Aug 05 2007 - Xarakada siyaasadeed ee ka aloosan Somaliland ayaa baryahanba u muuqatay mid aad u wareersan. Muranka golayaasha ee miisaaniyadda iwm, magacaabista kumishinka iyo saamiga bulshada Somaliland u kala heshay, loollanka madaxnimada iyo xuslinta xisbiga siyaasadeed ee soo biiry, intaba waxa aan wararkooda kala soconnay shabakadaha InterNetka iyo saxaafadaha madaxa bannaan. Markii ay arrimo isla sara tageenna waxaba inna hor yimid falkan lala yaabay ee xabsiga loogu taxaabay duqaydii ururka siyaasadeed ee QARAN oo aan isagu ka sharciyeysnayn maamulka Somaliland. Hase yeeshee waday wacyi galin iyo hawlo siyaasadeed oo aad u xoogganaa. Markii uu shacbiyad fiican helayna noqday, Sagaaradii budka la kulantay. Dad badinina ay maalmahan aad isku weydiinayaan, BUDKAASI CIDDII TUURTAY iyo sababta keentay in maalin kaliya ay maxkamaddu go’aanka noocan ah ka qaadato, iyagoo misana Jeelka Madheera oo aan sharaftooda ahayn u taxaabaya.
Falkaasi haddii uu dhacay, ma in sharciga loola noqdo, oo ay golayaashu ka munaaqashoodaanbaa? Mise waa in ay qabiilooyinku ka shiraan? Maxaase keenay in dad qabiil matilayaa ay go’aan ka qaataan, isla markaasina ay hanjabaadyo u jeediyaan dawladda ka talisa dalka. Dastuurka dawladduse ma oggol yahay in ay qabiillada iyo dawladdu dalka ka wada taliyaan. Arrinkuse ma qabiil kaliya ayaa uu khuseeyaa, maxaase qabiil loogu gaar yeelayaa?
Haddii aanay hay’adda sharci dajinta iyo ta fulintu wada socon oo arrinku kadis iyo qarsoodi u dhacay, waxa habboonayd in shir deg deg ah laga qaato, af hayeenka baarlamankuna haddii uu qiray in ay qalad ahayd waxa waajibkiisu ahaa in uu iska casilo mas’uuliyadda uu hayo, isla markaana uu caddaysto mucaaridnimada ka muuqatay warbixintiisii ku wajahnayd xadhigga odayadan. Waayo, may ahayn in uu ogaan waayo falka noocan ah. Kaasi oo ay weliba fuliyeen hay’adihii sharci fulinta iyo ammaanka dalka ee ay iyagu mas’uulka ka ahaayeen.
Shirka qabiil iyo qayla dhaanta qabiilna wax ay soo kordhinayso ma leh, kala fogaansho iyo qalalaase ayaanay hormood u tahay. Talada shacabkana waxa iska leh dawladda, haddii ay geftana waxa sixitaankeeda leh, golayaasha iyo xisbiyada mucaaridka ah. Iyaga ayaana codka bulshada ku hadli kara, oo u hadli kara shacabka, lana doodi kara maamulka ka jira dalka. Dawladdana waxa xaq loogu leeyahay in ay arrimaha noocan ah ee xasaasiga ah ka hadasho, laakiin maaha in ay ka aammusaan.
Kaftankuna maaha in uu tago meel fog, oo durbadiiba lala soo boodo INA RAYAALE QULUNJEED AYAA UU KU NOQON amma dhanxiir uu yidhaa TANI WAXA XIGTA AWDALLAND. Wax kasta oo dhacana haddii aan samir iyo dul qaad loo yeelan, oo markiiba fudayd, casabiyad iyo xanaaq lala boodo, waxba innoo xallilmi maayaan. Rayaalana weligiiba joogi maayo ee waa uu tagi doonaa, shacabka reer Somalilandna waa dad isku dan ah oo aan sinaba u kala maarmin, rabitaankooduna yahay nabad iyo horumar. Jabhadnimo, Mujaahidnimo iyo badeecooyin noocaasi ahna aan maanta diyaar u ahayn. Gobolka geeska Afikina maanta maaha mid qalalaase u baahan, meesha u fayoobina waa Somaliland. Haddiise la inna soo gal galayo waa arrin kale. Cadaw sidaa innala rabaana innagama foga.
Ugu dambayn, xadhigga odayadu waa mid aanan marnaba jeclaysan. Sharciga iyo dastuurkuna waa in aanu noqon mid is burinaya. Xallinta masalada sharciguna waa mid u taalla golaha wakiillada oo iyagu ah hay’adda sharci dajinta. Haddii aanay awoodi karinna maaha in ay ummadda u horseedaan qas iyo wareer. Arrinta QARAN iyo dawladduna muddo ayaa ay soo jiitamaysay, kamana ay idho la’ay. Waxase ay ila tahay in ay indhaha ka qarsadeen oo ay iyagu mas’uul ka yihiin xadhigga odayada Qaran.
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahA Goth. The views published here are solely those of its authors A Goth. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here