Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland
Fly Daalo Airlines Today | Fast Money Transfer at DahabShiil

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Baro Dastuurka dalkaaga Somaliland .Qaybtii 3

Posted to the web Jul 19 2007, 22 05 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Jul 19 2007 - Qaybtan waxaynu ku eegaynaa Q3aad,4aad,5aad iyo 6aad,waxayna u qoran yihiin sidan .Waxaana fiican in qofkastaa fahmo in qaar ka mid ah Qodobada Dastuurka ay sii qeexayaan “Xeerar gaar ah,oo dhameystirkooda laga sugayo hayadaha u xilsaaran sida Golaha Baarlamaanka Somaliland.
 
Qodobka 3aad wuxuu qeexayaa Magaala Madaxda Somaliland oo ah magaalada Hargeysa,waxayse ila tahay in uu qodobkani u baahan yahay faahfaahin dheeraad ah,tusaalle ahaan ma cada in la bedeli karo iyo sababaha lagu bedeli karo magaalo madaxda Hargeysa ,waase laga yaabaa in Xeer gaar ah uu qeexayo.

Qodobka 4aad wuxuu qeexayaa Jinsiyada,wuxuuna ka kooban yahay 2firqadood oo kala ah qofka reer Somaliland u dhashay iyo farqada 2aad oo ku saabsan Xeerka qeexaya sida lagu helo Jinsiyada Somaliland iyo sida lagu waayi karo Jinsiyada.Xeerka anigu shaqsi ahaan ma arag meel uu ku qoran yahay.

Qodobka 5aad waxaa ku cad DIINTA ummadda reer Somaliland ku dhaqanto oo ah Diinta Islaamka,waxaa kaloo ku cad in aan Diinkale lagaga dhaqmi Karin,laga faafin Karin Somaliland

Qodobkani wuxuu ka kooban yahay 4farqadood, F1aad iyo F2aad waa cad yihiin,laakiin F3aad iyo F4aad waxay u baahan yihiin faahfaahin dheeraad ah,horena waxaa uga dhashay muran xoogle.

Qodobka 6aad ee Dastuurku wuxuu ka kooban yahay F1aad oo qeexaysa Afka rasmiga ah ee dalku lee yahay iyo F2aad oo sheegayska istimaalka Afafka kale.

Aniga shaqsi ahaan waxay ila tahay in Afka rasmiga ah ee dalka Somaliland loo daayo Afka Somaliga,Afafka kale sida Carabiga iyo Ingiriisiga laga dhigo luqada 2aad amase loo isticmaalo wixii looga fursan waayo.

Waa kuwan qodobadii aan ka soo qaatay Dastuur Somaliland.

QODOBKA 3AAD
MAGAALO-MADAXDA
Magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa HARGEYSA.
QODOBKA 4AAD
JINSIYADA

1. Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana Isiran dadkii deganaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960kii iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland.

2. Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama waayi karo Jinsiyadda Somaliland.

QODOBKA 5AAD
DIINTA

1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta Islaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reeban faafinta Diin aan ahayn Diinta Islaamka.
2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa shareecadda Islaamka; waxaana reeban wixii xeer ah ee ka soo hor jeeda.
3. Dawladdu waxay oogaysaa shacaa’irta diiniga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta shareecadda. Sidoo kale waxay ka hor tegaysaa fusuqa iyo anshax-xumada.
4. Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan Islaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah.

QODOBKA 6AAD
AFKA

1. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa AF-Soomaaliga; Afka labaadna waa Af-Carabiga.
2. Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.

Mahadsanidin
(…la soco qaybaha kale….)
 



The Author:
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, Uk
Authors Email: abdi_saleiman@hotmail.com

The State and Rural Transformation in Northern Somalia, 1884-1986 ~ Ships in 2-3 days
 
Abdi Ismail Samatar / Hardcover / Published 1989
Our Price: $40.00


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Click Here For Ads Info
Daallo AirLines
AT AN UNBELIEVABLE FARE FLY FROM LONDON (GATWICK) TO HARGEISA, MOGADISHU, BURAO, BOSASSO, GALKACYO, KISMAYU & ASMARA... HURRY ONLY FEW SEATS AVAILABLE !!!!!

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.