Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland
Fly Daalo Airlines Today | Fast Money Transfer at DahabShiil

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile
Arnab= waa bakaylaha (Afka-Carabiga).

Feb 13 2002 Asad waa ku Halmaantee Arnab weeye Magacaagu. Translate (for Somali articles no translation available, sorry!)

Markaad Beelo Aloosiyo, Ardaa aad ka Hadlayso, Asad aan la marayn iyo Aadu-baa tahay Xoogan.

Marka Aayotiinka Dadkeeniyo Arin aad u hagaasan oo Anfacaaya Dalkeena Isna aad ka hadlayso Arnab-baa tahay liita.

( To be or not to be? That is the Question).
Ahaw Udub, Ucid, Asad, Aflibaaxle ama haba ahaanin, Waxa kugu waajiba in Aad ka hormariso Danta Wadaniga ah. Damacaaga Siyaasi oo Dalka aad u Shaqayso.

Ha ku xisaabtamin Hebel-baa Qaatay waxoogaa ee adna Haamo ka buuxso. Haybadaada ilaasho oo u Hanbee Ubadkaaga.
Hooyadaa weeye Dhulkaagu ee had iyo jeer ka Ducayso.

Dawlad cune, Dollar liqe, Dadka hantidii ka dhaxaysay damkasiiye.Dusha waa Ka mucaarid, Duntana waa ka Munaafaq, Debnahana waa ka siyaasi waana Walaalkaa oo dadcunoobay oo Dugaagii la halmaalay ee ma dishaa ? ma Daysaa? Dadweynaw Talo keen.

Intaa oo isugu jira Dulin iyo Daalinba oo midba mid kale ku taamayo ayaa Dalka Somaliland iyo Dadkiisuba Aabo iyo Hooyo u yihiin.

Qofkasta oo Waalid ah oo wax Dhalay wuu Dareemi karaa culayska labadaa Waalid saaran.

Labadaa Waalid waa Dalka iyo Dadkiisee oo aad u Tabaalaysani, Hanti-buurana Aan lahayn, kana soo Doogay Colaad Sukeeye iyo mid Shisheeyaba, waxay ka Fekerayaan iminka ma Cadawga Shisheeye ee Carta iyo Argagixisada ayaad Caruurta iyo Maxasta ka celisaa, mise ciidankan isu muuqda ee Sahan leh, Asad Leh, ee Aflibaaxle leh, ayaad iyag kala celisaa.

(Waa Amankaag iyo Yaab Argagax).

Dariiqa Dawlad Sharciye ku Dhismaysaa waa kee ? Waa Su'aal furan........

Waxa ka jawaabaaya Axsaab siyaasi ah iyo Kooxo kale oo Madaalayaal ah
Ururka siyaasiga sheeganaya ee aan si sharciga iyo Distoorka Dalka waa Faqsanayn ku furani, waxaan odhan karaa waa koox Madaale ah oo xukun Jecayl derderay. Sida Al-Itixaad, Al-carta, Al-shirbeeleed.

Jawaab, Asad ama ( Arnab): Dawladnimad sideedaba Dariiqeedu wuxu yahay, Horta Duubcadii shiri, Duqaytidiyo Suldaamada Darajada iyo Xilka u dhiib iyagaa Ducaysane, Dib u riix Himiladoo Duumaale gaadhsii Dibuguur ha taliyee.

Koox Clan-cas ah: Sacabka ,sacabka ( Good answer). Dahir laba Aflaa ka Jawaabay, waa Diktoor aad u Cajiiba, Dibuguur waa nin wanaagsan.

Jawaab, Udub: Doorashaa u Muhiima markaad Dawlad Dhisayso, Distoorkaana Qiraaya.

Goortidii: Sacabka-sacabka ( La jiifiyaana banaan).
Udub waa Talo Ruug ku ilkaystay siyaasad Asad maaha cadhaysan iyo Atoor Beelo nafmooday.

Jawaab, Sahan: Marka Udub oo ka huleelo ee Kursiga aan ku Fadhiisto ayaan Jawaab idiin heleyaa.

Jawaab, Ucid: Inta Arigtida siyaasiga ah ee masuuliyiintan xukunka u haraadani Heerkaa tagan tahay, Dadweynahana la wacyigalinayo, Su'aashan waan ka Aamusay. waxaanan ku talinayaa in Doorasho lagu soo diyaariyo muddo Sanad Ah.

