Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile


Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Jaamac Gaabuush. The views published here are solely those of its authors Jaamac Gaabuush. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net . Article and Opinion

Dhagarta ku Gedaaman Kordhinta Xilka Guurtida

May 09 2006 Waxa dhakafaar iyo fajac noqotay markii mar keliya la maqlay warkii sida bamka qarxay isaga oo aan xiin iyo sanqadh hore midna lahayn. Hadaba waxay dad badani is weydiinayaan dhawr arrimood oo is qaban-waayey. Kuwaas oo ay kamid yihiin:
 
1. SABABTA keentay FIKIRKA ah in xilka Guurtida loo dheereeyo.
2. KEDISKAN iyo ka-gaadhsiintan ay Xukuumadda, Maxkamadda Sare iyo Guurtidu isula kaashadeen arrintan iyo SABABAHAN ay abuurteen.
3. GOLAHAN isagu isu KORDHINAYA (jarayaa dhigayaa).
4. MUDDADA intan leeg ee AFARTA SANO ah.
5. TALO la'aantan aan cidna lagala tashan sidii KORDHIMIHII hore ee Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada ee Axsaabta Qaranka iyo Komishanka Qaranka lagala tashan jiray.
6. Iyo arrimo kale oo badan oo aanan halkan kusoo koobi karin.


Cajiib. Ma yaabtay akhriste? Bal sheekadan aan daaha kaaga qaadayo dhugo.

Qorshahani waa mid laga shaqeeyey oo leh ujeeddooyin la lafa guray dhinacyo badanna laga eegay laguna soo gunaanaday in sidan si aan ahayn Xukuumadda Riyaale iyo Xisbiga UDUB midna majaraha wadanka kusii haysan karaynin. Weliba waa KOOX kamida UDUB oo uma dhama arrintan. Waxase xaqiiqo ah in Xukuumadda, Guurtida iyo Maxkamadda Sare intaba UDUB u taliso

Bal Scenario-han eeg:

1. Xisbiga UDUB wuxuu is tusay in Doorashada ugu soo horaysaa tahay midda Guurtida oo qaabkii la doono ha lagu soo doortee AQLABIYADDA labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID helayaan! ..... Hada waa sanadkan bishiisa tobnaad. Halkaa waxa Rayaale is tusay in Guurtidana laga qabsanayo oo labada gole ee sharci-dejintaba lagu hafinayo xisbigiisa UDUB xukunkiisan cawajka u xidhanna aanuu sidan ku wadi doonin.
2. Doorashada Goleyaasha Deegaanka oo iyaduna ku beegan dhammaadka bisha Diisambar ee 2007. Taasna waxa uu UDUB is tusay in AQLABIYADDA laga qaadayo. Halkaasna waxa UDUB uu ku luminayaa maamulka gobolada iyo deegaannada hoose.
3. Intaasba waxa ka daran, doorashada MADAXTOOYADA oo ku beegan bisha afraad ee 2008 (April). Hada, waa iyada oo UDUB laga haysto SADDEXDA GOLE ee Wakiilada, Guurtida iyo Degaanada! Bal hadda Maayaradiina waa laga haystaaye la soco!

Akhriste, ma ila fahantay hadda meesha ay sartu ka urayso! Rayaale iyo kooxdiisu waxay is tuseen in WADDO cad la marsiinayo oo SHACABKA ay dayaceen TOOBIYAHA marsiinayo. Hadda waa shacabka cidda ay ka ordayaan ee la soco. Waayo dee? Waa shacab ay dishootay darxumo, caddaalad-darro, dayac iyo musuqmaasuq. Golaha Guurtida oo muddada loo kordhiyo dhib weyni kuma jiro wadankuna u dumo maayo ee "wadaan ka adkiye wax kalaa jira".

Xaqiiqada meesha taalla ee kuu fasiraysa dhammaan su'aalaha aad is weydiinaysaa waa taas. Waxa aad maqlidoontaa maalin dhawna, in doorashada GOLEYAASHA DEEGAANKA iyo MADAXTOOYADANA la isku daro. Ama waxaad maqlidoontaa Goleyaasha Deegaannada oo iyaguna KORDHISTAY shan sanadood iyada oo Maxkamaddu u fasirtay sidaas. SABAB? Intan meesha haysataa waxay ka baqe qabaan shicibka iyo maatida ciilku hayo oo codkooda kaga aar-goosandoona. La arki doonee.

Intaasi waa hordhac iyo iftiimin. Aan u soo daadego waxyaalaha la cuskaday ee lagu soo marmarsooday.

