Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Iscasilaad iyo ka bixid ururka SSE

Posted to the web Aug 09 2007, 07 23 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Aug 09 2007 - Ka dib markaan akhriyey Warsaxaafadeedka ka soo baxay Ururka SSE sumaddiisuna ahayd Tariikhda khaldan ee Ref.132. 01.08.2008(taariikh aan la gaadhin),ururkaas oo aan ka mid ahay Guddigiisa fulinta, marka laga soo bilaabo shirkii Burusel ee horaantii 2007,ahaana Xog.Dhaqaalaha ee ururka.
 
Ka dib markaan akhriyey Shuruucda Ururka ee SSE ,arkayna in Guddigii Fulinta ee SSE iska kala daneysatay ,xilligan hadda la joogana aanay jirin wax Guddi Fulin ah oo shaqeysaa, wax la qabtayna aanay jirin marka la soo bilaabo shirkii Burusel ee horaantii 2007.

Ka dib markaan arkay in Ururka SSE uu ka leexday ujeedooyinkii loo aasaasay oo ahaa hab dhedhexaadnima ku dhisan ,una leexday taageerid koox gaar ah amase Xisbi gaar ah,una muuqdo Ururka SSE mid ku sii milmaya Siyaasada ka jirta xilligan dalka Somaliland .

Ka dib markaan arkay aflegaadada-hanjabaada siyaasadeed ee SSE u jeedinayso Dowlada iyo Shacabka Somaliland aanay galabsan, iyaguna aanay weligood waxba u qaban,balse u muuqda hadal Qurbajoog ah oo aan waxba kala socon xaalada dalka iyo dadku marayaan.


Ka dib markaan tixgeliyey arimahaas iyo qaar kale oo badan oo aanay habooneyn in aan saxaafada u soo gudbiyo,waxaan goaansaday arimaha soo socda:-

1. in maanta oo taariikhdu tahay 07.08.07 aan iska casilo xilkii lay door shirkii Burusel ee 2007 kaas oo aan ugu magacownaa Xog.dhaqaalaha ,balse aanan arag Konto iyo lacag SSE leedahay midkoodna mudadaa.


2. Waxaan kula talinlahaa dhamaan Ururada iyo Jaaliyadaha ka jira Qurbaha in ay fahmaan cida qaska ka wada Siyaasada Guddaha Somaliland iyo cida dembiga leh .
3. Waxaan ka codsanayaa dhamaan Ururada iyo Jaaliyadaha reer Somaliland in ay dhexdhexaad ka ahaadaan dhamaan arimaha Siyaasadeed ee ka jira Somaliland,kuna dadaalaan sidii ay wax u qaban lahaayeen dadkooda iyo dadkoodaba.

ALLAA MAHAD LEH


 



The Author:
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, Uk
Authors Email: golis@hotmail.co.uk

Somalia and Operation Restore Hope : Reflections on Peacemaking and Peacekeeping

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.