Aug 05 2007 - F.G. (Qof kasta oo aqoon sheeganaya waxaa ku waajib ah in uu akhriyo Dastuurka Somaliland,waxaana muhiim in la fahmo in Dastuurka la sameeyey ka hor intii aan la sameyn Xisbiyada hadda jira,mana ahayn Dastuurku mid kooxda Qaran loo sameeyey )
XUB1NTA 2AAD MABAADI'DA GUUD
QODOBKA 8AAD SINNANTA MUWAADINIINTA
1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.
2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.
3. Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad Ia siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.
QODOBKA 9AAD NIDAAMKA SIYMSADEED
1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan. 2. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi. 3. lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.
Qaybtan waxay ku eegaynaa labada Qodob 8aad iyo 9aad ee Axdi Qarameedka Somaliland ,waxaa filayaa in Q-8aad ee axdi qarameedka Somaliland uu si cad u qeexaya sinaanta dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland iyo weliba xuquuqda ay leeyihiin dadka Ajanebiga ah ee ku nool Somaliland marka laga reebo Siyaasada.,waxana haboon in si deg deg ah loo dhameystiro Xeerarka u gaarka ah Q-8aad .
Akhristoow waxaa sidoo kale aynu qaybtan ku eegaynaa Q.9aad ee Dastuurka Somaliland oo runtii ah qodobka ugu xasaasisan,sidoo kale waa qodobka saldhiga u ah dhamaan muranka Siyaasadeed ee maanta ka jira Somaliland,waa qodobka Dowlada iyo Dr.Gaboose isku haystaan ,mid walibana uu ku doodayo,
Q.9aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu ka kooban yahay 3farqadood,farqad kastana waxaynu u eegeynaa goonideeda.
F.1aad waxay u qoran tahay sidan:- 1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
Farqadan waxaa si cad u qeexday nidaamka ay qaadatay Somaliland ,waxaanan qabaa si cadaalad ah loo fuliyey loona hirgeliyey ,waxaana markhaati cad u Xisbiyadii faraha badnaa ee la furay sanadkii 2000 si ay uga qayb galaan Doorashooyinka Deegaanka ,waxaana ka mid ahaa UDUB-KULMIYE –UCID-SAHAN-HORMUUD-ILEYS-AXAD iyo kuwo kale.
Waxaa la qabtay doorashadii Deegaanka,waxaana ka soo baxay 3 Xisbi ee hadda jira kuwaas oo kala ah.UDUB-KULMIYE IYO UCID ,ka dibna waxay xaq u yeesheen in ay ka qayb galaan Doorashooy Madaxtooyada iyo tii Golaha Wakiilada.
Sida ay ila tahay F.1aad ee Q .9aad sideedii ayaa loo meelmariyey , mana jiraan wax ka khaldan farqadaan .
F2aad waxay u qoran tahay sidan:- 2. “Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.”waa soo baxeen,oo waa UDUB-KULMIYE-UCID.
xagee bay kaga qoran tahay in Xisbi kale la sameeyo? Amase xagee bay kaga qoran tahay in marka Doorashada Deegaanka la gaadho la furo Xisbiyo badan?,xagee bay kaga qoran tahay Olalaha ay wadaan nimanka QARAN la baxay? waxay aniga ila tahay in farqadani ay cadahay,mana qabo in wax ka badan 3 Xisbi dalka iyo dadku qaadi karaan.
F3aad,waxay u qoran tahay sidan 3.”lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.”
Farqadani waxay tilmaameysaa in Xeer gaar ahi qeexayo sida Xisbi loo furan karo iyo waxyaabaha ka reeban cid kasta oo doonaysa in ay Xisbi furtaan.
Haddaba Mucaaradka ,Ururada ,shaqsiyaadka qalalaasaha dalka ka wada ,waxaa ku haboon in shacabka laga daayo qalalaasaha laga dhex wado.
Shacabka reer Somaliland waxaan kula talin lahaa in aanay dib ugu noqon HAB BEELEEDKII laga soo gudbay ee aan fiicneyn. Qurba-jooga reer Somaliland waxaan ka codsanayaa in dalka iyo dadku ugu baahan yihiin WAXQABAD balse waxaad moodaa in khalad ka fahmeen siyaasada dalka.
Mahadsanidin (…la soco qaybaha kale….)
The
Author: Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors
Location: Man, Uk
Authors
Email:
abdi_saleiman@hotmail.com
Katheryne
Loughran (Editor), et al / Paperback / Published
1986
Our Price: $27.50
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahAbdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here