Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile
Dugsigii Saree Farsamada gacanta Burco oo dib loo dhisi doono

 

Jan 15 2002 Ururka Peace Initiative ee ay ku bahoobeen xuno ka tirsan Jaaliyadaha Somaliland Jarmalka iyo Holland ayaa dibudhis ku samayn doono dugsiga Sare ee farsamada gacanta ee magaalada Burco ayaa la kaashanaya hay'ado Jarmala. Translate (for Somali articles no translation available, sorry!)

Magaalada Burco uu ku naafawday dagaaladii sokeeye, oo ku yimid dibudhac badani dhinaca waxbarashada marka loo eego magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa waxaa hadda magaaladu ku mashquulsantahay kasoo kabashada dhibkaas aan soo sheegnay.

Dadka reer Burco oo lagu yaqaan firfircoonaan waxay muujiseen dadaal
badan iyo niyad samaan. Waxaanay si fiican usugeen amnigii magaalada.

Waxayna iska kaashadeen dhinacyada dibudhiska iyo horumarinta
magaalada. Dadkii qurbaha joogay ee degaankoodu ahaa magaalada markay
arkeen dadaalka ballaadhan ee ay samaynayaan bulshada degan magaalada
iyo xasiloonida hanaqaaday ayay dhiirigelisay inay maalgelin ku
sameeyaan, kana dhistaan guryo quruxbadan, hudheelo, iyo xafiisyo.

Haddaba jaaliyadda Jarmalka oo kamid ah jaaliyadaha ugu yar Somaliland
ee qurbo jooga ah, haddana ah kuwo dadaal badan. Jaaliyaddu waxaa ay
kasoo dhamaysay dawladda Jarmalka in dib u dhis lagu sameeyo dugsiga
sare ee Farsamada Gacanta ee Burco oo ahaa dugsiga farsamada gacanta ee gobolada bariga Somaliland oo dhan.

Sida uu ii sheegay guddoomiyaha ururka Peace Initiative Mr. Omer Yussuf Hussein dibudhiska dugsigu wuxuu ku kici doonaa 400,000 Euro ah. Waxaana dib loo dhisi doonaa gebi ahaanba fasaladii, xafiisyadii, iyo guryihii dugsigaas.

Waxaana dugsiga lagu baran doonaa xirfadaha farsamadaha gacanta oo ay
kamidka yihiin:

1. Saamaha iyo Hargaha
2. Dhismaha guryaha iyo waddooyinka .
3. Korontada iyo isgaadhsiinta
4. Baabuurta iyo mashiinada

Mr. Omer wuxuu ii sheegay in jaaliyaddaha reer Somaliland ee qurbaha
jooga ku talo jiraan in mustaqbalka dugsiga farsamada gacanta ee Burco
laga dhigi doono Jaacadda Sanaacadda ee Togdheer( University Togdher
Technology). Laguna baran doono farsamada casriga ah si looga baaxo
baahida jirta. Waxaase uu ii sheegay in hirgelinta arrintaasi aanay
ahayn mid hawl yar una baahantahay dadaal badan iyo gurmad badan oo ay
ka qaybgalaan iskana kaashadaan dhamaan shacbiga Somaliland gudo iyo
dibadba.

Mr. Omer wuxuu sheegay in wafti kasocda urur samafal oo Jarmala oo
hawsha fulin doonaa uu dhawaan u ambabixi Somaliland si ay usoo indha
indheeyaan fulinta hawshaas. Dawladda Jarmalku awalba iyadaa dhistay
qalabaysana dugsigan, haddana waxay rabaan inay dibuhabayn ku sameeyaan si ay fursad u helaan da'yarta aan helin fursadda waxbarasho iyo farsamo ay ku xoogsadaan.

Ugu danbayna Mr. Omer waxuu ka codsaday xukuumadda Somaliland iyo
dadweynaha reer Burcaba inay gacan kasiiyaan si ay u hirgasho hawshaasi muxiimka ah ee la rabo in wax lagu daboolo baahida waxbarasho gaar ahaana dhinaca xirfadda oo aad ugu yar guud ahaanba degaanada Maandeeq.
a


Networks of Dissolution : Mogadishu ~ Ships in 2-3 days
 
Anna J. Simons / Paperback / Published 1996
Our Price: $23.00
Read more about this title...

Posted to the web 12:57 Jan 15 2002 by Abdi Abdillahi Hassan.

Email this Story - Saxiib u dir




Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.