Hadaba iyadoo uu dabku yahay masiibo ilaahay keenay oo aan sababtiisa cidna lagu canaanankarayin ayaa misana umada reer Somaliland waxa shoog iyo naxdin ku noqday kuwooda gudaha jooga iyo kuwa wadanka dibadiisaba joogaba Caasimadaa dhan ee aan gaadhi dabdamisi joogin iyo gurmad la,aanta dawlada manta dalkan ka talisa
Waxan caqliga somalilanderka marnaba galayin oo aan dawladan xukunka haysa loogu dulqaadan karayin waxay awood u wayday dhawr gaadhi oo dabdamis ah oo bal ugu yaraan magaalooyinka waaweyn oo dadku ku badan yahay la dhigo
Waxa halkaas ka muuqata masuuliy daro iyi maan gaabnimo iyo waliba caqli xuma aan qiyaas lahayin Bal waxad tusaale u soo qaadataa ilaahay inaguma keenee madax tooyada oo dab qabsado ma gacmaha dadka iyo booyadaha masaakiinta ee shicibku leeyahay ayaa lagu baq tiinayaa YAAAAAAAAAAAB
Akhristoow miyaanay masuuliyad daro ahin in wasiirka maaliduna ku qudbadeeyo safarkasta oo madax weynuhu ku baxo wadanka dabadiisda waxa ku baxa $100,000
Hargeysina dabdamis $15000 shan iyo tobonkun oo dolor ah ma leh
Miyaanay naxariis daro iyo cadawnimo ahayin in loo soo gurman waayo muwaadiniinta marka masiibo haleesho sida hooyadan agoonta gurigan shufbeelay oo kale
Miyaanay ahayin in dadka shicibka ah ee codkooda riyaale siiyey inay wax badan is weydiiyaan Miyaanay ahayin arimaha Somaliland guud ahaan ka dhacayaa iyo dayaca ka muuqda waxay dawladani ka masuul tahay Mise waxay ina odhanayaa meeshaba waxba mayaaliin aan ahayin intaas yaree anu ku safaro
Waxan kaloo aad kolayba anigu isu weydiinayaa bal caasimadii ay dowladu daganayid ayaa sidaasi kawaran goboladii kale dagmooyinkii, tuulooyinkii, miyigii
Waxan ilaahay umadan u waydiinaynaa cid u naxda in xilka ugu dhiibo Waxan kaloo ilaahay umadan dulman u waydiinaynaa inuu xaqa garan siiyo oo ay ka il baxaan beenta xiliga doorasha dhagaxaanta milyanaadka lagu dhigayo
Waxan leenahay ka muwaadin ahaan uma baahnin been lagu dhigo warshado malaayiinee waxanu u baahanay DABDAMIS,
DHAQTARKU waa kii ingiriisku dhisay xiligii hargeysa boqolka kun ee qof in ka yari ku noolayid JEELKU waa kii ingiriisku dhisay Madaxtooyadu waa tii uu dhisay ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, Wadooyunku waad aragtaan
Waxan qoraalkaygan gaaban ku soo ururinayaa NINKAAD KABAHA KA TOLONAYSU KUWIISAA LA EEGAA
Waxan leeyahay mawaadinka Somaliland waxaas iyo wax kun jeer ka badan ayuu u baahan yahay UMA BAAHNA beeeeeeeeeeeeeeen
Qalinkii Axmed Cilmi Yare
|