Jul 29 2007 - Salaamu Aleekum;Dhamaantiin waan idin wada salaamay. Marka xiga waxa mar dhawayd la i soo gaadhsiiyey in la xidhay Dr. Gaboose, Muj. Maxamed Xaashi, iyo Jamaal Caydiid. Mudo ku dhadhoow 30 meeyo sanno ka hor bay ahayd markii Inj. Maxamed Xaashi iyo 6 nin oo uu ku jiro toos ugu dhawaaqeen SNM. Qorshaha laga lahaa maalintaa SNM in la abuuro waxa keenay xukun kali talis ah, xaqdaro qof ka lagu xidho, kufsi, dhac, iwm. Waxa halgankii dhalay waxa maanta aynu ugu yeedhno Somaliland. Su’aasha u baahan in aan is waydiino dhamaanteen waxa weeye, hadii waxa hada jooga aan aqbali karo, maxaan 1988-1991 u burburinaynay Hargeysa, Burco, iyo Berbera? Hadii aan aqbali karo in muwaadinka lagu dulsocdo, maxaan bara kaca intaa leeg ugu badheedhnay? Hadiiba Somaliland ay maanta marayso kuwii u soo halgamay in god lagu rido, maxaan u diidaynay nidaamkii kaligii taliye Afweyne?
Waa ayaan daro in Riyaale saamaxaadii la saamaxay in ay ku filaan waydo oo maanta uu miciyo la soo baxo. Waxa hubaal ah oo aan u baahnayn markhaati in dadkii dhagta dhiiga loogu daray Lawyacado, ee Jibuuti laga soo mastaafuriyey in uu Riyaale lug ku lahaa. Waxaa marag ma doon ah in dadkii Carabaha laga soo mastaafuriyey ee dhagta dhiiga loogu daray Berbera SNM baad taageertaan markii Berbera la keenay in uu Riyaale lug ku lahaa. Maantana waxa uu cadaystay inuu dagaal qaawan kula kaco Ragii Illaahay ka sokow sababta u ahaa Somaliland.
Waxa haboon in runta la isu sheego oo la is waydiiyo, waxa aynu rabno maxay tahay? Ma dal baan rabnaa in aan noqono xaq iyo sharci lagu kala socdo, mise meel kolba guruubkii yimaadaa sida ay doonaan ugu takri falaan oo dadkana lagu khuukhiyo NABAD GALYADA AAN DHOOWRO? Nabad Galyada ninka diidani waa ka u diidan muwaadinka in uu xuquuqda sharcigu siiya ku dhaqmo, lagulana dhaqmo.
Sharcigu one way street maaha, mid dhinac qudha qabta oo lagula dhaqmo maaha, ee waa in loo wada sinaado. Hadii taasi dhici waydo, kan awooda sheeganaya isna loo aqoonsan maayo qayb ta qudha ee sharciga ka mid ka ee isaga awooda siinaysa. Isna sharci kuma joogo oo kuguma haysto ayay ka dhigan tahay.
Markaa ta xigi “NINKII CAQLI LIHII WUU GARANAYAA DOQONA LOO SHEEGI MAAYO”. Qolada maamulka ee guriga quraarada ah ku jirta dhagaxana tuurtuuraysa, waxa aan u sheegi in cida wax kasta waayeysaa ay iyaga tahay, oo cid kale oo caano ka daadanayaana aanay jirin. Taa Riyaale iyo daba dhilifkiisa Cawil, C/laahi Ciro, Dhoolayare, Sulub, iyo Awr Kiraale Ismaaciil Faqash ha loo sheego, hadii ay rumaysan waayaana ha loogu dhaarto.
Somaliland ama ha lagu kala guuro ama wixii loogu badheedhay halgan ka dheer waa in muwaadin kasta oo ku nool uu helo. Beerka jecli xaydha jecli iyo nabad la isku khuukhiyo mid na meel inagayn mayso, ee waa in xaqa loo hiiliyaa, hadii kale maaweelo caruurta halagu jiro inta baaqigii ka hadhay Afweyne, C/laahi Yusuf Yey iyo qayrkii inta ay yimaadaan oo fuliyaan riyadiisii ahayd Beer oo Burco agteeda ah waa gobol ka Cayn, Sanaag iyo Sool na tiradaba marka hore kuma jiraan oo in ay ka taliyaan bay u haystaanba. “NINKA TA JOOGTA AAN GARAN TA SOO SOCOTANA MA GARTO”. Bal aan dhawro ayaamo iyo halka ay ku danbayso.
Salaamu Aleekum;
The
Author: Rashiid .
Authors
Location: USA
Authors
Email:
arashiid@yahoo.com
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ahRashiid . The views published here are solely those of its authors Rashiid . and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submitArticle or OpinionClick Here