Bootaan.. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
|
 |
|
Daallo
AirLines
|
|
AT
AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON
(GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO,
KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!
|
|
|
|
|