Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines
Fly Daalo Airlines Today | Fast Money Transfer at DahabShiil

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Hambalyo iyo Bogaadin Guddiga Dhexdhexaadinta iyo Xalinta Khilaafaadkii Golayaasha Qaranka

Posted to the web Aug 22 2007, 06 09 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Aug 22 2007 - Iyadoo muddaba dalka ay hadhaysay khilaafaad ka dhex aloosnaa Seddexda Gole Qaran ee dalka iyo khilaaf siyaasi ah oo ka socday bulshada dhexdeeda, waxaa maanka iyo qalbiga muwaadin kasta meel uu joogba la socday hawl-qabadka Guddiga Dhexdhexaadinta. Waxaa kor u kacday rajadii dad-weynah, kolkii la ogaaday in raga arrinta u garab-ritay yihiin xulkii culumada, aqoonyahanka, dhaqanyahanka iyo suugaanyahanka Somaliland.
 

Marna shaki nagama gelin in go’aamada ka soo baxaa iyo talooyinka ay dhiibtaan noqon doonaan qaar midho dhaliya.

Haddaba waxaa manta si taam ah u xaqiiqowday qiimihii iyo qadarintii shacbigu u hayey Guddigan. Waxaa lagu farxay oo dhammaan muxaafid iyo mucaaridba lagu diirsaday go’aamada iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee soo afjaray khilaafkii curyaamiyey waxqabadkii Golayaasha qaranka. Waa go’aamo si dareen leh, oo ku salaysan dastuurka lagu dabiibay nabar haddaan sidan lagu soo daaweyn, ku fidi lahaa bulsha-weynta Soomaaliland.

Waxaanu hambalyo iyo bogaadin gaar ah u diraynaa Guddiga Dhexdhexaadinta oo muujiyey waddannimo, xilkasnimo, guurtinimo, geesinimo, iyagoon waxba kala hadhin aqoontooda sare mid diineed iyo mid adduunba, taas oo dhalisay inay si toos ah u qanciyaan dhinacyadii khilaafaadka soo kala dhexgalay sahayday danta dalka iyo dadkiisaba.. Waxay yihiin garsoorayaal aan leexleexad aqoon, dar bulshadeenu ku faani doonto, adduunkuna innagu qiimayn doono. Waad naga farxiseen ee guulaysta. Hawshana ha ka hadhina, weliba eega meelaha kale ee danta guud ka socon la’dahay.

Sidoo kale waxaanu hambalyo iyo mahadnaq u diraynaa dhammaan xubnaha ka socday Seddexda Gole iyo xisbiyada qaranka: Madaxtooyada, Shirguddoomada Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Guddoomiyayaasha Xisbiga KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha xisbiga UDUB. Sunaha dawladnimo ayaan khilaaf laga waayeen, ee waa inaydun si niyadsan ku gorfeysaan oydaan marna hadalka kala xidhan. Sida dastuurku qabo wado-tashi iyo gogasho oo la balaadhsado ayaa dhalin kara in xal loo helo khilaaf kasta oo inagu yimaada. Geesinimada aad muujiseen, eed khilaafkiinii ku ilowdeen danta guud ha noqdo mid joogta ah, oo bulshadu ka dareento hawl-maalmeedkiina. Dhammaystira hawshan sharaftiina iyo maamuuskiina kor u qaaday, oo si dhekhso ah u fuliya go’aamada iyo talooyinka dadweynaha hortiisa ku ogolaateen.Guddigu hawshiisii si hagar la’aaneed ayey u guteen, waxa la sugayaa waa idinkoo ka midho dhaliya guushan aynu dhammaan ku faraxnay. Indhaha dadweynahuna waxay eegayaan sida Gole kastaa hawsha go’aamadan kala gudboon u fuliyo.


Illaahay ayaa mahad leh, guushana isagaa ina waafajiyey.

Soomaaliland ha noolaato.

Guul iyo Qarannimo.

Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomalialnd ee Wales
Cardiff


 



The Author:
Axmed Carwo.
Authors Location: Wales, UK
Authors Email: samotalis@gmail.com

Teenage Refugees from Somalia Speak Out...

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Axmed Carwo. The views published here are solely those of its authors Axmed Carwo. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.