Sanad Guuradii 21aad ee Geeridii Xaaji Aadan Afqalooc
-
|
|
- Jul 14 2007 - Taariikhdii iyo mahadhooyinkii suugaaneed ee Xaaji Aadan Afqalooc
Qaybtii 3aad
|
|
|
Sanado yar kadib ayaa Guumaystihii Ingiriisku xaajiga Aadan ku xukumay dil waxaana loo taxaabay jeelka Cadan. Nasiib wanaag Xaaji Aadan waa ka baxsaday jeelkii waxan uu ku dhuuntay Markab u socday dalka France waxanu Xaaji Aadan gaadhay Magaaaladda xeebta ku taal ee Maarsiili halkaas oo lagu qabtay Xaajiga waxan loo so masaafuriyay dalka Jabuuti mudo yar kadib ayuu Xaaji Aadan go’aansaday inuu iskaga tago dalka Jabouti wuxuuna u anbabaxay Magaaladda Ubukh isagoo usii dhaafay Musawac kadibna waxa uu lugu ku sii maray dhamaanba dalka Sudaan waxaana uu gaadhay dalka Masar casimadiisa Qaahira halkaas oo u ku biiray Jaamacadda Caanka ah ee Jaamacutu Al- Azhar halkaas oo u kusoo bartay cilmiga diinta Islaamka.
Markii uu ka soo baxay Jaamacada waxa uu Xaaji Aadan soo degay Dalka Sudaan waxan uu Diinta Islaamka baray Guud ahaanba labo dagmo oo ku yaal dalka Sudaan oo la kala yidhaahdo Noba iyo Jabal diin waxana uu ah Xaajigu ninkii u horeyay ee bara Diinta Islaamka Dadka ku dhaqan degmooyinkaas waxan uu halkaas ka abuuray xer uu madax u yahay wuxuuna aasasay dugsiyo quraan.
Markii u mudo joogay Dalka Sudan ayaa Gumaystihii Ingiriisku ku eedeyay inuu tageero ururada dhaqdhaqaq xornimo doonka Sudan waxan Xaajiga loo taxabay jeel ka markii u xidhna mudo Saddex bilood ah ayaa la sii dayay waxan uu u guuray Gobolka Kariim ee dalka Eritrea Lix bilood kadib ayuu Sudan ku soo noqday waxanuu madax ka noqday Wado laga dhisayay Gobol kamid ah Sudan halkaas oo uu lacag badan Xaajigu ka hantiyay wuxuuna hadan ku tegay Gobolka taneet ee Eritrea mud yar kadib ayuu ayuu u guuray Dalka Ethiopia isago degmo ku taalka Ethiopia ka furtay Tukaamo iyo Meelo saliida lagu miiro waxan uu halkaas ka bilaabay Xaajigu dhaq dhaqaaq ganacasi, markii u mod ka shaqaytay halkaas ayaa waxa maalin isagoo Xaajigu ku maqan Qadhaabsi Degmadii soo galay Ciidan uu laha Boqorka dalka Ethiopia waxany baabiyeen Magaaladii oo dhan waanay gubeen waxan halkaasi ku baabaday hantidii Xaajiga oo markaasi musalafay
Qaybtii Hore
La soco Qayb kale oo xiso badan…………….. By Siciid Maxamed Xaaji Cismaan Cimsaan20@hotmail.com Burao Somaliland Mob: 252-2-4439721
|
The
Author: Siciid Maxamed Xaaji Cismaan .
Authors
Location: Burco, Somaliland
Authors
Email:
Cimsaan20@hotmail.com
Somalia
and Operation Restore Hope : Reflections on
Peacemaking and
Peacekeeping
Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Siciid Maxamed Xaaji Cismaan . The views published here are solely those of its authors Siciid Maxamed Xaaji Cismaan . and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.
|
|