DHICINTA DIMUQRAADIYADDA

Waxa aan wada ogsoonnahay in Somaliland waddo dheer oo qodxo leh u soo martay nidaam maamul oo ku dhisan talo-wadaag dadkuna u yaqaanaan Dimuqraadiyad. Dustuurka ayay ku qorantahay in hanaanka dimuqraadigu u yahay sal nidaamka maamul ee JSL. Si fiican ayaa loo abqaalay hanaankan waxaana uu soo gaadhay meel caalamku ka markhaati noqday. Hadaba tallaabadan xukuumaddu qaadatay ayaa ah mid dhicis ka dhigaysa hanaankaas aan weli tooska u hana qaadin. Waxaad akhriste ogeyd inta jeer ee xisbiyada Qaran, goleyaasha iyo hay'adaha qaar sida Komishanka uga wada tashan jireen arrimaha siyaasadda wadanka. Maantana waxa jira Gole si toosa Shacabku u soo doortay oo kalsoonida shacabka ku fadhiya tirada u codaysayna aanay u codaynin xataa madaxweynaha iska daa Guurtida iyo Maxkamadda Sare oo aan midna hal cod shacabka ka heline. Iyada oo aan la haysan axsaab qaran oo SAGAAL urur jiraan ayaa wax kasta laga heshiin jiray macdala waa iyadoo Saddex Xisbi Qaran oo wakiil ka ah dadku meesha joogaan.

Sidee ayay suurtogal ku tahay in Xisbi keliya oo laga kalsooni badanyahay taladii wadanka oo dhan tuurta u rito. Ma waxay metelaan intii soo dooratay oo keliya? (Tirada labada xisbi ee mucaaradku heleen labadii doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladuba way ka badanyihiin inta UDUB heshay).

QODOBADA LOO ADEEGSADAY

Sida ku cad wararka ku saabsan arrintan, waxa la sheegay qodobo loo adeegsaday arrintan si shacabka miskiinka ah loo SIRO.


1. Qodobka 98 faqradiisa koobaad waxay khusaysaa fasiraadda XEERARKA kasoo baxa goleyaasha dustuuriga ah waxaana uu u dhiganyahay sidan: "In uu fasiro micnaha XEERARKA KASOO BAXA GOLEYAASHA DUSTUURIGA AH iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka". Haddaba waxa is weydiin leh, waa kee XEERKA ay maxkamaddu fasirtay? Horta meesha xeer goleyaal soo ansixiyeen ma yaallo oo la isku qabtay fasiraaddiisa faqradda qodobkanina ma khusayso dikreeto madaxweyne. Isla qodobkan 98aad faqraddiisa J. qeexaya fasiraadda garsoorku ka bixin karo DUSTUURKA, HADDII muran ka yimaaddo waxaana uu u dhiganyahay sedan: "Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka". Su'aasha kale ee isweydiinta lihi waxa weeye, MURANKEE ayay maxkamaddu ka talo-bixinaysaa? Goorma ayaa la isku qabtay qodobkan yaase isku qabtay? Akhriste, waxaad arkaysaa inay tahay qorshe maleegan oo loo dhanyahay loona kala hadhin.



2. Qodobka 42aad waxa uu khuseeyaa Golaha Wakiilada mana jirto HAL KELMAD ah oo ka khusaysa Golaha Guurtida. Qodobkan faqraddiisa 3aadna waxay ku saabsantahay wixii la yeelilahaa haddii doorashada Golaha Wakiiladu qabsoomi weydo iyo duruufaha aanay ku qabsoomikarin oo la qeexay. Wax ka hadlaya doorashada Golaha Guurtida waxa jira qodobka 58 oo laba faqradood ah waxaana ay kala yihiin mid sheegaya muddada xilka ee Guurtidu inuu yahay 6 sano iyo faqradda kale oo sheegaya in xeer loo samaynayo nidaamka doorashada Golaha Guurtida (waana xeerka Golaha Wakiilada hor yaalla ee gacanta lagu hayo). Haddii la yidhaahdo qodobkan 42aad haloo isticmaalo Golaha Guurtida waxa aan marna la dhaafi karin xaaladaha qodobku qeexay kuwaasina ma jiraan oo laba sababood ayaa meesha lagu darsaday oo ah, doorashooyinka oo fara badan iyo MUDDADII xilka Guurtida oo soo dhawaaday iyada oo aan xeer u dhammaystirnayn. Hadaba, hadiiba la qaato labadan sababood oo inay dib u dhigi karaan laga soo qaado, sidee ayay ku dhalikaraan AFAR SANADOOD?


