Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile
SAXIIB U DIR Saxiib u dir TRANSLATE TARJUM PRINT DAABAC Print This
Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'
Posted to the web 20:10 Apr 12 2004
Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' was born in Hargeysa in 1949, and lives there now. He attended school in Sheikh in Somaliland and then graduated in biology at the Somali National University, following which he was a teacher for several years.

Posted By SLN.

X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t

As a keen poet and literary scholar also, he later worked at the Academy of Culture in Mogadishu and then as a lecturer in Somali literature at National University. From the 1970s onwards he has been one of the most important Somali poets, composing on a great variety of topics from nuclear weapons to Nelson Mandela. He was also a poet who was not afraid to engage in the politics of Somalia through his poetry, and he was the initiator of one of the largest 'chain poems', 'Deelley', to which many poets contributed, each one alliterating in 'd', hence the name of the chain. In addition to his poetry composition, Gaarriye was the person who first articulated the metrical patterns of Somali poetry, which he published in 1976 in a number of articles in the national newspaper of the time. This work was invaluable and a major intellectual achievement.

Poems written by Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye':

Fad Galbeed (1978)
Gabbal-dhaca cadceed-yahay
U sii faano-guratee
Casar gaaban liiqii
Godka weeraraysaa!
Go'e fuley miyaad tahay?
Waa maxay garmaamadu?

Ma googooska sagalkiyo
Gamasyada shucaacaa,
Gaade kaa horreeyiyo
Gurigaad ku hoyan layd
War ku gubay ka soo direy?

Mise gabadhan dhoolkiyo
Gu'goo shaalka xaytiyo
Fad galbeed la moodaa,
Kolkaad gelin is-dhugateen
Guluubkaagii shiikhoo
Dib-u guradku waa baqe?

Mise ganac-jabkaagiyo
Waxaad galabta mudataad
Intay goori goor tahay,
Dayax soo lug-gu'i laa
Sii war-geli is-leedahay?

Gedgeddoonka hirarkee
Iyagoo garaaro leh,
Gaatin-socodka laafyaha
Xarragada u gaarka ah
Goonyahaaga tiiciyo,
Gaardiga daruuraha
Kugu gaaf-wareegee,
Gumucaad ridaysiyo
Goolli-baadh fallaadhaha,
Shafka kaga garaacdee
Isu rogay guduudkee,

Dhiiggooda gobo'liyo
Giirgiirka caadka leh,
Ku sibbaaqday guudkiyo
Gara-saar-dabtoodii
Maxaa maanta gaasirey?
Miyay kugu giriifeen?

Mise waxay ka giigeen
Gobaad haybaddeediyo,
Gantaalaha jacaylkiyo
Kalgacaylka beereey
Indhaheedu ganayaan?

Afartaa siddiri-gam
Waxaan gocanayaa weli,

Tiiyoo gareyskiyo
Marta debec u gunuddoo
Guranaysa hoobaan,
Oo aan geyaankeed
Geesaha ka filanayn,
Dabayshii gadoodee
Uurkayga garatee
Gaadmada ku qaaddee,
Gosha iyo horaadkiyo
Gaaddada u faydiyo,
Garba-duubka maraday
Durba "geb" isku siisiyo,
Gabbashada xishoodka ah
Gorodday lulaysiyo
Ugubnimo-gandoodkii.



