Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland
Fly Daalo Airlines Today | Fast Money Transfer at DahabShiil

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Baro Dastuurka dalkaaga Somaliland .Qaybtii 4

Posted to the web Jul 25 2007, 06 16 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Jul 25 2007 - Qaybta 1aad ee Dastuurka Somaliland waxaynu ku geba gebaynaynaa Q7aad,kaas oo ka kooban 4farqadood,kuwaas oo si cad u qeexaysaa CALANKA,ASTAANKA QARANKA,HEESTA QARANKANKA ee Jamhuuriyada Somaliland.
 
Qaybta 1aad ee Dastuurka.

Farqada 4aad ee qodabkan waxay si cad u qeexaysaa wax ka bedelka Calanka,Astaanta iyo Heesta Qaranka,waxay sidoo kale qeexaysaa cida iska leh wax ka bedelkaas oo ah “Golaha Wakiilada Somaliland”
Waxaa filayaa in qodobkani aanu lahayn wax dhaliil ah,dhamaan arimaha uu ka hadlayaana waa cad cad yihiin, qodobka 7aad wuxuu u qoran yahay sidan:-
QODOBKA 7AAD
CALANKA, ASTMNTA & HEESTA QARANKA

1. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle'eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.

2. Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay "ALLAAHU AKBAR" oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo Far Carabi ah.

3. Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.

4. Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go'aan Golaha Wakulada.

Mahadsanidin, (…la soco qaybaha kale….)
 



The Author:
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, Uk
Authors Email: abdi_saleiman@hotmail.com

Daallo Airlines $600 From Europe, Click Here For Details

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.