Madexweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale ma isutaagi-karaa doorashada madexweynaha?
-
|
|
- Aug 18 2007 - Jawaabtu, waa maya, oo Daahir Riyaale mar dambe madexweyne kama noqon karo Somaliland, sababtuna tahay arrimaha hoos ku xusan:
|
|
|
1) Dastuurka Somaliland qodobka 88aad, qaybta labaad (2), waxa ku qoran sidan, “qofna jagada Madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan . “ Qodobka 88aad qaybta labaad (2), waxa uu inoo sheegayaa in qofna laba jeer wax ka badan madexweyne ka noqon karayn Somaliland. Labadaa jeer oo dastuurku ogolyahay in muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland madexweyne ka noqon karo dalkiisa, hadii uu buuxiyo qodobada u yaala doorashada madaxweynaha.
Qodobkaasi ma odhhan laba jeer oo mid waliba tahay shan sananadood oo buuxa, waxaase ku qoran dastuurka laba jeer oo kali ah.
2) Qodobka 89aad, qaybta kobaad (1), waxa uu odhanayaa:
a) Haddi uu geeriyoodo madaxweynuhu sadexda sanno ee hore gudahooda, waxaa si meel ku gaadh ah jagada u qabanaaya madexweyne ku xigeenka. Doorashada madexweynaha waxa lagu qaban muddo 6 bilood ah, ( waayo madaxweynuhu waa ku meel gaadh oo 6 bilood oo kali ah ayaa loo ogolyahay inuu hayo jagada madaxweynaha ), taasoo, aan loo tirinayn muddadaa madaxweynuhu ku meel gaadhka u hayo jagada.
b) Ta labaad qodobka 89aad, qaybta labaad (2), waxa uu odhanayaa haddi uu geeriyoodo madaxweynuhu labada sanno ee dambe gudahooda, madaxweyna ku xigeenka ayaa la wareegaaya jagada madexweynaha inta ka hadhay muddada oo isla markaana magacaabaaya madexweyne ku xigeenka isagoo ka dooranaaya Wakiilada, taasi waxay ina tusaysa in madaxweynuhu ahayn ku meel gaadh ee uu yahay madaxweyne buuxa. Sidaa ayuu Daahir Riyaale ku qabtay jagada madaxweynaha, markaa Riyaale ma ahayn madexweyne ku meel gaadh ah ee wuxuu ahaa madaxweyne buuxa, oo loo tirinaayo jagada intaa uu hayey hal jeer ( one term ), isla markaana si toos ah ayaa loo doortay, sidaa darteed, ayuu Daahir Riyaale ku dhamaystay labadii jeer ee dastuurku u ogalaa inuu qabto jagada madaxweynaha, sidaa awgeed dastuurku uma ogola inuu Riyaale mar kale madaxweyne nimada isu soo taago.
Waxaanu shacbiga Somaliland u sheeganynaa inay ka foojignaadaan wixii gudaha iyo dibadaba kaga iman kara ee khalkhal ka gelin kara doorashooyinka Somaliland ee soo socda.
Eebbaa mahad leh Guulna Somaliland
Somaliland salvation council SOMSALCO
|
The
Author: Ahmed Mohammed .
Authors
Location: Undefined
Authors
Email:
Somsalcouk@hotmail.com
- African
Wildlife Safaris : Kenya Uganda Tanzania
Ethiopia Somalia Malawi Zambia Rwanda Burundi
(Spectrum Guides)
- Camerapix /
Published 1989
Read
more about this title...
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Ahmed Mohammed . The views published here are solely those of its authors Ahmed Mohammed . and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
|
 |
|
Daallo
AirLines
|
|
AT
AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON
(GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO,
KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!
|
|
|
|
|