Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland
Fly Daalo Airlines Today | Fast Money Transfer at DahabShiil

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Baro Dastuurka dalkaaga Somaliland .Qaybtii 1aad

Posted to the web Jul 10 2007, 03 00 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article

Jul 10 2007 - Dal kastaa wuxuu leeyahay Dastuur iyo Xeerar u gaara,kuwaas oo loogu tala galay laba arimood oo kala ah , in lagu kala hago guud ahaan shacabka ku dhaqan dalka iska leh Dastuurka iyo qayb la xidhiidha sida loola dhaqmayo ummadaha ku nool caalamka ee aynu dhaqan,luqad midab-ba kala duwan nahay,laakiin aynu leenahay xidhiidhada kala duwan.
 
Marka dal Dastuur loo Someynayo,waxaa loo saara koox aqoon yahano ah oo soo diyaariya Dastuurka,iyagoo sal uga dhigaya Diinta,dhaqanka,dabeecada,luqada iyo dhamaan waxyaabaha kale ee shacabka dalkaa degani wadaagaan,waxaa kaloo ay sal uga dhigaan xidhiidhka ka dhexeeya caalamka iyo shacabkaas.

Marka kooxdii amase sharci yaqaanadii loo saaray soo dhameeyaan qorista Dastuurka ayaa waxaa loo gudbiyaa,hayadaha kale ee ku shaqada leh si ay uga baaraan degaan, ugu dambeyna waxaa la soo hordhigaa shacabkii loo soo diyaariyey Dastuurkaas si ay u ogolaadaan amase u diidaan.

Haddii shacabku ogalaadaan,wuxuu noqdaa mid la dhaqan geliyo ku dhankiisa ,haddii ay diidaanna dib ayaa logu noqdaa si loo eego wixii la diiday amase wax looga bedeli lahaa.Dastuurka iyo xeerarkiisa faraha badan wax waa laga bedeli karaa,waxna waa lagu kordhin karaa ka dib mar la soo mariyo hayada ku shaqada leh.

Hadal iyo dhamaan waxaa jecelahay in halkan idiinku soo gudbiyo qaybo taxana ah kuwaas oo aynu ku eegi doono Dastuurka Somaliland,waxaan jecelahay in aynu akhrino,barano si aynu u ogaano,wuxuu diidan yahay iyo wuxuu ogol yahay, si looga baxo muranka taagan,waxaa kaloo inoo furan in aynu ka talo bixino wixii aynu is leenahay waxaa ku jira mad madow.

Qaybtan waxaynu ku eegaynaa Q.1aad ee Dastuurka Somaliland,qodobkani wuxuu ka kooban 1,2 wuxuuna qeexayaa Dalka Somaliland iyo cida iska leh awooda iyo karaamada Qaranimo,wuxuuna u qoran yahay sidan:-

QODOBKA 1AAD

QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1. Dalkii maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii midowday ee Ingiriiska iyo Woqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaaliya 1dii July 1960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic), ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May 1991kii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan, Dal madax-bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaban "Jamhuuriyadda Somaliland.”

2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka kale.

mahadsanidin


 



The Author:
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
Authors Location: Man, Uk
Authors Email: abdi_saleiman@hotmail.com

Yesterday, Tomorrow : Voices from the Somali Diaspora .

Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste). The views published here are solely those of its authors Abdi M.Saleiman(Mingiste). and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

 


Riix halkan hadii aad soo diraysid fikradaada. To submit Article or Opinion Click Here


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.