Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Qabiilka Iyo Qabyaalada qaybtii 1aad

Posted to the web Sept 27 2007, 17 55 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Sept 27 2007 - (Qabiilka waa loo dhashaa, marba qabiilkaad doontana ma noqon kartid, laakiin qabyaaladu waa wax aad u xun,dhib badan xalinteeduna adagtahay,ragga beryahan dambe ku shaqeystana waxaan odhan lahaa- inta ay goori goor tahay ka jooga-haddii kale dharaar baa jiri doonta……)
 
“Qabiilku waa isu taga xaymo amase kooxo dad ah oo wadaaga isir, caado ,af,,dhaqan iyo dhul u gaar ah,”
“Aqoon yahanada qaarna waxay ku qeexaan Qabiilka koox bulsheed ka kooban jilibo amase ardaayo ka soo jeeda jiilal isku abtirsiimo ah.”

“Marna Qabiilku waa bulsho meel wada degan oo leh xeerar iyo dhaqan u gaar ah .”

“ Sida Diinteenu inoo cadeysayna Qabiilku waa hab laysu aqoonsado “


Si kale haddii aan u idhaahdana Qabiilku waa nidaam soo jireen ah oo haddii sida saxa ah loo adeegsado faaiidooyin badan leh,wax ceeb ahna aan lahayn ,,haddii si khaldan loo adeegsadana waa nidaam dhaxalsiiya bulshada dhibaato badan oo naf iyo maalba leh , si fududna aan loo xalin Kari .
Qabiilka ma aha nidaam ninkii rabaa ka bixi karo,ninkii doonaana soo geli karo ee waa loo dhashaa ,mana jiro shaqsi marba qabiilkuu doono noqon karaa.

Qabiilka kama dhaxayso hantida gaar ah sida Berkedaha – xoolaha la dhaqdo iyo dhamaan wixii kale ee lagu tilmaami karo hantida gaarka ah,balse waxaa ka dhaxeeya arimahan soo socda.

Maxaa ka dhaxeeya Qabiilka:-
Marka laga hadlay waxa ka dhaxeeya qabiilka waxaa ugu muhiimsan 4 arimood oo kala ah:-
1. Deegaanka :- Qabiilka waxaa ka dhexeeya degaanka uu degan yahay,Ardaayada degaankaa wada degani way wada leeyihiin cawska – biyaha roobka sida baliyada iyo harooyinka –wadooyinka –buuraha – macdanta -midhaha dhirta iyo dhamaan waxyaabaha ku sameysmey si dabiici ah.

2. Abtirsiimada :- Qabiilka waxaa ka dhexeeya abtirsiimada taas oo ku tusaysa in Qabiilkaasi uu kuwada abtirsado “hal oday” Tusaale Dhirta in qodaxda leh waa isku qabiil waxa ay wadaagaanna waa QODAXDA.

3. Madaxdhaqameedka:- Dadka qaarkiisana waxay ku doodaan in Madaxdhaqameedka sida Suldaanka –Boqorka –Garaadka –Malaaqa ay ka dhexeeyaan Qabiilka ,inkastoo xiligan aad moodoo in ay sii badanayaa Madaxdhaqameedyadu.

4. Dhiiga:- qabiilku wuxuu wadaagaa “dhiigga” oo aan uga jeedo MAGTA-“ Tusaalle haddii nin aad isku qabiil tihiin uu dilo nin qabiil kale ah,waxaa dhici karta in laguu dilo adiga oo aan kii wax dilay iyo kan la dilay midna aqoon u lahayn”.haddii nin reerkiina ahi uu nin reer kale ah dilo,waa in aad MAGTA-DIYADA wax ka bixisaa . markaa mar kasta qabiilka waa ka dhexeeyaa magta qaadasho ahaan iyo bixin ahaanba,magta ma diidi kartid ,haddii aad diidana adigana lagula bixin maayo .


5. Qadhaan wadaag:- Qaadhanku waa hab dhaqaale loogu ururinayo shaqsiyaad qabiilka ka tirsan oo ay la soo gudboonaatay dhibaato dhaqaale sida deyn lagu lahaa oo uu iska bixin kari waayey,si kale haddii aan u idhaahdo qaadhaanku waa sadaqad loo ururinayo shaqsiyaad dhibaateysan.Inta badan qaadhaanku khasab ma aha ee waa haddii aad awoodo, in aad qaadhaanka bixin weydaa waa ceeb,laakiin waxaan mar kasta ogsoonaataa in qaadhaanku yahay sadaqad .



Akhriste waxaad moodaa in dadka intooda badani iskaga khaldan yihiin Qabiilka iyo Qabyaalada, oo runtii la odhan karo waa laba muwduuc oo kala duwan ,weliba farqi weyni u dhaxeeyo magac ahaan iyo ficil ahaanba. Qaybta dambe ayeynu bal ku eegi doonaana QABYAALADA oo aan filayo in ka hadalkeedu aanu ahayn mid dhib yar lagana yaabo in dadku siyaabo kala duwan u arkaan.

Rabadaan wanaagsan
 



The Author:
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, Uk
Authors Email: abdi_saleiman@hotmail.com

Assault at Mogadishu
Kai Hermann


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.