ARRIMAHA KALE EE LA SHEEG-SHEEGAY


1. Waxa wax lagu sababaynayey oo la yidhi, " wadanka oo ku jiray Doorashooyin is daba-jooga". CAJIIB! Oo markii nidaamka axsaabta badan iyo dimuqraadiyadda la qaadanayey maxaa looga jeeday? Cidda waxan qortay miyey huruday markaas? Hadalkan laftiisa ayaa laga qori karaa buug. Waayo wuxuu hadalkani ka turjumayaa SADDEX arrimood. Midda koobaad, wuxuu kasoo baxay qof ay dhibayso doorashadu oo jecel inuu maamulka muddo dheer ku fadhiyo. Waa qof ay shaqsiyaddiisa ku jirto waxoogaa dikteetarnimo ah oo dhibsanaya kalsoonida shacabka ee soo noqnoqonaysa. Ta labaad, waa qof JAAHIL ka ah nuxurka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Horta dimuqraadiyaddu waxay ku fadhidaa awoodda shacabka, awooddaasna waxa ay ku gutaan doorashooyinka. Dimuqraadiyad bilaa doorashooyin ahina waa tii nidaamkii TAARIIKHDU BURBURKA KU XUKUNTAY ee laga soo gudbay ee shuuciyadda iyo "Politburo", qofkii kusoo dhaqmijiray way kusoo doogi kartaa, taa ma sheegin. Ta saddexaad, waa qof aan fahmin micnaha doorashada laga leeyahay. Adduunka wax kastaa waxay ku fiican yihiin inay is bedelaan, wax raagana waxa ugu xun xukunka waxaana ka dhasha fasaad. Xataa biyaha meel fadhiyaa iyaga oo aanay waxba daarin ayay sidooda u soo uraan markay raagaan laakiinse biyaha soconaya ee durdurka ahi mar kasta waa nadiif. Dhinac kale marka aad ka eegtid, bani aadamku wuxuu ku socdaa dhiigga oo wareega iyada oo cells badani dhimanayaan kuwo kale oo cusubina dhalanayaan. Dhiigaa wareega waxa u halis ah AIDS-ka. Sidaas oo kale ayay doorashooyinku xukunka ku yihiin. Waxay keenaan dhiig cusub kii hore ee faasidka noqdayna meesha ayuu ka baxaa doorasho la'aanina waxay lamid tahay AIDS.



2. Waxa kale oo kamid ahaa waxyaalihii wax lagu sababeeyey, "Xeerka Doorashada Guurtida oo aan diyaar ahayn". Cajab kale! Waxa u hadhsan 5 bilood haddana gacanta ayuu Golaha Wakiiladu ku hayaa xeerkaas iyagiina may ka hadlin oo may odhanin diyaar ma noqonayo inta ka hadhsan muddada xilka. Waxa in la ogaado mudan, in Xukuumaddu soo diyaarisay xeerkan maanta Wakiiladu gacanta ku hayaan oo wax aan badnayn laga bedelayo. Haddii cilladdu tahay xeer ayaan diyaar ahayn, maxaa keenay AFAR SANADOOD in la kordhiyo? Goorma ayaa cilmul-qaybka la ogaaday ma faalkii la sheeg-sheegayey ayaa kanna sheegay? Sidii kuwii hore maxaa diiday in bilo ama sannad lasoo jeediyo? Dhinaca kale, qodobka 42aad waxa uu sheegayaa in kordhintu ay ku egtahay keliya muddada xaaladahaasi taaganyihiin. Bal ka waran haddii xeerkaa la sheegay sanadkan gudihiisa ama ka dambe horaantiisa kusoo dhammaado?



3. Arrinta kale ee wax lagu sababeeyey waxa kamid ah "Golaha Guurtida oo kusoo dhacaya kaalin bannaan (vacuum)". Bal adba! Yaa qiimaynaya inuu kusoo dhacayo kaalin bannaan oo aanay wixiisu diyaar noqonaynin? Sidee ayuu Madaxweynuhu kelidii ku yeeshay go'aanka ah in meel bannaan uu kusoo dhacayo?


Akhristow, waxa aad aragtaa waxa meesha lagu hayaa inay intan ka weyntahay ujeedooyin qarsoon oo shacabka lagaga dhuumanayaana meesha ku jiraan.

Berigii dagaalkii Siyaad Barre lagula jiray ayaa waxa laga sheekayn jiray sarkaal SNM-ta kamid ahaa oo marka uu askari lasoo qabtay dilayo sii dayn jiray oo odhan jiray orod oo iska tag! Marka uu sii jeestona baas marin jiray! Markaas ayaa la weydiiyey waxa uu sidaa u samaynayo. Wuxuu ku jawaabi jirey, "waxa aan rabaa in aan toobadda seejiyo". Arrintan dhinac kale marka laga eego, anigu waxaan is idhi, malaa arrintan waxa ka dambeeyey Saleebaan Nuur oo waa "toobad-seejin Saleebaan Nuur la helay Rayaale" si loo IMPEACH-gareeyo.
 
The Author: Jaamac Gaabuush.
Authors Location: Finland
Authors Email: jgabush@yahoo.com

Somalia (Cultures of the World) ~ Ships in 2-3 days
 
Susan M. Hassig / Library Binding / Published 1997
Our Price: $34.21
Read more about this title...

Email this Story - Saxiib u dir





Fikrada halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Jaamac Gaabuush. The views published here are solely those of its authors Jaamac Gaabuush. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net.

Riix halkan hadii aad isleedahay soo dir fikradaada To Submit
Article or Opinion



Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.