Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile
Email this Story Click here for More News Here
Press Release UCID: Xisbiga UCID oo laan cusub ka furtay Dimishiq-Suuriya:
Posted to the web 12:45 Mar 13 2003

Mar 13 2003 Dimishiq, Suuriya -UCID March 8th '03 Sabtidii ayaa waxaa ka dhacay magaala madaxda dalka suuriya ee Dimishiq shir aad u balaadhan oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u tira badan kuwaasoo isaga kala yimi magaalooyinka xalab,laadiqiya iyo dimishiq ee ka mid ah dalak Suuriya.
X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t


Click here for More News Here
Dadkaasi shirka ka soo qayb galay waxay dhamaayeen 71 qof kuwaasoo isugu jiray rag iyo haween.

shirkani wuxuu ahaa aasaaskii xafiiska ururka UCID ee dalka suuriya, waana ururkii ugu horeeyay ee dalka Suuriya xafiis ku yeesha.

Hadaba xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa abaabulay dhalinyaro ay hogaaminayeen mudane Cabdiraxman Cali Xassan iyo mudane Muse C/laahi Xassan.

Shirku wuxuu bilaabmay saacadu markay ahayd 4:30 galabnimo wakhtiga Dimishiq, waxaana lagu furay aayadaha quraanka oo uu akhriyey Mudane C/risaaq Cali Maxamed.

Intaa kadib waxaa halkaa hadal ka jeediyey mr.Muuse c/laahi Xassan wuxuuna ka hadlay qodobo dhawr ah sida xaalada dadka reer s/land ee ku nool Suuriya iyo sida uu dadku ugu baahanayahay xidhiidh iyo iskaashi dhexdooda ah. Mr. Muuse wuxuu kaloo ka hadlay taariikhdii iyo wax qabadka xisbiga UCID. Wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu UCID yahay ururuka keliya ee ku caan baxay firfircoonida iyo fikir dhalinyaro cusub oo doonaysa inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan.

Mr.Muuse wuxuu hadalkiisii kaga baxay mahadnaq uu usoo jeediyey dadka faraha badan ee ka soo qeyb galay xafladaasi.

Intaa kadib waxaa sacab lagu soo dhaweeyay Xaaji xirsi diiriye cigaal oo ah odayaasha ugu magaca dheer jaaliyada ku nool dalka suuriya. Xaaji Xirsi wuxuu halkaa ka jeediyey khudbad aad u dheer,isaga oo kaga hadlay danta iyo baahida weyn ee loo qabo iskaashiga iyo xidhiidh dadka reer s/land ee suuriya ku dhaqan. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii "waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta arko dad sidaa u badan oo reer s/land ah oo ku kulma suuriya waana markii ugu horeysay,waxaanaan leeyahay taariikhda halagu daro maanta,waxaana mahadda koowaad leh ururka UCID oo noo soo bandhigay qorshahan aadka u wanaagsan ee intan oo dad ah mar keliya kulansiiyey".

waxa kale oo uu ku nuuxnuux saday Xaaji Xirsi dhibaatada ka haysata reer s/land suuriya iyo jaaliyad la'aanta ama xidhiidh la'aanta, wuxuuna ka codsaday hogaanka sare ee UCID inuu arrintaa wax ka qabto.

Markuu ka hadlay xisbiga UCID wuxuu sheegay inuu UCID yahay mid ka mid ah xisbiyada qaran ee s/land laakiinse uu dheeryahay dhaqadhaqaaq iyo firfircooni.

Ugu dambeyntii wuxuu xirsi mahad u soo jeediyey dhallinyaradii sida la yaabka leh iskugu soo dubariday xafladan.

Isla goobtaas intii aan la soo gebagebayn xafladdaas quruxda badan ayaa halkaas lagu doortay xubnihii guddida UCID ee xafiiska Syria. Haddaba iyadoo rag badani isa soo sharaxeen, waxaa halkaa lagu doortay gudidan soo socota:

MUDANE: MAXAMED SALEEBAAN CABDI (GUDOOMIYE)
MUDANE: CABDIRAXMAN CALI XASSAN (GUDOOMIYE KU XIGEEN)
MUDANE: MUSTAFE MUSE CILMI (AF-HAYEENKA URURKA)
MARWO: RUQIYA XIRSI DIIRIYE (XOG-HAYN)
MARWO: MILGO XASSAN CAASHUUR (LACAG HAYE)

Waxaana kaloo munaasabadaa lagu lagu doortay Gudoomiyaha jaalliyada s/land ee dalka suuriya. Waxaana loo doortay XAAJI XIRSI DIIRIYE CIGAAL.

Intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha la doortay Xisbiga UCID ee Suuriya mudane Mr. Maxamed Saleebaan cabdi,isaga oo marka hore dadka uga mahad celiyey kalsoonida ay siiyeen, wuxuuna ku ballan qaaday inuu inta karaankiisa ah uuna waxba kala hadhayn, isaga oo ka codsaday xubnuhu inay gacan ka siiyaan hawlaha ururka...
Waxaana lagu soo gabageeyay xafladii duco wada jir ah....


Dadweynihii ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa:

1.Maxamed muxumed ismaaciil.
2.Axmed cumar iidaan
3.Cabdiraxman cali xassan
4.Xassan cabdi aarre
5.Maxamed ismaaciil cumar
6.C/risaaq cali maxamed
7.Muse c/lahi xassan
8.Mustafe cumar barre
9.Mustafe muse ilmi
10.Siciid xassan muse
11.Mustafe c/risaaq x.yusuf
12.C/kariim siciid muse
13.Axmed cabdi maxamed
14.Naasir xaamud yaasiin
15.Khaalid khadar jaaamac.
16.c/risaaq maxamed nuur
17.Mawliid yuusuf gaadh-haye
18.Maxamed saleebaan cabdi
19.Xirsi diiriye cigaal
20.Maxamed c/risaaq xaaji xassan
21.Subeer maxamed xaashi
22.Maxamed maxamuud xuseen
23.Xassan muxumed ismaaciil
24.Axmed maxamed ismaaciil
25.Faysal maxamuud boos
26.C/raxmaan aadan xadaana
27.Daahir janagale
28.Axmed cabdi maxamed
29.Maxamed cawil cali
30.Cabdi maxamed jaamac
31.Maxamed baashe
32.Kheyriya c/lahi xassan
33.Aamina cali axmed
34.Ruqiya xirsi diiriye
35.Aamina xuseen cabdi
36.Fawsiya axmed isxaaq
37.Rooda nuur
38.Luul tarabbi
39.Hiba xuseen
40.Muxibo maxamed
41.Milgo xassan caashuur
42.Saado cali weyd
43.Canab maxamuud
44.Maryan maxamed
45.Rooda jibriil
46.Nuura c/lahi
47.Fardoos aadan
48.Huda cumar maxamed
49.Ubax cali maxamuud
50.canab siciid
51.Huda c/laahi
52.Canab cabdi
53.Dhool maxamuud
54.Xaliima maxamuud
55.Hodan axmed
56.Farduus xassan
57.Yaasmiin cabdi
58.Khadra cali xirsi
59.Faaduma x.c/lahi.


Source: Eng. Nasir Ali
Guddoomiyaha UCID ee yurub
Tel. 0046-733521469


Posted by EDT- Canada.
Email: news@somalilandnet.com

Email this Story - Saxiib u dir


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.