Wootargayt
Wiswis bayga galay Kaartarow weheshigiinniiye
Waayo-arag intii aan ka helay buugaggii weriyey
Wareerkaad baddeen buu khalqigu weli la taahaaye
Su'aalaan ku weydiinayaa ila sal waaweyne
Walaalnimadii aan koolin jirey waadhka yaa geliyey?
Isagoo takoor wada ayaa laba wejiileeyey?
Waadaasha xoolaha lumaa weere waw halise
Hadba weerka naag baw xidhaan weydey kii qabaye
Wedkii Maalkom Ekis waan ka naxay wacad Ilaahaye
Waa kee waraabaha dharqaday warangalkii toosay?
Kolka geesi weyraxo ayaa dacar waraabsiiyey?
Yaa wadey raggii Luudar Kiin waagi hanaq gooyey?
Hindidii casayd yaa waddarey wadarna yaw laayey?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Walbahaarka Falasdiin nin ogi qulub la weydowye
Waddankoodi goortii la dhacay wahabku kooreeye
Waa debed-wareeggii sidii woohow loo yidhiye
Waab iyo ardaa kama galaan weedhka karameede
Ummaddaasi wadhan yaa sidaa wajib kaga yeelay?
Miyaan lala wadaagayn Yuhuud wiirsigiyo ceebta?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Fiyatnaam wixii aad baddeen uunku wada yaabye
Hubka waarriyuun baad aroor wagac ku siiseene
Dayuurado waleecaad qabaa geliyey weesaaqe
Sida dhibic wajiineed wixii gumuc is-weydaartey
Nin waraystay waa garanayaa wahankii Saygoone
Goortuu wasaashaday dhurwaa waaxyihii ubadka
Isu baxe wishiiriga ci'diyo wiida naaguhuye
Raggaad waranka siiseen anoo weli u ooyaaya
Marna waxaan i deynayn duqii ugu fil weynaaye
Hooheey! geeridii Hoo Shi Miin wiilashay gudhaye
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Woobiga Angoolee qarxaday wiririgtii yeedhay
Boortuqiiskii wiiqay rabeen inay ku waabshaane
Goortuu wadnaha taabtay bay wegen u fuuleene
Waxay waarrisaba maalintuu calanku waaheelmay
Waqalkiyo daruurihii onkoday webiyadii dooxmay
Guushii kolkii loo waqlalay Neeto widhif raadshey
In wakiil u tago Yuu-En-Oo golaha waaheelan
Maan garan halkuu weyd ka yahay waajibkaa cadiye
Wadhiyey! Maxaad ugu riddeen walagta fiitooda?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Sida ceel wiyeeraad kol hore nooga wabaxdeene
Warshaddiinna dhiiggaan tufaa lagu waraabshaaye
Garaad ma laha ruuxii wabiin wacad la qaataaye
Ka il baxay wallaahida afkaa walalac beenaade
Werwerkii Simbaabwaan qabaa Weris-la-mooddiiye
Waadiga Namiibiya rag baa waayir xidhayaaye
Idinkaa watee Yaan Ismiidh wadhaf ma tuureene
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!



Madax Goodir
Mar aan gaban ahaa beri
galab aan adoogay
geed uu fadhiyi jirey
sheeko kooban kaga guray,
wuxuu yidhi: "guyaal hore
boqor geesalaa jirey
oo goostay weligii
inaan iinta lagu garan.
Fule waa geddiisoo
wuxuu goorba hubiyoo
gedfo oo cimaamado,
nin gaaraa sirtii helay
godob buuse taransaday
garashadu u sabab tahay
qof gafaana laga dhigay,
hadduu gaabsan waayana
inuu gowrac jiro maqal.
Hadba giirka loo kici
goldalooladuu helay
inay gudubto loo diid.
Isna waa gartiisee
liqi waa gasiinkii
war guntamay la foolqaad
hadba gaadhka meel dhigay
dadka uurka googo'ay
isna garay ka wada qari,
kuna oloshey gogoshii."

"Goobyaalka layliga
kolkay gama' is waayeen
gelin dhexe rugtiisiyo
gurigii ka soo bood,
gudcur beegsey duurkiyo
gelliyada dugaagga leh
mugdigii galaydhkiyo
garanuugta kala didi,
gocoshiyo xasuus iyo
kalgacayl sabooleed
gaashaan ka sii dhigay."

"Wuxuu gebidhacleeyaba
kolkii waagu galac yidhi
geed hoostii faadhfaadh
sidii bahal god dheer qoday,
dabadeed gafuurkiyo
gadhka ciidda saaryoo
la faq goofkii keligii
dulucdiina gaadhsii,
'inuu boqorka Goojaa
madax goodir leeyahay'."

"Hadda iga ma goyside
waxaad iga guraysaa,
sheeko beri la ii galay.
Geeskii warkiisii
kii cabudhay kolkii ganay
garbihiisa laga duul
gebigii fudayd noqoy
goobtiina aasyoo
ka hurgufay go'iisii
galbay oo ka sii socoy."

"Ka gadaalna meeshii
laye 'goortii roob helay,
geesaa ka soo baxay.'"



News Posted By SLN.
Email
SLN : none


SAXIIB U DIR Saxiib u dir TRANSLATE TARJUM PRINT DAABAC Print This
MORE NEWS

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.