Asad ama (Arnab): waa sidee ucidaw, Adiga waan ku ognoo udub-baa ku Afuufay, Daba- dhilif.

Ucid: oo u jawaabaayab Asad: Ana waan ku ogoo ( Asad waad ku halmaantee Arnab weeye magacaagu ).

Jawaab, Mr; Sool oo ku hadlaaya Afkii Dadweynaha: Dawladnimad sideedaba Distuur baa u Aabo ah Dimoqraadi lagu sugay oo Doorashuu ku helayaa ninka Door is-moodaa, Dadkuna waa u simanyeen.

Doorashada Qudheed ma aha Mashruuc inta habeenkii seexatao, Subaxiina aad ku bilaabayso.
Waxay u baahantay , Qalab-bixin fara badan , wakhti , Sharci, iyo Dadkii Khibrada u lahaa ee Suurto galinaayey oo loo diyaariyo.
Waxa somalidu Tidhaahda:( Degdegaa ma faa'ido Wadaada Duceeyaba Qalin-Duuraha Ayaw Daran).

Hadaba Markaad Shaxda hoos u degto ee kala fahamto siyaasiga Danta guud Ilaalinaaya iyo Danaystaha tiisa kugu Fushanaaya. Muwaadin kastana waa ku Waajib in uu wax ka fahmo Marxaladan Doorashada ee dalka Dawlad sharciyaha loogu dhisaayo.
Anigu Runtii waxaan u arkaa Kooxaha Doorasho-diidka ahi in Aanay Dawladnimana u jeedin.
Waa halkii uu ka yidhi Abwaankii Caanka ahaa ee ( Abdi Iidaan) Ala ha u Naxariistee.
( Dalba- juuqahaaguna wax la dedo ka xeel-dheer Alaw yaa ku dooxoo hadana Aan ku dilinoo waxa damacsantee kale Debeda uu la soo baxa).

Waan fahmi karaa in layiraahdo Doorashadu si cadaalada ha u dhacdo, sharciyo Adagna ha loo sameeyo, waayo tii Maraykan ka dhacday ee (George Bush) Ayaan Ogayn. laakiin waan Qaadacayaa, taasi waa (Another game).

Waxa kale oo cadaatay oo Makhraatina u baahnayn in Hoogaamiyaasha Kooxahaas ee diidan habkan ah (one man one vote) aanay wax kalsooniya ka Haysan Shacabkan reer S.land, sidaa awgeed ay Babiso qaadeen iyo shaki oo ay Ka baqayaan in ay Dirida Qaniinaan hadii lagu tartamo Doorasho xalaal ah.

Sababta ugu wacanina waxay tahay, Nimanka odoyaasha ah oo hore ugu Guulaystay oo ku soo bixi jiray hab ( Beeleedkii).

Hadaba iminka way kuu muuqataa in yihiin niman ku mumay meeshii ay hore uga Qabashada barteen.

Hadii aad gees kale ka eegtana waa niman iyaga iyo qaar kale oo waliba Muxaafid sheeganayaaba aan hor isu tijaabin oo waligood Doorasho Dimoqraadiya ka qaybgalin.

Xataa filimaayo in Hogaamiyaashaani ka soo qayb qaateen Doorashooyinkii Dalka ka dhici jiray intii u dhaxaysay 1960--1969.
Taana waxaan uga jeedaa ( belaayana u barasho leh)


Osman Abdillahi Sool.
E-mail: sooldhuub@hotmail.com
Fax::::.45-44988806


African Wildlife Safaris : Kenya Uganda Tanzania Ethiopia Somalia Malawi Zambia Rwanda Burundi (Spectrum Guides)
Camerapix / Published 1989
Read more about this title...

Posted to the web 23:30 Feb 13 2002 by Abdillahi Sool.

Email this Story - Saxiib u dir



Get yourname@somalilandnet.com Email - > click here


Fikrada ama ANALYSIS - ARTICLES - FAALO, MAQAAL - OGAYSIIS - TACSIDA halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah Abdillahi Sool. The views, ANALYSIS - ARTICLES - FAALO, MAQAALO - OGAYSIIS - TACSI published here are solely those of its authors Abdillahi Sool. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net. Riix halkan hadii aad isleedahay soo dir ANALYSIS - ARTICLES - FAALO, MAQAAL - OGAYSIIS - TACSI - To Submit Article or Opinion



Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.